Read the New Testament in 24 Weeks
Ciise Baa Diiday Markii Calaamo La Weyddiistay(A)
16 Waxaa u yimid Farrisiintii iyo Sadukiintii iyagoo jirrabaya, oo waxay ka baryeen inuu calaamo cirka ka tuso. 2 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Goortii ay makhrib tahay waxaad tidhaahdaan, Waxay noqonaysaa maalin wanaagsan, waayo, cirku waa guduudan yahay. 3 Aroortiina waxaad tidhaahdaan, Maanta roob baa da'aya, waayo, cirku waa guduudan yahay, waana kicinsan yahay. Waxaad taqaaniin sida loo garto muuqashada cirka, laakiin ma kala garan kartaan calaamooyinka wakhtiyada. 4 Waxaa calaamo doonaya qarni shareed oo sina leh, calaamose lama siin doono calaamadii Yoonis maahee. Markaasuu iska daayay iyaga oo ka tegey.
Ciise Baa Xertii Ku Canaantay Indhala'aantoodii(B)
5 Markii xertii dhanka kale timid, waxay illoobeen inay kibis sii qaataan. 6 Ciise ayaa ku yidhi, Iska eega oo iska jira khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta. 7 Markaasay isla wada hadleen oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii aannan soo qaadan aawadeed. 8 Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isula hadlaysaan, rumaysadyarayaalow? Ma kibista aydnan haysan aawadeed baa? 9 Miyaydnaan weli garan ama miyaydnaan xusuusnayn shantii kibsood oo shantii kun cuntay, iyo intii dambiilood oo aad ka soo ururiseen? 10 Ama toddobadii kibsood oo afartii kun cuntay iyo intii dambiilood oo aad ka soo ururiseen? 11 Sidee baad u garan weydeen inaanan kibis idinkala hadlayn? Iska jira khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta. 12 Markaasay garteen inaanu ku lahayn, Iska jira khamiirka kibista, laakiin waxbaridda Farrisiinta iyo Sadukiinta.
Butros Wuxuu Qiray Inuu Ciise Yahay Masiixa(C)
13 Ciise goortuu dhinacyada Kaysariya Filibos yimid ayuu xertiisii weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Dadku yay ku sheegaan Wiilka Aadanaha? 14 Waxay yidhaahdeen, Qaar waxay yidhaahdaan, Yooxanaa Baabtiisaha, qaarna Eliyaas, qaar kalena waxay yidhaahdaan, Yeremyaah, ama nebiyada midkood. 15 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? 16 Simoon Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa ah Wiilka Ilaaha nool. 17 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey. 18 Anigu waxaan kugu leeyahay, Butros baad tahay, oo dhagaxan ayaan ka dul dhisan doonaa kiniisaddayda, oo albaabbadii Haadees kama adkaan doonaan. 19 Waxaan ku siin doonaa furayaasha boqortooyada jannada, oo wax alla wixii aad dhulka ku xidho ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furto ayaa jannada ku furnaan doona. 20 Markaasuu xertii ku amray inaanay cidna u sheegin inuu Masiixa yahay.
Ciise Wuxuu Sii Sheegay Dhimashadiisa Iyo Sarakiciddiisa(D)
21 Kolkaa dabadeed Ciise Masiix ayaa bilaabay inuu xertiisii u sheego inay waajib ugu tahay inuu Yeruusaalem tago, oo xanuun badan ka helo waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimmada, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo. 22 Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto, oo wuxuu ku yidhi, Ilaah ha kaa hayo, Sayidow, taasu weligaa kuuma noqon doonto. 23 Laakiin Butros ayuu u soo jeestay oo ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow. Waad i xumaynaysaaye, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.
Waa In Nafta La Diido(E)
24 Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco. 25 Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday wuu heli doonaa. 26 Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo? Ama nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda? 27 Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu ammaanta Aabbihiis kula iman doonaa malaa'igihiisa, markaasuu nin kasta ugu abaalgudi doonaa siduu falay. 28 Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan Wiilka Aadanaha oo boqortooyadiisa ku imanaya.
Ciise Muuqiisu Waa Isbeddelay(F)
17 Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer. 2 Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday. 3 Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga. 4 Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas. 5 Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga. 6 Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen. 7 Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina. 8 Goortay indhahooda kor u qaadeen, cidna ma ay arkin Ciise keliya maahee.
9 Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin. 10 Xertiisii waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado? 11 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run, Eliyaas waa imanayaa, oo wax walba ayuu soo celin doonaa. 12 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas horuu u yimid, wayna garan waayeen, laakiin wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen isaga. Sidaas oo kalena Wiilka Aadanahu xanuun buu ka heli doonaa iyaga. 13 Markaasaa xertiisii garatay inuu kala hadlay Yooxanaa Baabtiisaha.
Wiilkii Jinnigii Qabay Waa La Bogsiiyey(G)
14 Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi, 15 Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo, 16 oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen. 17 Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga. 18 Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday. 19 Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay? 20 Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan. 21 Laakiin caynkan waxba kuma soo baxo tukasho iyo soon maahee.
Ciise Baa Mar Labaad Dhimashadiisa Sii Sheegay(H)
22 Intay Galili ku warwareegayeen, Ciise ayaa ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa. 23 Wayna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa. Markaasay aad u calool xumaadeen.
Ciise Baa Cashuurtii Macbudka Bixiyey
24 Goortay Kafarna'um yimaadeen, waxaa Butros u yimid kuwii [a]labada daraakmo qaadi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu labadii daraakmo oo cashuurta ahayd sow ma bixiyo? 25 Wuxuu yidhi, Haah, wuu bixiyaa. Oo goortuu guriga galay Ciise ayaa hadal hor mariyey oo ku yidhi, Maxay kula tahay, Simoonow? Boqorrada dhulku yay ka qaadaan cashuurta iyo baadda? Wiilashooda ama shisheeyaha? 26 Goortuu yidhi, Shisheeyaha, Ciise ayaa ku yidhi, Haddaba wiilashu waa ka reebban yihiin. 27 Laakiin si aynan u xumayn iyaga, badda tag, oo jillaab ku tuur, oo kalluunka kolka hore soo baxa soo qaad, oo goortaad afkiisa furtid waxaad ka heli doontaa [b]istater. Kaas qaad oo inooga bixi aniga iyo adigaba.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya