Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 81

Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.

81 Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah,
Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.
Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka,
Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
Buunka afuufa markay bishu dhalato,
Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil,
Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.
Oo wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati,
Markii uu dalkii Masar ku soo baxay,
Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon.
Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd,
Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.
Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey,
Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon,
Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)
Dadkaygiiyow, bal i maqla,
Oo anna waan idiin digi doonaa,
Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin,
Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.
10 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah,
Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar,
Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii,
Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
12 Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda.
Si ay taladooda ugu socdaan.
13 Bal may dadkaygu i dhegaystaan,
Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
14 Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda,
Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
15 Kuwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga,
Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa.
16 Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan,
Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.

Bilowgii 24:1-27

Isxaaq Iyo Rebeqah

24 Ibraahimna waa da' weynaa, gabow buuna la dhacay. Rabbiguna Ibraahim buu ku barakeeyey wax walba. Oo Ibraahim, wuxuu ku yidhi addoonkiisii oo dadka gurigiisa ugu weynaa, oo u talin jiray wixii uu lahaa oo dhan, Waan ku baryayaaye gacantaada bowdadayda hoos dhig. Oo waxaan kugu dhaarin doonaa Rabbiga ah Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka inaadan wiilkayga naag uga guurinayn gabdhaha reer Kancaanka aan dhex degganahay: laakiin waxaad u kacdaa dalkaygii iyo xigaalkaygii, oo waxaad naag uga keentaa wiilkayga Isxaaq. Addoonkiina wuxuu ku yidhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu oggolaan inay ii soo raacdo dalkan; ma inaan wiilkaaga ku celiyo dalkii aad ka timid baa? Ibraahimna wuxuu ku yidhi isagii, Iska jir oo wiilkayga meeshaas ha ku celin. Rabbiga Ilaaha samada ah, oo iga soo kaxeeyey gurigii aabbahay iyo dalkaygii aan ku dhashay, oo ila hadlay, iiguna dhaartay, isagoo leh, Farcankaaga ayaan dalkan siinayaa, ayaa malaa'igtiisa kaa sii hor diri doona, wiilkaygana naag baad halkaas uga soo guurin doontaa. Haddii naagtu aanay oggolaan inay ku soo raacdo, markaas dhaartaydan waxba kaa ma saarna, laakiin wiilkayga halkaas ha ku celin. Addoonkii wuxuu gacantiisii hoos dhigay bowdadii sayidkiisii Ibraahim, wuxuuna ugu dhaartay wax arrintan ku saabsan. 10 Addoonkiina wuxuu kaxeeyey toban awr, oo ka mid ah awrtii sayidkiisa, wuuna tegey, isagoo gacantiisa ku haya waxyaalihii sayidkiisa oo wanaagsanaa oo dhan, oo intuu kacay ayuu tegey Mesobotamiya, xagga magaalada Naaxoor. 11 Awrtiina wuxuu tu'iyey meel magaalada dibaddeeda ah oo ceelka biyaha agtiisa ah kolkay galabtii ahayd, marka dumarku biyo dhaansiga u soo baxaan. 12 Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, waan ku baryayaaye, maanta i liibaani, sayidkayga Ibraahimna u roonow. 13 Bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabdhaha dadka magaaladuna waxay u soo baxayaan inay biyo dhaansadaan. 14 Gabadhii aan ku odhan doono, Ashuunkaaga deji, waan ku baryayaaye, aan ka cabbee, oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa, taasu ha noqoto tii aad u dooratay addoonkaaga Isxaaq, oo taas baan ku ogaan doonaa inaad sayidkayga u roonaatay. 15 Intuusan hadalkii dhammayn, waxaa soo baxday, iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, Rebeqah oo u dhalatay Betuu'el wiilkii Milkah, oo ahayd naagtii Naaxoorkii ahaa Ibraahim walaalkiis. 16 Gabadhuna waa suurad quruxsanayd, waxayna ahayd bikrad aan ninna u tegin. Waxay tagtay ishii biyaha ahayd xaggeeda, oo intay ashuunkeedii soo buuxsatay, ayay soo baxday. 17 Markaasuu addoonkii ku orday inuu ka hor tago oo wuxuu ku yidhi, Ashuunkaaga iga waraabi in yar oo biyo ah, waan ku baryayaaye. 18 Markaasay tidhi, Cab, sayidkaygiiyow. Oo intay dhaqsatay ayay ashuunkeedii dejisay oo gacanta ku qabatay, wayna waraabisay. 19 Oo markii ay waraabisay ka dib ayay ku tidhi, Awrtaadana waan u dhaamin doonaa, ilaa ay wabxaan. 20 Oo intay dhaqsatay ayay biyihii ashuunkeedii ku shubtay berkeddii, oo mar kalay ceelkii ku orodday inay soo dhaamiso, wayna u dhaamisay awrtiisii oo dhan. 21 Ninkiina aad buu u fiiriyey iyada, isagoo aamusan, inuu ogaado in Rabbigu ku liibaaniyey sodcaalkiisii iyo in kale. 22 Markii awrtii cabtay ka dib ayaa ninkii soo qaaday sangelis dahab ah oo miisaankiisu yahay nus sheqel, gacmaheedana wuxuu u soo qaaday laba dugaagadood oo dahab ah oo miisaankoodu yahay toban sheqel. 23 Oo wuxuu ku yidhi, Ina ayaad tahay? Waan ku baryayaaye, ii sheeg. Guriga aabbahaa meel aannu ku hoyanno ma leeyahay? 24 Oo waxay ku tidhi isagii, Anigu waxaan ahay ina Betuu'el, wiilkii Milkah ay Naaxoor u dhashay. 25 Oo weliba waxa kale oo ay ku tidhi, Caws iyo cunto badanba waannu haysannaa, iyo meel lagu hoydo. 26 Markaasaa ninkii madaxa foororiyey oo Rabbiga caabuday. 27 Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.

2 Yooxanaa

WARQADDII LABAAD EE RASUUL
YOOXANAA

Runta Iyo Jacaylka

Anigoo odayga ah waxaan salaamayaa marwada la doortay iyo carruurteeda aan runta ku jeclahay, keligayna ma ahaye, laakiin xataa waxaa jecel kuwa runta yaqaan oo dhan, runta inagu dhex jirta, weligeedna inagu dhex jiri doonta aawadeed. Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.

Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay. Oo haatan waxaan kaa baryayaa, murwoy, sidii anigoo aan kuu soo qorayn amar cusub laakiinse kii aynu tan iyo bilowgii haysannay, kaasoo ah inaynu isjeclaanno. Tanu waa jacayl inaynu amarradiisa ku soconno. Amarkiina waa kan, waana sidaad tan iyo bilowgii u maqli jirteen inaad ku socotaan. Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah. Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan. Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay. 10 Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina, 11 waayo, kii salaamaa, wuxuu ka qayb galaa shuqulladiisa sharka ah.

12 In kastoo aan hayo wax badan oo aan idiin soo qoro, ma aan jeclayn inaan warqad iyo khad idiinku soo qoro; laakiinse waxaan rajaynayaa inaan idiin imaado oo aan afkayga idinkula hadlo, si ay farxaddiinnu u buuxsanto.

13 Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya