Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Taariikhdii Kowaad 28

Qorshihii Daa'uud Ee Macbudka

28 Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba. Markaasaa Boqor Daa'uud cagaha isku taagay, oo wuxuu yidhi, Walaalahay iyo dadkaygiiyow, i maqla. Aniga waxaa qalbigayga ku jirtay inaan guri nasasho u dhiso sanduuqa axdiga Rabbiga iyo meel uu Ilaaheennu cago saaro, oo dhismihiina alaab baan u diyaariyey. Laakiinse Ilaah baa igu yidhi, Waa inaadan guri u dhisin magacayga aawadiis, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dagaal, oo dhiig baad daadisay. Habase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan. Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo. Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis. Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay. Haddaba sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil oo dhan oo ah shirkii Rabbiga hortooda, iyo iyadoo uu Ilaaheennu ina maqlayo, dhawra oo doondoona amarrada Rabbiga Ilaaheenna ah oo dhan inaad idinku hantidaan dalkan wanaagsan oo aad weliba carruurtiinna idinka dambaysana uga tagtaan dhaxal weligiis raagaya. Haddaba Sulaymaanow, wiilkaygiiyow, Ilaahii aabbahaa garo, oo ugu adeeg qalbi qumman iyo maan raalli ah, waayo, Rabbigu wuxuu baadhaa qalbiyada oo dhan, wuuna wada gartaa malayaasha fikirrada oo dhan, oo haddaad isaga doondoontid waad heli doontaa, laakiinse haddaad isaga ka tagtid wuu ku xoori doonaa weligaaba. 10 Haddaba iska jir, waayo, Rabbigu wuxuu kuu doortay inaad meesha quduuska ah guri u dhistid. Xoog yeelo oo samee.

11 Markaasaa Daa'uud wiilkiisii Sulaymaan siiyey tilmaantii balbaladii macbudka, iyo tii guryihiisa, iyo tii khasnadihiisa, iyo tii qowladihiisa sare, iyo tii qolalkiisa hoose, iyo tii meeshii daboolka kafaaraggudka. 12 Oo wuxuu kaloo siiyey kulli wixii uu ruuxii ku hayay tilmaantoodii oo dhan, kuwaasoo ah barxadihii guriga Rabbiga, iyo qolalkii ku wareegsanaa oo dhan, iyo khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii alaabta quduuska ah la dhigi lahaa, 13 iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan, 14 iyo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, 15 iyo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa, 16 iyo tii dahabkii loo miisaami lahaa miisaska kibista tusniinta, miis kasta miisaankiisa, iyo tii lacagtii miisaska lacagta ah, 17 iyo tilmaantii mudacyada, iyo maddiibadaha, iyo koobabka laga samayn lahaa dahab saafi ah, oo baaquliyada dahabka ahna baaquli kasta dahabkiisii miisaankiisa, oo baquliyada lacagta ahna baquli kasta lacagtiisii miisaankeeda, 18 iyo tilmaantii girgiraha fooxa dahabkiisa la safeeyey miisaankiisa, iyo tilmaantii dahabka loo miisaami lahaa naqshadda gaadhifaraska, iyo keruubiimtii baalashooda kala bixisay oo ku qarisay sanduuqii axdiga Rabbiga. 19 Oo Daa'uud wuxuu yidhi, Waxan oo dhan waxaa laygu garansiiyey qorniin laga helay gacantii Rabbiga, si aan ku garto tilmaantan shuqulkeeda oo dhan. 20 Markaasaa Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, oo hawshan samee, oo ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo ah Ilaahayga ayaa kula jira, oo isagu kuma gabi doono, kumana dayrin doono, jeer la wada dhammeeyo kulli shuqulka adeegidda guriga Rabbiga oo dhan. 21 Oo bal eeg, waxaa jooga kooxaha ah wadaaddada iyo reer Laawi, inay dhammaan qabtaan adeegidda guriga Ilaah, oo waxaa kula jiri doona oo hawl kasta qaban doona nin kasta oo adeegid kasta sanco u yaqaan oo raalli ah, oo weliba saraakiisha iyo dadka oo dhammuna amarkaaga way oggolaan doonaan.

2 Butros 2

Nebiyo Been Aah Iyo Nolol Shar Ah(A)

Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah. Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah. Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn. Maxaa yeelay, Ilaah uma tudhin malaa'igihii dembaabay, laakiinse wuxuu iyagii ku tuuray cadaabta, oo wuxuu ku riday godad gudcur ah iyagoo xukun aawadiis loo hayo. Oo dunidii horena uma u tudhin, laakiinse wuxuu badbaadshay Nuux, oo ahaa mid xaqnimada wax ku wacdiya, iyo toddoba qof oo kale, markuu daadkii ku soo daayay dunidii cibaadalaawayaasha. Oo magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa, oo wuxuu ka samatabbixiyey Luud kii xaqa ahaa oo aad loogu saxariiriyey sharcilaawayaashii dabiicaddoodii nijaasta ahayd. Waayo, ninkaas xaqa ahaa iyaguu dhex degganaa, oo waxaa naftiisii xaqa ahayd maalin ka maalin silciyey camaladoodii sharciga ka geesta ahaa markuu arkay oo maqlay. Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta, 10 khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan. 11 Malaa'iguhuna in kastoo ay iyaga itaal iyo xoogba ka badan yihiin, iyaga dacwo cay ah Rabbiga hortiisa kagama dacweeyaan. 12 Laakiinse kuwanu waa sida xayawaan aan caqli lahayn oo u dhashay in la qabsado oo la dilo, oo waxay caayaan wax aanay garanayn. Hubaal iyagu halligaaddooda ayay ku halligmi doonaan. 13 Xaqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda. 14 Waxay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed. 15 Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada. 16 Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga. 17 Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka. 18 Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta; 19 oo waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada. 20 Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore. 21 Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas. 22 Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.

Miikaah 5

Ballanqaadkii Amiirka Beytlaxam Ka Soo Baxaya

Ciidammadoy, hadda waa inaad isa soo urursataan. Isagu waa inoo hareereeyey. Xaakinka dalka Israa'iil ul bay dhabanka kaga dhufan doonaan.

Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa'iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis. Haddaba sidaas daraaddeed iyaguu gacangelin doonaa jeeray tan foolanaysa umusho, dabadeedna kuwa walaalihiis ka hadhay waxay ku noqon doonaan dadka Israa'iil. Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa. Oo kanu wuxuu noqon doonaa nabaddeenna.

Samatabbixin Iyo Baabba'

Markii kan reer Ashuur uu dalkeenna soo galo, oo uu ku dhex socdo daaraheenna waaweyn, markaasaynu isaga ku kicin doonnaa toddoba adhijir iyo siddeed nin oo madax ah. Oo dalka Ashuur seef baa lagu dumin doonaa, oo dalka reer Nimrod waa laga dumin doonaa irdaha laga galo, oo isagu wuxuu inaga samatabbixin doonaa kan reer Ashuur markuu dalkeenna soo galo iyo markuu soohdinteenna dhex maro. Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay dadyow badan ku dhex ahaan doonaan sidii sayax xagga Rabbiga ka yimid, iyo sidii shuxshux caws ku kor da'ay, kaasoo aan ninna dhawrin, oo aan binu-aadmiga sugin. Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay quruumaha dhexdooda iyo dadyow badan dhexbadhtankooda joogi doonaan sidii libaax ku dhex jira xayawaanka kaynta, iyo sidii aaran libaax oo ku dhex jira ido foof ah, kaasoo markuu dhex maraaba ku tunta oo kala jeexjeexda, oo weliba aan la arag mid ka samatabbixiya. Gacantiinnu ha ka sarrayso cadaawayaashiinna, oo colkiinna oo dhanna ha wada baabbo'o.

10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas fardihiinna waan idinka dhex baabbi'in doonaa, oo gaadhifardoodkiinnana waan wada jejebin doonaa. 11 Oo magaalooyinka dalkiinna waan baabbi'in doonaa, oo qalcadihiinnana waan wada dumin doonaa. 12 Oo gacantiinnana sixir waan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma lahaan doontaan faaliyayaal. 13 Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna. 14 Oo dhexbadhtankiinna waan ka rujin doonaa geedihiinna Asheeraah ah, oo magaalooyinkiinnana waan wada dumin doonaa. 15 Oo quruumihii aan i dhegaysan waxaan kaga aargoosan doonaa xanaaq iyo cadho.

Luukos 14

Ninkii Uurweynaadka Qabay Ayaa Sabti La Bogsiiyey

14 Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen. Oo bal eeg, waxaa hortiisa joogay nin uurweynaad qaba. Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya? Laakiin way aamuseen. Isaguse, intuu ninkii qabtay, ayuu bogsiiyey, markaasuu sii daayay. Wuxuu iyaga ku yidhi, Kiinnee baa leh dameer ama dibi ceel ku dhacay oo aan maalin sabti ah dhaqso uga soo bixinaynin? Wayna uga jawaabi kari waayeen waxyaalahaas.

Is-hoosaysiinta Iyo Marti-soo-dhowaynta

Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Markii nin kuugu yeedho aroos, kursiga hore ha fadhiisan, waaba intaasoo isagu nin kaa murwad weyn ugu yeedho, oo kii isaga iyo adiga idiin yeedhay uu yimaado oo kugu yidhaahdo, Kan meel sii, oo markaasaad bilaabaysaa inaad meesha dambe ceeb ku fadhiisato. 10 Laakiin goortii laguu yeedho, tag oo meesha u hoosaysa fadhiiso, si kii kuu yeedhay kolkuu yimaado uu kuugu yidhaahdo, Saaxiibow, sare u soco. Markaasaad ammaan ku lahaan doontaa kuwa cuntada kula fadhiya oo dhan hortooda. 11 Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

12 Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa. 13 Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha, 14 oo aad barakaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaalgudaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.

Masaalka Ku Saabsan Iidda Weyn

15 Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah. 16 Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay, 17 oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar. 18 Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 19 Mid kale ayaa yidhi, Waxaan iibsaday shan qindi oo dibi ah, oo waan tegayaa inaan imtixaamo. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 20 Mid kale ayaa yidhi, Naag baan guursaday, sidaa darteed ma iman karo. 21 Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada. 22 Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay, oo weli meel baa bannaan. 23 Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo. 24 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.

Xernimada Micneheeda

25 Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi, 26 Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo. 27 Ku alla kii aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan iga daba iman, xer iima ahaan karo. 28 Waayo, midkiinnee doonaya inuu noobiyad dhiso oo aan kolkii hore fadhiisan inuu xisaabo intay ku kacayso, inuu ogaado inuu haysto wax uu ku dhammeeyo iyo in kale? 29 Waaba intaasoo markuu aasaaska dhigo oo uu dhammayn kari waayo, kuwa eegaya oo dhammu ay bilaabaan inay ku qoslaan, 30 iyagoo leh, Ninkanu wuxuu bilaabay inuu wax dhiso, waana dhammayn kari waayay. 31 Ama boqorkee u tegaya inuu boqor kale dagaal u baxo, isagoo aan kolkii hore fadhiisan oo tashan inuu toban kun kala hor tegi karo kan labaatan kun ula imanaya? 32 Ama haddii kale intuu kan kale weli fog yahay, ayuu ergo soo diraa oo uu weyddiistaa wax lagu heshiiyo. 33 Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo. 34 Haddaba cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? 35 Uma ay wanaagsana dhulka ama meeshii digada, waase la tuuraa. Kan dhego wax lagu maqlo lahu, ha maqlo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya