Read the New Testament in 24 Weeks
WARQADDII LOO QORAY DADKII
CIBRAANIYADA
Bilowga Kitaabkan
1 Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii, 2 laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey. 3 Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa, 4 isagoo aad uga wanaagsan malaa'igaha siduu u dhaxlay magac ka sii wanaagsan kooda.
Wiilka Ilaah Waa Ka Sarreeyaa Malaa'igaha
5 Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi,
Adigu waxaad tahay Wiilkayga,
Maantaan ku dhalay?
Oo weliba,
Waxaan isaga u noqon doonaa Aabbe,
Oo isaguna wuxuu ii noqon doonaa Wiil?
6 Oo weliba, markuu curadka dunida dhex keenayay, wuxuu yidhi, Malaa'igaha Ilaah oo dhammu isaga ha caabudeen. 7 Oo xagga malaa'igahana wuxuu ka yidhi,
Wuxuu malaa'igihiisa ka dhigaa dabaylo,
Kuwa u adeegana dab ololkiis.
8 Laakiin Wiilka wuxuu ka yidhi,
Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis;
Oo usha qummanaantuna waa usha boqortooyadaada.
9 Adigu xaqnimada waad jeclayd, dembigana waad necbayd,
Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay
Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
10 Oo,
Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay,
Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga,
11 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii jiraysaa;
Oo kulligood sida dhar bay u duugoobi doonaan,
12 Oo sida go' baad u laallaabi doontaa,
Sida dhar bayna u beddelmi doonaan;
Adiguse sidaadii uun baad tahay
Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan.
13 Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi,
Midigtayda fadhiiso
Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo?
14 Miyaanay kulligood ahayn ruuxyo kaalmeeya oo loo soo diray inay shuqul u qabtaan kuwa badbaadada dhaxli doona?
2 Taa aawadeed waa inaynu aad u dhegaysanno waxaynu maqalnay waaba intaasoo ay inaga fakadaan. 2 Waayo, haddii hadalkii malaa'iguhu ku hadleen xaqiiq ahaa, oo kii kasta oo xadgudub iyo caasinimo sameeyey uu helay abaalgud xaq ah, 3 sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen? 4 Ilaahna wuxuu ugu marag furay calaamooyin iyo yaababba, iyo xoogag kala duduwan, iyo hadiyado Ruuxa Quduuska ahu u qaybiyey siduu doonayay.
5 Waayo, dunida iman doonta oo aynu ka hadalno malaa'igaha kama uu hoosaysiin. 6 Laakiin mid baa meel ka marag furay isagoo leh,
Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Ama wiilka aadanaha, oo aad u soo booqataa?
7 Waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha.
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad,
Oo waxaad ka sarraysiisay shuqullada gacmahaaga,
8 Wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay.
Isagoo wax walba isaga ka hoosaysiiyey, wax uu dhaafay oo aanu isaga ka hoosaysiinini ma jiraan, laakiin imminka weli ma aragno wax walba oo isaga laga hoosaysiiyey. 9 Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba. 10 Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo. 11 Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo, 12 isagoo leh,
Magacaaga waxaan u sheegi doonaa walaalahay,
Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
13 Oo haddana, Isagaan aamini doonaa, oo haddana, Bal eega, aniga iyo carruurta Ilaah i siiyey. 14 Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska, 15 iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan addoonnimo ugu hoos jiray cabsida dhimashada. 16 Waayo, runtii, ma uu qaadan suuradda malaa'igaha, wuxuuse qaatay tan dhashii Ibraahim. 17 Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka. 18 Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya