Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ishacyaah 51:1-6

Badbaadada Weligeed Ah Ee Siyoon

51 Kuwiinna xaqnimada raaca oo Rabbiga doondoonow, bal i maqla. Bal eega dhagaxii laydinka gooyay iyo godkii laydinka soo qoday. Bal eega aabbihiin Ibraahim, iyo Saarahdii idin dhashay, waayo, markuu mid qudha ahaa ayaan u yeedhay, waanan barakeeyey, oo tarmiyey. Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.

Dadkaygow, i maqla, oo quruuntaydoy, dhegta ii dhiga, waayo, sharci baa iga soo bixi doona, oo caddaaladdaydana waxaan ka dhigi doonaa inay dadyowga iftiin u noqoto. Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan. Bal indhihiinna samooyinka ku taaga, oo haddana dhulka hoose fiiriya, waayo, samooyinku sida qiiq oo kale bay u libdhi doonaan, oo dhulkuna sida dhar buu u duugoobi doonaa, oo kuwa degganuna sidaas oo kalay u dhiman doonaan, laakiinse badbaadintaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo xaqnimadayduna weligeed ma dhammaan doonto.

Sabuurradii 138

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

138 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa,
Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa,
Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood,
Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay,
Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga,
Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya,
Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa,
Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda,
Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan,
Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa,
Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.

Rooma 12:1-8

Nolosha Cusub

12 Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo quduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh. Ha u ekaanina dadka ifkan, laakiinse ku beddelma cusboonaanta maankiinna inaad hubsataan waxa ay tahay doonista Ilaah oo wanaagsan oo isagu ku farxo oo kaamilka ah.

Sida Hagaagsan Oo Loogu Shaqeeyo Hadiyadaha Ruuxa

Waayo, nimcadii lay siiyey ayaan ku hadlayaa, waxaan ku leeyahay, Mid kasta oo idinka mid ah, yuusan isderejayn intuu isderejayn lahaa in ka badan, laakiinse miyirqab ha ku fikiro, sida Ilaah mid kasta u siiyey qayb rumaysad ah. Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn, sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii. Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna. Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro; kii wax waaniyaana, si fiican wax ha u waaniyo; kii wax bixiyaana, deeqsinimo wax ha u bixiyo; kii wax u taliyaana, dadaal wax ha ugu taliyo; kii wax u naxariistaana, farxad wax ha ugu naxariisto.

Matayos 16:13-20

Butros Wuxuu Qiray Inuu Ciise Yahay Masiixa(A)

13 Ciise goortuu dhinacyada Kaysariya Filibos yimid ayuu xertiisii weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Dadku yay ku sheegaan Wiilka Aadanaha? 14 Waxay yidhaahdeen, Qaar waxay yidhaahdaan, Yooxanaa Baabtiisaha, qaarna Eliyaas, qaar kalena waxay yidhaahdaan, Yeremyaah, ama nebiyada midkood. 15 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? 16 Simoon Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa ah Wiilka Ilaaha nool. 17 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey. 18 Anigu waxaan kugu leeyahay, Butros baad tahay, oo dhagaxan ayaan ka dul dhisan doonaa kiniisaddayda, oo albaabbadii Haadees kama adkaan doonaan. 19 Waxaan ku siin doonaa furayaasha boqortooyada jannada, oo wax alla wixii aad dhulka ku xidho ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furto ayaa jannada ku furnaan doona. 20 Markaasuu xertii ku amray inaanay cidna u sheegin inuu Masiixa yahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya