Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:65-72

TET.

65 Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay
Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.
66 Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon,
Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
67 Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday,
Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.
68 Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.
69 Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen,
Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
70 Qalbigoodu wuu qallafsanaaday,
Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.
71 Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo,
Si aan qaynuunnadaada u barto.
72 Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay
Kumanyaal dahab iyo lacag ah.

Laawiyiintii 16:1-5

Maalintii Kafaaraggudka

16 Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka. Haddaba Haaruun meesha quduuska ah waa inuu la soo galo dibi yar oo qurbaan dembi ah, iyo wan qurbaan la gubo ah. Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa. Oo ururka reer binu Israa'iilna waa inuu laba orgi uga soo qaadaa qurbaan dembi, wanna qurbaan la gubo.

Laawiyiintii 16:20-28

20 Oo markuu dhammaystiro kafaaraggudka uu u samaynayo meesha quduuska ah, iyo teendhada shirka, iyo meesha allabarigaba waa inuu orgiga nool keenaa. 21 Oo markaas Haaruun waa inuu labadiisa gacmoodba kor saaraa madaxa orgiga nool, oo waa inuu korkiisa ku qirtaa xumaatooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo xadgudubyadoodii oo dhan, oo ah xataa dembiyadoodii oo dhan, oo waxaas oo dhan waa inuu kor saaraa orgiga madaxiisa, dabadeedna waa inuu cidlada ugu diraa nin diyaarsan. 22 Oo orgiguna xumaatooyinkoodii oo dhan wuxuu u qaadayaa dhul cidla ah, oo markaas waa inuu orgiga ku sii daayaa cidlada dhexdeeda. 23 Markaas Haaruun waa inuu teendhada shirka galaa, oo waa inuu iska furaa dharka wanaagsan oo linenka ah, oo uu gashaday markuu galay meesha quduuska ah, oo waa inuu dharka halkaas kaga tagaa, 24 oo waa inuu meel quduus ah ku maydhaa, oo uu dharkiisii soo gashadaa, oo dibadda u soo baxaa, oo bixiyaa qurbaankiisii la gubayo iyo qurbaankii dadka oo la gubayoba, oo kafaaraggudna waa inuu u sameeyaa nafsaddiisa iyo dadka daraaddiisba. 25 Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa. 26 Oo kii Casaaseel orgiga u sii daayayna waa inuu dharkiisa maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada galaa. 27 Oo dibigii qurbaanka dembiga ahaa, iyo orgigii qurbaanka dembiga ahaa oo dhiiggooda loo soo geliyey meesha quduuska ah in kafaaraggud lagu sameeyo, waa in xerada dibadda looga bixiyaa, oo haraggooda iyo hilibkooda iyo uuskoodaba dabka lagu gubaa. 28 Oo qofkii iyaga gubaana dharkiisa waa inuu maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada soo galaa.

Matayos 21:18-22

Geedka Berdaha Ah Oo Aan Waxba Dhalin(A)

18 Aroortii goortuu magaaladii ku soo noqonayay, wuu gaajaysnaa. 19 Oo wuxuu arkay geed berde ah oo jidka ku ag yaal, kolkaasuu u yimid, waxbana kama uu helin, caleemo keliya maahee. Oo wuxuu ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa midho yaanay kaa bixin, oo kolkiiba geedkii berdaha ahaa waa engegay. 20 Xertii goortay arkeen way yaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Geedkii berdaha ahaa sidee buu kolkiiba u engegay? 21 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad rumaysan tihiin oo aydnaan shakiyin, wixii geedkii berdaha ahaa ku dhacay oo keliya ma aad samayn doontaan, laakiin weliba haddaad buurtan ku tidhaahdaan, Ruq, baddana isku tuur, way noqonaysaa. 22 Oo wax kasta oo aad tukasho ku baridaan idinkoo rumaysan waad heli doontaan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya