Read the New Testament in 24 Weeks
Waa In Kuwa Amarka Leh Laga Dambeeyo
13 Naf waluba ha ka dambayso kuwa amarka sare leh, waayo, amar ma jiro kan Ilaah ka yimaada mooyaane. Kuwa jirana Ilaah baa ka dhigay kuwa amar leh. 2 Sidaas daraaddeed kii diida kan amarka leh wuxuu hor joogsadaa amarka Ilaah, kuwa hor joogsadaana waxay nafahaantooda u heli doonaan xukun. 3 Madaxdu cabsi ma geliyaan kuwa shuqul wanaagsan sameeya, kuwa xumaan sameeya mooyaane. Ma waxaad doonaysaa inaadan ka cabsan kan amarka leh? Wax wanaagsan samee, oo ammaan baad ka helaysaa isla isaga. 4 Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaah inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse haddaad xumaan samaysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sababla'aan. Maxaa yeelay, isagu waa midiidinka Ilaah, oo waa mid cadho kaga aarsada kii xumaan sameeya. 5 Sidaas daraaddeed waa in laga dambeeyo kan amarka leh, mana aha cadhada aawadeed oo keliya, laakiinse waa niyadda aawadeedna. 6 Waayo, sababtaas aawadeed waxaad u bixisaan cashuur, maxaa yeelay, iyagu waa midiidinnadii Ilaah oo had iyo goor ka shaqeeya isla waxaas. 7 Mid waluba wuxuu idinku leeyahay siiya, kii baad idinku leh, baad siiya, kii cashuur idinku leh, cashuur siiya, kii laga cabsadana, ka cabsada, kii ciso lehna, ciseeya.
Jacaylka Walaalnimada
8 Ninna yuusan wax idinku lahaan in midkiinba midka kale jeclaado mooyaane. Waayo, kii deriskiisa jeclaadaa sharciguu oofiyey. 9 Waayo, amarradan la yidhi, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad wax damcin, oo haddii amar kale jirana, waxaa lagu soo koobay hadalkan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. 10 Jacaylku xumaan kuma sameeyo deriskiisa; jacaylku haddaba waa oofinta sharciga.
Maalintii Masiixu Waa Soo Dhowaanaysaa
11 Oo weliba waad garanaysaan wakhtiga inay haatan tahay saacaddii aad hurdada ka toosi lahaydeen, waayo, haatan ay badbaadintu inooga dhow dahay markii horoo aan rumaysannay. 12 Habeenkii hore buu u batay, maalintiina waa soo dhowaatay, sidaas daraaddeed aan iska dhigno shuqullada gudcurka oo aan qaadanno hubka iftiinka. 13 Sida iyadoo maalin ah aynu si qumman u soconno, yeynan ku socon rabshad iyo sakhraannimo, yeynan ku socon galmo iyo dhillanimo, yeynan ku socon ilaaq iyo hinaaso. 14 Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.
Waa In Loo Dulqaataa Kuwa Wax Ka Shakiya
14 Kii rumaysadka ku itaal yar soo dhoweeya, mana aha inaad ra'ayiyadiisa la murantaan. 2 Mid baa rumaysan inuu wax walba cuno, kii itaal yarse wuxuu cunaa khodaarta. 3 Kii cunaa yuusan quudhsanin kii aan cunin, kii aan cuninna yuusan xukumin kii cuna, waayo, Ilaah baa aqbalay isaga. 4 Yaad tahay kaaga xukuma midiidinka mid kaleto? Waayo, sayidkiisuu u taagan yahay ama u dhacaa. Waana la taagi doonaa, waayo, Rabbigu waa awoodaa inuu taago. 5 Nin bay la tahay in maalinu maalinta kale ka fiican tahay, mid kalena waxay la tahay in maalmaha oo dhammu isku mid yihiin. Mid kastaaba maankiisa aad ha ugu hubsado. 6 Kii maalinta ka fikiraa, Rabbiguu uga fikiraa, kii wax cunaa, Rabbiguu u cunaa, waayo, Ilaah buu ku mahadnaqaa; kii aan wax cuninuna, Rabbiga ayuusan u cunin, oo Ilaah buu ku mahadnaqaa. 7 Midkeenna naftiisa uma noola, midkeenna naftiisa uma dhinto. 8 Waayo, haddii aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay; oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimannaa, sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimannoba, Rabbigaa ina leh. 9 Waayo, sababtaasaa Masiixu u dhintay, una soo noolaaday inuu Rabbi u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba. 10 Adigu maxaad walaalkaa u xukuntaa? amase adigu maxaad walaalkaa u quudhsataa? Waayo, kulligeen waxaynu hor istaagi doonnaa kursiga xukumaadda Ilaah. 11 Waayo, waxaa qoran,
Anigu waa noolahay, ayaa Rabbigu leeyahay, oo jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa,
Carrab walubana Ilaah buu qiri doonaa.
12 Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa.
13 Sidaas daraaddeed mar dambe yeynan isxukumin, laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada. 14 Waan ogahay, waanan ku hubaa Rabbi Ciise, inaan waxba nafahaantiisa iska xaaraan ahayn, laakiinse kii ku tiriya inay xaaraan tahay, kaas waa ka xaaraan. 15 Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabbi'in kii Masiixu u dhintay. 16 Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin. 17 Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Quduuskaa. 18 Kii waxaas Masiixa ugu adeega, Ilaah buu ka farxiyaa, xagga dadkana waa mid loo bogay. 19 Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo. 20 Shuqulka Ilaah ha u dumin cunto aawadeed. Hubaal wax waluba waa nadiif, laakiin waa u xun tahay kii cuna isagoo mid kale xumaynayo. 21 Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleto oo walaalkaa ku turunturoodo. 22 Rumaysadka aad leedahay, Ilaah hortiis u hayso. Waxaa faraxsan kii aan isku xukumin wixii la qumman isaga. 23 Laakiinse kii shakiya, hadduu cuno, waa xukuman yahay, maxaa yeelay, rumaysad wax kuma cuno, oo wax kastoo aan rumaysadka ka imaninu waa dembi.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya