Read the New Testament in 24 Weeks
Bawlos Waa U Tiraanyooday Reer Binu Israa'iil Rumaysaddarradooda
9 Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa 2 in caloolxumo weyn iyo xanuun aan joogsanaynin ay ku jiraan qalbigayga. 3 Waayo, waxaan jeclaan lahaa inaan aniga qudhaydu ka inkaarnaado Masiixa walaalahay aawadood oo ah xigaalkayga aannu isku jidhka nahay, 4 kuwa ah reer binu Israa'iil, oo leh carruur-ka-dhigidda, iyo ammaanta, iyo axdiyada, iyo sharciga siintiisa, iyo u-adeegidda Ilaah, iyo ballamada, 5 kuwa awowayaasha leh, oo xagga jidhka Masiixu ka yimid iyaga, kan wax walba ka sarreeya oo ah Ilaah ammaanta leh weligiis. Aamiin.
Ilaah Ballamadiisii Ma Uu Beenayn
6 Laakiin mana aha sidii iyadoo ereygii Ilaah dhacay. Waayo, kuwa Israa'iil ka dhashay kulligood reer binu Israa'iil ma wada aha. 7 Farcankii Ibraahim oo ay yihiin aawadeed kulligood carruur kuma wada aha, laakiin waxaa la yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. 8 Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballanqaaday ayaa farcan lagu tiriyaa. 9 Waayo, kanu waa hadal ballan ah, Wakhtigan oo kale ayaan kuu iman doonaa, oo Saarah waxay dhali doontaa wiil. 10 Oo taas oo keliyana ma ahee, laakiin Rebeqahna mid bay u uuraysatay, kaas oo ahaa aabbeheen Isxaaq. 11 Waayo, carruurta oo aan weli dhalan oo aan weli samayn wanaag iyo xumaan midna, in qasdiga Ilaah doorashada ku istaago, oo uusan ahaan xagga shuqullada, laakiin xagga kii dadka u yeedha, 12 waxaa iyada lagu yidhi, Kan weynu wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar. 13 Sida qoran, Yacquub waan jeclaaday, Ceesawse waan necbaaday.
Ilaah Xaqdarro Ma Leh
14 Maxaan nidhaahnaa haddaba? Ma xaqdarro baa Ilaah la jirta? Ma suurtowdo! 15 Waayo, wuxuu Muuse ku yidhi, Waan u naxariisan doonaa kii aan u naxariisto, waanan u nixi doonaa, kii aan u naxo. 16 Sidaas daraaddeed xagga kan doonaya ma aha, xagga kan ordana ma aha, laakiinse waa xagga Ilaaha naxariista leh. 17 Waayo, Qorniinku wuxuu Fircoon ku leeyahay, Tan daraaddeed baan kuu sara kiciyey inaan xooggayga adiga kaa dhex muujiyo iyo in magacayga dhulka oo dhan lagu faafiyo. 18 Haddaba kuu doonayo wuu u naxariistaa, kuu doonayona qalbigiisuu engejiyaa.
Ilaah Baa Xukunka Leh
19 Waxaad igu odhan doontaa, Muxuu weli ii eedaynayaa? Waayo, yaa doonistiisa ka gees noqda? 20 Laakiinse, nin yahow, kumaad tahay kaaga Ilaah u jawaabayow? Wixii la sameeyey miyey kii sameeyey ku odhan doonaan, Maaxad sidan noogu samaysay? 21 Dheriyasameeyuhu miyuusan lahayn amar uu ugu taliyo dhoobada inuu fud keliya in ka sameeyo weel cisa leh, inta kalena mid aan cisa lahayn? 22 Bal maxay la tahay Ilaah haddii, isagoo doonaya inuu cadhadiisa muujiyo oo xooggiisa dadka ogeysiiyo, uu samir badan ugu dulqaatay weelasha cadhada oo loo diyaariyey baabbi'idda, 23 iyo inuu hodantinimadii ammaantiisa ogeysiiyo weelasha naxariista oo uu hore ugu diyaariyey ammaanta, 24 xataa kuweenna uu u yeedhay oo uusan uga yeedhin Yuhuudda oo keliya laakiinse uu uga yeedhay quruumaha kalena? 25 Siduu Hooseeca ka dhex yidhi,
Kuwo aan dadkaygii ahayn ayaan u bixin doonaa, Dadkayga,
Tu aan ahayn gacalisadaydiina waxaan u bixin doonaa, Gacaliso.
26 Oo waxay noqon doontaa, meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ihidin,
Meeshaas waxaa looga bixin doonaa, Carruurtii Ilaaha nool.
27 Oo Isayos wuxuu ku qayliyey wax Israa'iil ku saabsan isagoo leh, In kastoo tirada reer binu Israa'iil noqoto sida cammuudda badda, intii hadhay waa badbaadi doontaa, 28 waayo, Rabbigu hadalkiisa dhulkuu ku samayn doonaa, isagoo dhammaystiraya oo soo gaabinaya, 29 oo sidii Isayos hore u yidhi,
Haddaan Rabbigii Saba'ood farcan inoo reebin,
Sidii Sodom baan noqon lahayn, oo sidii Gomora baa laynaga dhigi lahaa.
Waxa Reer Binu Israa'iil U Xumaadeen
30 Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo; 31 laakiin reer binu Israa'iil iyagoo raaca sharciga xaqnimada, sharcigaas ma ay gaadhin. 32 Tan sababteedu waa maxay? Maxaa yeelay, rumaysad kuma ay doondoonin, shuqullada samayntooda mooyaane. Waxay ku turunturoodeen dhagaxii turunturada; 33 sida qoran,
Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax lagu turunturoodo oo ah sallax lagu xumaado;
Oo kii rumaysta isaga ma ceeboobi doono.
10 Walaalayaalow, waxaan qalbigayga ka doonayaa oo Ilaah ka baryaa inay iyagu badbaadaan. 2 Waayo, waxaan markhaati u furayaa inay iyagu Ilaah qiiro weyn u qabaan, laakiinse xagga aqoonta ma aha. 3 Waayo, iyagoo aan ogayn xaqnimada Ilaah oo doonaya inay taagaan tooda, ayayan hoos gelin Ilaah xaqnimadiisa. 4 Waayo, Masiixu wuxuu mid kasta oo rumaysta u yahay sharciga dhammaadkiisii xagga xaqnimada.
Jidka Cusub Oo Xaqnimada Cid Kasta Buu U Furan yahay
5 Waayo, Muuse wuxuu qoray in ninkii yeelaa xaqnimada sharciga uu ku noolaan doono iyada. 6 Laakiin xaqnimada rumaysadku sidanay tidhaahdaa, Qalbigaaga ha iska odhan, Yaa samada kori doona (inuu Masiix soo dejiyo)? 7 Ama, Yaa yamayska hoos u geli doona (inuu Masiix kuwa dhintay ka soo sara kiciyo)? 8 Laakiin maxay leedahay? Eraygii waa kuu dhow yahay, waana ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga, waxaa weeyaan erayga rumaysadka oo aannu kugu wacdinno. 9 Maxaa yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa, 10 waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta. 11 Waayo, Qorniinku wuxuu leeyahay, Ku alla kii rumaysta isaga, ceeboobi maayo. 12 Waayo, Yuhuudda iyo Gariigtu waxba kuma kala duwana, waayo, isku Rabbi baa Rabbi u wada ah, waana u taajir in alla intii barida isaga. 13 Waayo, ku alla kii magaca Rabbiga ku baryaa, waa badbaadi doonaa. 14 Haddaba sidee bay ugu baryi doonaan kan aanay rumaysnayn? Oo sidee bay u rumaysan doonaan kan aanay maqlin? Oo sidee bay u maqli doonaan haddii aan la wacdiyin? 15 Oo sidee bay u wacdiyi doonaan haddaan la dirin? sida qoran, Qurux badanaa cagaha kuwa wax ku wacdiya waxyaalaha wanaagsan.
16 Laakiin kulligood ma ay wada dhegaysan injiilka. Waayo, Isayos wuxuu leeyahay, Rabbow, yaa rumaystay warkayagii? 17 Haddaba rumaysadku wuxuu ka yimaadaa maqlidda, maqlidduna waxay ku timaadaa ereyga Masiixa. 18 Laakiin waxaan leeyahay, Miyaanay maqlin? Haah, runtii.
Codkoodii wuxuu gaadhay dhulka oo dhan,
Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu shishaysa.
19 Laakiin waxaan leeyahay, Miyaan reer binu Israa'iil ogayn? Ugu horraystii Muuse wuxuu yidhi,
Waxaan idinkaga hinaasin doonaa kuwo aan quruun ahayn;
Quruun aan wax garanayn waan idinkaga cadhaysiin doonaa.
20 Isayosna waa dhiirranaa oo wuxuu yidhi,
Waxaa i helay kuwo aan i doonayn,
Waxaan u muuqday kuwo aan wax i weyddiinayn.
21 Laakiin reer binu Israa'iil wuxuu ku yidhi, Maalintii oo dhan waxaan gacmahayga u kala bixinayay dad caasi ah oo muran miidhan ah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya