Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda.
121 Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa,
Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
2 Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa
Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
3 Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo,
Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
4 Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa
Ma gam'i doono, mana seexan doono.
5 Kan ku dhawraa waa Rabbiga,
Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
6 Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto.
Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
7 Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta,
Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
8 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba
Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
Badbaadada Weligeed Ah Ee Siyoon
51 Kuwiinna xaqnimada raaca oo Rabbiga doondoonow, bal i maqla. Bal eega dhagaxii laydinka gooyay iyo godkii laydinka soo qoday. 2 Bal eega aabbihiin Ibraahim, iyo Saarahdii idin dhashay, waayo, markuu mid qudha ahaa ayaan u yeedhay, waanan barakeeyey, oo tarmiyey. 3 Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.
3 Waxaan ku mahadnaqayaa Ilaaha aan qalbi daahir ah ugu adeego siday awowayaashay ugu adeegi jireen, anigoo habeen iyo maalinba joogsila'aan baryadayda kugu xusuusanaya. 4 Markaan ilmadaadii xusuusto waxaan aad u doonayaa inaan ku arko, inaan aad u farxo. 5 Waxaan xusuustay rumaysadka aan labada weji lahayn oo kugu jira, oo markii horena ku jiri jiray ayeeyadaa Lowis iyo hooyadaa Yunikee, adigana waan kugu aaminsanahay inuu kugu jiro.
Dhiirrigelinta
6 Taas daraaddeed waxaan ku xusuusinayaa inaad kicisid hadiyadda Ilaah ee kugu jirta oo kuugu timid gacmosaariddaydii. 7 Waayo, Ilaah inama uu siin ruuxa cabsida, laakiinse wuxuu ina siiyey ruuxa xoogga iyo jacaylka iyo miyirka.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya