Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 68-69

Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

68 Ilaah ha sara joogsado, oo cadaawayaashiisuna ha kala firdheen,
Kuwa necebuna hortiisa ha ka carareen.
Sida qiiqu u kala firdho, iyagana sidaasoo kale u kala firdhi,
Sida shamacu dabka ugu dhalaalo,
Sidaasoo kale kuwa sharka lahu Ilaah hortiisa ha ku baabbe'een.
Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen,
Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen.
Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya,
Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala,
Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.
Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay
Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda.
Kuwa cidlaysan Ilaah reero ayuu u yeelaa,
Oo maxaabiistana intuu soo bixiyo ayuu barwaaqo dhex geeyaa,
Laakiinse caasiyiintu waxay degganaadaan dhul oommane ah.
Ilaahow, markaad dadkaaga hor kacday,
Markaad lamadegaanka ku dhex socotay, (Selaah)
Dhulku waa gariiray,
Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa,
Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil.
Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan,
Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay.
10 Ururkaagu halkaasuu dhex degganaa,
Ilaahow, wanaaggaaga aawadiis wax baad u diyaarisay masaakiinta.
11 Sayidku wuxuu bixiyey erayga,
Kuwa warka faafiyaana waa guuto weyn.
12 Boqorrada ciidammadu way cararaan, way cararaan,
Oo tan guriga ku hadha ayaa dhaca qaybisa.
13 Xeryaha idaha miyaad iska dhex jiifaysaan,
Sidii baadad qoolley oo lacag lagu dahaadhay,
Iyo baalasheeda oo dahab cas lagu dahaadhay?
14 Markii Qaadirku boqorrada halkaas ku kala dhex firdhiyey,
Waxay ahayd sida marka baraf cad ku da'o Salmoon.
15 Buur Ilaah waxaa ah Buur Baashaan.
Oo buur dheer waxaa ah Buur Baashaan.
16 Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan
Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto?
Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.
17 Ilaah gaadhifardoodyadiisu waa labaatan kun, iyo xataa kumanyaal iyo kumaankun,
Sayidku wuu ku dhex jiraa iyaga, siduu Siinay ugu jiri jiray xagga meesha quduuska ah.
18 Adigu kor baad u baxday, oo waxaad qabatay oo kaxaysay kuwii maxaabiista ahaan jiray.
Oo waxaad hadiyado ka qaadatay dadka dhexdiisa,
Iyo xataa caasiyiintaba, in Rabbiga Ilaah ahu halkaas joogo aawadeed.
19 Waxaa mahad leh Sayidka maalin kasta culaabteenna inoo qaada,
Kaasoo ah Ilaaha ina badbaadiya. (Selaah)
20 Ilaah wuxuu inoo yahay Ilaaha samatabbixinta,
Ilaaha Sayidka ah ayaa iska leh dhimashada kabixiddeeda.
21 Laakiinse Ilaah wuxuu wax ku dhufan doonaa madaxa cadaawayaashiisa,
Iyo dhalada timaha leh oo kan xadgudubyadiisa ku sii socdaba.
22 Sayidku wuxuu yidhi, Waxaan iyaga ka soo celin doonaa xagga Baashaan,
Oo waxaan ka soo bixin doonaa badda moolkeeda,
23 Inaad cagtaada dhiig darsatid,
Iyo in eeyahaaga carrabkoodu uu qayb ka helo cadaawayaashaada.
24 Ilaahow, waxay arkeen tegiddaadii,
Taas oo ah tegiddii Ilaahay oo ah Boqorkayga oo uu galay meesha quduuska ah.
25 Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen,
Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
26 Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow,
Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah.
27 Waxaa jooga Benyaamiin yar oo ah taliyahooda,
Iyo amiirrada reer Yahuudah iyo guddigooda,
Iyo amiirrada reer Sebulun iyo amiirrada reer Naftaali.
28 Ilaahaagu xooggaaguu amray,
Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee.
29 Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis
Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.
30 Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira,
Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka
Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah,
Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
31 Masar waxaa ka iman doona amiirro,
Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.
32 Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya,
Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)
33 Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray,
Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay.
34 Ilaah xoog ka sheega,
Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil,
Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.
35 Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado,
Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal.
Mahad waxaa leh Ilaah.

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim.

69 Ilaahow, i badbaadi,
Waayo, biyaa naftii ii keenay.
Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago,
Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.
Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay,
Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.
Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga,
Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin,
Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.
Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda,
Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.
Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin,
Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.
Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday,
Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.
Waxaan walaalahay u noqday shisheeye,
Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.
Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay,
Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.
10 Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey,
Taasu waxay igu noqotay ceeb.
11 Markaan joonyado dhar ka dhigtayna,
Waxaan iyagii u noqday masaal.
12 Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan,
Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow,
Ilaahow, naxariistaada badan
Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
14 Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban,
Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.
15 Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin,
Oo yaan moolku i liqin,
Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
16 Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay,
Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.
17 Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah,
Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.
18 Naftayda u soo dhowow, oo furo,
Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.
19 Waad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda,
Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan.
20 Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa,
Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay,
Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.
21 Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti,
Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.
22 Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin,
Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo.
23 Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin,
Oo simahooduna had iyo goorba ha gariireen.
24 Xanaaqaaga iyaga ku deji,
Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.
25 Gurigoodu cidla ha noqdo,
Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,
26 Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay,
Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.
27 Xumaantooda xumaan ugu sii dar,
Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.
28 Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool,
Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.
29 Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay,
Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.
30 Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa,
Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.
31 Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi,
Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.
32 Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin,
Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.
33 Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan,
Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.
34 Samada, iyo dhulka, iyo badaha,
Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.
35 Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa,
Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.
36 Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa,
Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.

Rooma 8:1-21

Nolosha Ku Jirta Ruuxa

Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha. Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada. Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray, in qaynuunka sharcigu inagu buuxsamo kuweenna aan sida jidhka u socon, laakiinse u socda sida Ruuxa. Waayo, kuwa sida jidhka u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha jidhka, laakiinse kuwa sida Ruuxa u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha Ruuxa. Jidhka kafikiriddiisu waa dhimashada, laakiinse Ruuxa kafikiriddiisu waa nolosha iyo nabadda, maxaa yeelay, jidhka kafikiriddiisu waa la col Ilaah, waayo, ma hoos gasho sharciga Ilaah, mana hoos geli karto. Kuwa jidhka ku dhex jiraana kama farxin karaan Ilaah. Laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha. 10 Oo haddii Masiixu idinku dhex jiro, jidhku waa meyd dembiga aawadiis; laakiinse ruuxu waa nolosha xaqnimada aawadeed. 11 Laakiin haddii Ruuxii kii Ciise kuwii dhintay ka soo sara kiciyey idinku dhex jiro, kii Ciise Masiix kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, jidhkiinna dhimanayana wuxuu ku noolayn doonaa Ruuxiisa idinku dhex jira.

12 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, wax baa inagu waajib ah, laakiin waajib inooguma aha jidhka, inaynu u noolaanno sida jidhka, 13 waayo, haddaad sida jidhka u noolaataan, hubaal waad dhiman doontaan, laakiin haddaad falimaha jidhka Ruuxa ku dishaan, waad noolaan doontaan.

Carruurta Ilaah

14 In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah. 15 Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow. 16 Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah. 17 Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga.

Ammaanta Ahaan Doonta

18 Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono. 19 Uunku wuxuu filasho aad u weyn ku sugaa muujinta carruurta Ilaah. 20 Uunkii waxaa la hoos geliyey wax aan waxtar lahayn, ikhtiyaarkiisna uma uu hoos gelin, laakiin waa kii hoos geliyey aawadiis, 21 taasoo la rajaynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya