Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Boqorradii Labaad 16

Aaxaas, Boqorkii Yahuudah

16 Feqax ina Remalyaah sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah. Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman. Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. Oo isna wuxuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba. Markaasaa waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan; wayna hareereeyeen Aaxaas, laakiinse way ka adkaan kari waayeen. Oo waagaas Resiin oo ahaa boqorkii reer Suuriya wuxuu Suuriya u soo celiyey Eelad, oo Yuhuuddiina wuu ka eryay Eelad, markaasay reer Suuriya Eelad yimaadeen, oo ilaa maantana way deggan yihiin. Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay. Oo Aaxaas wuxuu qaaday lacagtii iyo dahabkii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorkaba, oo wuxuu hadiyad ahaan ugu diray boqorkii Ashuur. Oo boqorkii Ashuurna wuu maqlay; markaasaa boqorkii Ashuur Dimishaq ku kacay oo qabsaday, oo dadkiina maxaabiis ahaan buu Qiir ugu kaxaystay, oo Resiinna wuu dilay. 10 Oo Boqor Aaxaasna wuxuu Dimishaq u tegey inuu Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur la kulmo, oo wuxuu arkay meeshii allabariga ee Dimishaq ku tiil; markaasaa Boqor Aaxaas wuxuu wadaadkii Uuriyaah ahaa u diray tilmaantii meeshii allabariga siday u ekayd iyo siduu hanaankeedu ahaa iyo sidii loo sameeyey oo dhan. 11 Markaasaa wadaadkii Uuriyaah ahaa u dhisay meel allabari sidii Boqor Aaxaas Dimishaq ka soo diray oo kale, oo wadaadkii Uuriyaah ahaa taas buu sameeyey intuusan Boqor Aaxaas Dimishaq ka iman. 12 Oo markuu boqorkii Dimishaq ka yimid wuxuu arkay meeshii allabariga, markaasuu u dhowaaday meeshii allabariga oo wax buu ku dul bixiyey. 13 Oo wuxuu meeshii allabariga ku dul gubay qurbaankiisii la gubi jiray iyo qurbaankiisii hadhuudhka ahaa, oo qurbaankiisii cabniinka wuu ku dul shubay, oo wuxuu ku saydhsaydhay dhiiggii qurbaannadiisii nabaadiinada. 14 Oo meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiilna wuu ka soo qaaday guriga hortiisii iyo meeshii u dhexaysay meeshiisa allabariga iyo gurigii Rabbiga, oo wuxuu dhigay meeshiisii allabariga dhinaceeda woqooyi. 15 Oo Boqor Aaxaas wuxuu amray wadaadkii Uuriyaah ahaa, oo ku yidhi, Meesha allabariga oo weyn waxaad dusheeda ku gubtaa qurbaanka la gubo oo subaxda, iyo qurbaanka hadhuudhka ah oo fiidnimada, iyo qurbaanka la gubo ee boqorka, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo dadka dalka deggan oo dhan, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka; oo dhiigga qurbaanka la gubo oo dhanna dusheeda ku saydhsaydh, iyo dhiigga allabariga; laakiinse meesha allabariga ee naxaasta ahu ha ahaato mid aan wax ku weyddiisto. 16 Haddaba wadaadkii Uuriyaah ahaa sidaasuu u wada yeelay wixii Boqor Aaxaas ku amray oo dhan. 17 Oo Boqor Aaxaasna wuxuu jaray saldhigyadii darfahoodii, oo berkeddii weysadana wuu ka kor qaaday, oo berkeddii naxaasta ahaydna wuu ka dejiyey dibidii hoosteeda ku jirtay, oo wuxuu saaray meel sallax ah. 18 Oo boqorkii Ashuur aawadiis ayuu gurigii Rabbiga ugu soo beddelay meeshii daboolnayd ee sabtida ee guriga looga dhex dhisay iyo meeshii boqorku ka soo geli jirayba. 19 Haddaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? 20 Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.

Tiitos 2

Dabiicadda Masiixiyiinta

Laakiinse adigu ku hadal waxyaalaha ku habboon cilmiga runta ah. Odayaashu waa inay feejignaadaan oo dhug yeeshaan oo digtoonaadaan oo ay si run ah ugu socdaan iimaanka iyo jacaylka iyo dulqaadashada. Sidaas oo kalena habruhu waa inay asluub quduus ah lahaadaan, oo ayan noqon kuwa wax xanta, oo ayan khamri badan addoommo u noqon, laakiinse ay noqdaan kuwo wax wanaagsan dadka bara. Oo waa inay naagaha dhallintayar baraan inay jeclaadaan nimankooda iyo carruurtooda, oo ay digtoonaadaan, oo ay daahir noqdaan, oo ay gurigooda ka shaqeeyaan, oo ay wanaagsanaadaan, iyagoo nimankooda ka dambeeya, si aan ereyga Ilaah loo caayin. Ragga dhallinyarada ahna sidaas oo kale ku waani inay digtoonaadaan. Wax walba nafsaddaada masaal ahaan u tus xagga shuqullada wanaagsan; oo cilmigaagana ku tus qummanaan, iyo dhuglahaan, iyo hadal run ah oo aan ceeb lahayn, si midka geesta kaa ahu u ceeboobo, oo uusan u helin wax xun oo uu inaga sheego. Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin, 10 oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan. 11 Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan, 12 oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno, 13 innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. 14 Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.

15 Waxyaalahan dadka kula hadal, oo ku waani, oo ku canaano, adigoo amar oo dhan leh. Oo ninna yuusan ku quudhsan.

Hoosheeca 9

Ciqaabta Israa'iil

Dadka Israa'iilow, farxad ha ku rayraynina sida dadyowga, waayo, waxaad ka tagteen Ilaahiinnii sida naag ninkeeda ka dhillowday, oo waxaad aad u jeclaateen inaad caashaq lacag ku kiraysataan goob kasta oo hadhuudh. Goobta hadhuudhka lagu tumo iyo macsarada khamriguba iyaga ma ay quudin doonaan, oo khamriga cusubuna wuu gabi doonaa. Iyagu ma ay degganaan doonaan Rabbiga dalkiisa, laakiinse reer Efrayim Masar bay ku noqon doonaan, oo cunto wasakh ah ayay ku dhex cuni doonaan dalka Ashuur. Iyagu Rabbiga uma ay shubi doonaan qurbaanno khamri ah, oo isagana kama ay farxin doonaan. Allabaryadoodu waxay iyaga ula mid noqon doonaan sida cuntada kuwa baroorta. In alla intii wax ka cuntaana way wada nijaasoobi doonaan, waayo, cuntadoodu waxay ahaan doontaa mid ay nafsadoodu u hamuunta, oo sooma ay geli doonto guriga Rabbiga. Bal maxaad samayn doontaan maalinta shirka weyn, iyo maalinta iidda Rabbigaba? Waayo, bal eeg, iyagu waxay ka tageen halligaad, laakiinse Masar baa iyaga soo urursan doonta, oo waxaa iyaga aasi doonta magaalada Mof. Waxyaalahooda wacan oo lacagta ahna waxaa qaadan doona maraboob, oo teendhooyinkoodana waxaa ka soo dhex bixi doonta qodxan. Maalmihii ciqaabiddu waa yimaadeen, oo maalmihii abaalmarintu waa yimaadeen. Dadka Israa'iilna way ogaan doonaan. Nebigu waa nacas, ninkii ruuxa lahuna waa waalan yahay, waana xumaantaada badatay aawadeed, iyo cadownimada badatay aawadeed. Reer Efrayim wuxuu ahaa waardiye Ilaahay la jira, laakiinse nebigii jidadkiisa oo dhan waxaa loo dhigay dabinkii shimbirrodabadka, oo gurigii Ilaahiisna cadownimo baa ku jirta. Iyagu aad bay isu kharribeen sidii wakhtigii Gibecaah. Isagaa soo xusuusan doona xumaantooda oo wuxuu soo ciqaabi doonaa dembiyadooda. 10 Waxaan gartay in dadka Israa'iil ay la mid ahaayeen canab cidlada ku dhex yaal, oo waxaan arkay in awowayaashiin ahaayeen sidii berdaha xilliga hore bislaada, laakiinse iyagu waxay yimaadeen Bacal Fecoor, oo waxay gooni isugu sooceen waxaas ceebta miidhan ah, oo waxay u karaahiyoobeen sidii wixii ay jeclaayeen oo kale. 11 Oo weliba reer Efrayimna sharaftoodu waxay u haadi doontaa sidii shimbir oo kale, oo innaba dhalasho, iyo uuraysi, iyo wallacid ma jiri doonaan. 12 In kastoo ay carruurtooda koriyaan haddana waan gablamin doonaa si aan ninna u hadhin aawadeed, oo weliba iyagaa iska hoogay markii aan ka tago! 13 Sidii aan Turos u arkay ayaa reer Efrayim meel wacan lagu beeray, laakiinse reer Efrayim wuxuu carruurtiisa u soo bixin doonaa kan wax laaya. 14 Rabbiyow, iyaga wax sii. Maxaad siin doontaa iyaga? Waxaad siisaa maxal dhiciya iyo naaso gudhay. 15 Xumaantoodii oo dhammu waxay ku jirtaa Gilgaal, waayo, iyaga halkaas baan ku necbaaday. Haddaba xumaanta falimahooda aawadeed ayaan iyaga uga eryi doonaa gurigayga. Mar dambe ma aan jeclaan doono, waayo, amiirradooda oo dhammu waa caasiyiin. 16 Reer Efrayim wax baa lagu dhuftay, xididkoodiina waa qallalay, oo innaba midho ma ay dhali doonaan! Oo xataa in kastoo ay wax dhalaan, haddana waan wada layn doonaa midhaha ay jecel yihiin oo maxalkooda. 17 Ilaahay waa xoori doonaa, maxaa yeelay, codkiisii ma ay dhegaysan, oo waxay quruumaha dhexdooda ku ahaan doonaan kuwa warwareega.

Sabuurradii 126-128

Gabayga meelokoridda.

126 Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon,
Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.
Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol,
Carrabkeennana gabay,
Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi,
Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.
Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn,
Oo aynu ku faraxsan nahay.
Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi
Sida durdurrada koonfureed.
Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.
Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita,
Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.

Gabayga meelokoridda oo Sulaymaan tiriyey.

127 Haddaan Rabbigu guriga dhisin,
Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan,
Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin,
Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa.
Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan,
Oo aad kibista dhibka cuntaan,
Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.
Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo.
Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.
Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis,
Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.
Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga,
Iyagu ma ay ceeboobi doonaan
Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.

Gabayga meelokoridda.

128 Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada,
Oo jidadkiisa ku socda.
Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen,
Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.
Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala.
Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa
Ninka Rabbiga ka cabsadaa.
Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa,
Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.
Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya