Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
124 Haddaan Rabbigu inala jirin
Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
2 Haddaan Rabbigu inala jirin,
Markii dadku inagu kacay,
3 Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen,
Markay aad inoogu cadhoodeen,
4 Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen,
Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
5 Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
6 Waxaa mahad leh Rabbiga
Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
7 Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha,
Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
8 Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga
Sameeyey samada iyo dhulkaba.
8 Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen; 2 ilihii moolka iyo dariishadihii samaduna way awdmeen; roobkii samadana waa la joojiyey; 3 biyihiina had iyo goorba dhulkay ka noqonayeen, oo boqol iyo konton maalmood dabadood ayaa biyihii dhinmeen. 4 Oo bishii toddobaad, maalinteedii toddoba iyo tobnaad, ayay doonnidii ku fadhiisatay buuraha Araarad. 5 Biyihiina way sii dhinmayeen ilaa bishii tobnaad. Bishii tobnaad, maalinteedii kowaad, ayaa buuraha dushoodii la arkay. 6 Waxaana dhacday in afartan maalmood dabadood Nuux furay dariishaddii doonnidii uu sameeyey; 7 oo wuxuu dibadda u diray tuke, hor iyo dib buuna u duulayay, ilaa intay biyihii ka engegeen dhulka dushiisa. 8 Dabadeedna wuxuu diray qoolley si uu u ogaado bal in biyihii dhulka dushiisa ka yaraadeen iyo in kale; 9 laakiin qoolleydii meel ay cagta dhigto ayay weyday, kolkaasay Nuux xaggiisii ku soo noqotay iyo xaggii doonnidii, maxaa yeelay, biyihii baa dhulka oo dhan dul joogay; kolkaasuu gacanta dibadda u bixiyey, oo soo qabtay iyadii, oo soo geliyey doonnidii. 10 Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; markaasuu mar kale qoolleydii doonnidii ka diray; 11 qoolleydiina waxay isagii ku soo noqotay fiidkii; oo afkana waxay ku wadatay caleen saytuun oo qoyan; kolkaasuu Nuux ogaaday in biyihii dhulka ka yaraadeen. 12 Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; dabadeedna qoolleydii buu diray; iyadiina mar dambe kuma ay soo noqon. 13 Oo waxaana dhacday sannaddii lix boqol iyo kowaad, bishii kowaad, maalinteedii kowaad, inay biyihii dhulka ka engegeen: Nuuxna daboolkii buu doonnidii ka qaaday, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, dhulka dushiisu way engegnayd. 14 Oo bishii labaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, ayaa dhulka engegay.
15 Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh, 16 Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba. 17 Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan. 18 Nuuxna wuu baxay, isagii iyo wiilashiisii, iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisa ee la jirayba. 19 Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.
Masiix Lammidnimadiisu Ma Raaci Karto Dembiga
6 Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Miyaynu ku sii soconnaa dembiga inay nimcadu badato? 2 Yaanay noqon! Innagoo dembiga kala dhimannay, sidee baynu mar dambe ugu dhex noolaannaa? 3 Mise ma waydaan ogayn in kulli inteenna lagu baabtiisay Ciise Masiix dhexdiisa, lagu dhex baabtiisay dhimashadiisa? 4 Haddaba waxaynu isaga kula aasannay baabtiiska dhimashada dhexdeeda, in, sidii Masiixa kuwii dhintay loogaga sara kiciyey ammaanta Aabbaha, aan innaguna sidaas oo kale cusaybka nolosha ku dhex soconno. 5 Haddaynu isaga kula midownay dhimasho tiisa u eg, de sidaas oo kalena sarakicid tiisa u eg waynu kula midoobi doonnaa. 6 Waynu og nahay in dabiicaddeennii hore iskutallaabta lagula qodbay isaga, in jidhka dembigu baabba'o, si aynaan mar dambe addoommo ugu ahaan dembiga. 7 Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay. 8 Laakiinse haddaynu Masiixa la dhimannay, waxaynu rumaysan nahay inaynu haddana isaga la noolaan doonno. 9 Waynu og nahay in Masiixa oo kuwii dhintay ka sara kacay uusan mar dambe dhimanayn; dhimashadu mar dambe u talin mayso. 10 Waayo, dhimashaduu dhintay mar keliya ayuu xagga dembiga ka dhintay, laakiin noloshuu ku nool yahay, Ilaah buu u nool yahay. 11 Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihiin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya