Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
133 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay
Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
2 Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa,
Oo ku soo dareertay gadhka,
Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun,
Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa,
3 Waana sida dharabka Buur Xermoon,
Oo ku soo dega buuraha Siyoon,
Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako,
Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.
Dhimashadii Yacquub
29 Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed, 30 kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah. 31 Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas 32 oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed. 33 Oo markii Yacquub dhammeeyey dardaarankii uu wiilashiisii kula dardaarmayay ayuu cagihiisii ku soo urursaday sariirta, oo markaasuu naf baxay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.
50 Markaasaa Yuusuf ku dhacay wejigii aabbihiis, wuuna ooyay oo dhunkaday. 2 Kolkaasaa Yuusuf wuxuu addoommadiisii dhakhtarrada ahaa ku amray inay aabbihiis meydkiisa dawo mariyaan, markaasay dhakhtarradii Israa'iil dawo mariyeen. 3 Oo waxaa u dhammaaday afartan maalmood, waayo, sidaasay maalmaha dawomarintu ugu dhammaan jireen. Masriyiintiina waxay isaga u ooyayeen toddobaatan maalmood.
4 Oo markii maalmihii loo ooyayay isaga ay dhammaadeen ayaa Yuusuf la hadlay reerkii Fircoon oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye haddaad haatan raalli iga tihiin, Fircoon iila hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, 5 Aabbahay baa i dhaariyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waan dhimanayaa ee waxaad igu aastaa qabrigaygii aan ka qotay dalka Kancaan. Haddaba waan ku baryayaaye, ii fasax inaan tago oo aan aabbahay soo aaso, oo haddana waan soo noqon doonaa. 6 Markaasaa Fircoon ku yidhi, Tag oo aabbahaa u soo aas siduu kugu dhaariyey. 7 Markaasaa Yuusuf tegey inuu aabbihiis soo aaso; oo waxaana isagii raacay addoommadii Fircoon oo dhan, iyo odayaashii reerkiisa, iyo odayaashii dalka Masar oo dhan, 8 iyo reerkii Yuusuf oo dhan, iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis. Waxaa keliyahoo ay dalkii Goshen kaga tageen dhallaankoodii, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii. 9 Waxaana isagii raacay gaadhifardoodyo, iyo fardooley; oo waxay ahaayeen guuto aad u weyn. 10 Markaasay waxay yimaadeen goobtii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Aataad, oo Webi Urdun ka shishaysay, oo halkaasay ku baroorteen baroor aad u weyn oo daran; oo aabbihiis buu toddoba maalmood oo loo baroortay u dhigay. 11 Oo markii dadkii reer Kancaan oo dalka degganaa ay arkeen baroortii ka dhacday goobtii Aataad ayay waxay yidhaahdeen, Tanu waa baroor ku xun Masriyiinta. Oo sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Aabeel Masriyiin, oo waxay ka shishaysaa Webi Urdun. 12 Wiilashiisiina way u yeeleen wixii uu kula dardaarmay iyaga, 13 maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.
14 Yuusufna markuu aabbihiis aasay ka dib, wuxuu ku noqday Masar, isagii iyo walaalihiis, iyo kulli intii isaga u raacday oo dhan inay aabbihiis la soo aasaan.
13 Sidaas daraaddeed mar dambe yeynan isxukumin, laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada. 14 Waan ogahay, waanan ku hubaa Rabbi Ciise, inaan waxba nafahaantiisa iska xaaraan ahayn, laakiinse kii ku tiriya inay xaaraan tahay, kaas waa ka xaaraan. 15 Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabbi'in kii Masiixu u dhintay. 16 Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin. 17 Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Quduuskaa. 18 Kii waxaas Masiixa ugu adeega, Ilaah buu ka farxiyaa, xagga dadkana waa mid loo bogay. 19 Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo. 20 Shuqulka Ilaah ha u dumin cunto aawadeed. Hubaal wax waluba waa nadiif, laakiin waa u xun tahay kii cuna isagoo mid kale xumaynayo. 21 Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleto oo walaalkaa ku turunturoodo. 22 Rumaysadka aad leedahay, Ilaah hortiis u hayso. Waxaa faraxsan kii aan isku xukumin wixii la qumman isaga. 23 Laakiinse kii shakiya, hadduu cuno, waa xukuman yahay, maxaa yeelay, rumaysad wax kuma cuno, oo wax kastoo aan rumaysadka ka imaninu waa dembi.
15 Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin. 2 Midkeen kastaaba deriskiisa ha ka farxiyo inuu ku wanaagsanaado oo ku dhismo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya