Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
138 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa,
Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
2 Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa,
Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood,
Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
3 Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay,
Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
4 Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
5 Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga,
Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
6 Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya,
Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
7 In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa,
Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda,
Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
8 Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan,
Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa,
Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.
33 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalinta aan idinka nadiifin doono xumaatooyinkiinna oo dhan waxaan ka dhigi doonaa in magaalooyinka la degganaado, oo meelihii burburayna waa la wada dhisi doonaa. 34 Oo dhulkii cidlada ahaan jirayna waa la beeran doonaa, kaasoo cidlada ku ahaan jiray wax alla wixii soo dhex maraba. 35 Oo waxaa la odhan doonaa, Dalkan cidlada ahaan jiray wuxuu noqday sidii beertii Ceeden oo kale, oo magaalooyinkii dumay oo burburay oo cidlada ahaa waa la deyray oo waa la dhex degay. 36 Oo markaasaa quruumaha hareerihiinna ku hadhay waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan meelihii dumay dhisay, iyo inaan dhulkii cidlada ahaa beeray. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo waxaasna waan samayn doonaa.
37 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba reer binu Israa'iil waxaas bay i weyddiisan doonaan inaan iyaga u sameeyo, oo dad sidii adhi oo kale ah ayaan iyaga ku sii badin doonaa. 38 Sida adhiga quduuska ah oo kale, iyo sida adhiga Yeruusaalem dhex jooga wakhtiga iidaheeda ayaa magaalooyinkii dumay dad sidii adhi oo kale ah ugu wada buuxsami doonaan, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ciise Baa Xertii Ku Canaantay Indhala'aantoodii(A)
5 Markii xertii dhanka kale timid, waxay illoobeen inay kibis sii qaataan. 6 Ciise ayaa ku yidhi, Iska eega oo iska jira khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta. 7 Markaasay isla wada hadleen oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii aannan soo qaadan aawadeed. 8 Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isula hadlaysaan, rumaysadyarayaalow? Ma kibista aydnan haysan aawadeed baa? 9 Miyaydnaan weli garan ama miyaydnaan xusuusnayn shantii kibsood oo shantii kun cuntay, iyo intii dambiilood oo aad ka soo ururiseen? 10 Ama toddobadii kibsood oo afartii kun cuntay iyo intii dambiilood oo aad ka soo ururiseen? 11 Sidee baad u garan weydeen inaanan kibis idinkala hadlayn? Iska jira khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta. 12 Markaasay garteen inaanu ku lahayn, Iska jira khamiirka kibista, laakiin waxbaridda Farrisiinta iyo Sadukiinta.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya