Print Page Options Listen to Reading
Previous Prev Day Next DayNext

The Daily Audio Bible

This reading plan is provided by Brian Hardin from Daily Audio Bible.
Duration: 731 days

Today's audio is from the ESV. Switch to the ESV to read along with the audio.

Somali Bible (SOM)
Version
Taariikhdii Kowaad 1:1-2:17

KITAABKII KOWAAD EE
TAARIIKHDII

Taariikhdii Aadan Ilaa Ibraahim

Ilaa Wiilashii Nuux

Aadan, Seed, Enoos, Qiinaan, Mahalaleel, Yaared, Enoog, Metushelax, Lameg, Nuux, Sheem, Xaam, iyo.

Farcankii Yaafed

Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas. Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Diifad, iyo Togarmaah. Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishaah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim, iyo Rodaaniim.

Farcankii Xaam

Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud iyo Kancaan. Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaa, iyo Racmaah, iyo Sabteka. Wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan. 10 Kuushna wuxuu dhalay Nimrod, wuxuuna noqday mid dhulka xoog weyn ku leh. 11 Misrayimna wuxuu dhalay Luudiim, iyo Canaamiim, iyo Lehaabiim, iyo Naftuxiim, 12 iyo Fatrusiim, iyo Kasluxiim oo ay reer Falastiin ka soo farcamay, iyo Kaftoriim. 13 Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo curadkiisii ahaa, iyo Xeed, 14 iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash, 15 iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini, 16 iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad.

Farcankii Sheem

17 Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam, iyo Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mesheg. 18 Oo Arfaksad wuxuu dhalay Sheelaah, Sheelaahna wuxuu dhalay Ceeber. 19 Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan. 20 Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah, 21 iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah, 22 iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa, 23 iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.

24 Sheem, Arfaksad, Sheelaah, 25 Ceeber, Feleg, Recu, 26 Seruug, Naaxoor, Terax, 27 Aabraam (kaasoo ah Ibraahim).

Reerkii Ibraahim

28 Wiilashii Ibraahimna waxay ahaayeen Isxaaq iyo Ismaaciil.

Farcankii Haagaar

29 Oo intanu waa qarniyadoodii, Ismaaciil curadkiisii wuxuu ahaa, Nebayod, dabadeedna wuxuu dhalay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam, 30 iyo Mishmaac, iyo Duumah, iyo Masa, 31 iyo Hadad, iyo Teemaa, iyo Yetuur, iyo Naafiish, iyo Qedemah. Kuwanu waa wiilashii Ismaaciil.

Farcankii Qetuurah

32 Oo kuwanuna waa wiilashii Qetuurah, taas oo ahayd Ibraahim naagtiisii addoonta ahayd. Iyadu waxay dhashay Simraan, iyo Yoqshaan, iyo Medaan, iyo Midyaan, iyo Yishbaaq, iyo Shuu'ah. Yoqshaan wiilashiisiina waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan. 33 Wiilashii Midyaanna waxay ahaayeen Ceefah, iyo Ceefer, iyo Xanoog, iyo Abiidac, iyo Eldacah. Kuwanu waxay wada ahaayeen Qetuurah wiilasheedii.

Farcankii Saarah

34 Ibraahimna wuxuu dhalay Isxaaq. Wiilashii Isxaaqna waxay ahaayeen Ceesaw iyo Israa'iil.

Wiilashii Ceesaw

35 Wiilashii Ceesawna waxay ahaayeen Eliifas, iyo Recuu'eel, iyo Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.

36 Wiilashii Eliifasna waxay ahaayeen Teemaan, iyo Oomaar, iyo Sefii, iyo Gactaam, iyo Qenas, iyo Timnac, iyo Camaaleq. 37 Wiilashii Recuu'eelna waxay ahaayeen Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah.

Farcankii Seciir Ee Edom Joogay

38 Wiilashii Seciirna waxay ahaayeen Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah, iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. 39 Wiilashii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Hoomaam, oo Timnacna waxay ahayd Lootaan walaashiis. 40 Wiilashii Shoobaalna waxay ahaayeen Calyaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefii, iyo Oonaam. Wiilashii Sibecoonna waxay ahaayeen Ayah, iyo Canah. 41 Wiilashii Canahna waxay ahaayeen Dishon. Wiilashii Dishonna waxay ahaayeen Xamraan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan. 42 Wiilashii Eeserna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Yacaqaan. Wiilashii Diishaanna waxay ahaayeen Cuus iyo Araan.

Taliyayaashii Reer Edom

43 Haddaba kuwanu waa boqorradii u talin jiray dalka reer Edom, intaan boqorna u talin reer binu Israa'iil, Belac ina Becoor, oo magaaladiisana magaceeda waxaa la odhan jiray Dinhaabah. 44 Markaasaa Belac dhintay oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa. 45 Markaasaa Yoobaab dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Xushaam oo ka yimid dalka reer Teemaan. 46 Markaasaa Xushaam dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Hadad ina Bedad, kaasoo Midyaan ku dilay beertii Moo'aab dhexdeeda, oo magaaladiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid. 47 Markaasaa Hadad dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Samlah oo ahaa reer Masreqah. 48 Markaasaa Samlah dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Shaa'uul oo ka yimid Rexobod oo Webiga ku ag tiil. 49 Markaasaa Shaa'uul dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Bacal Xaanaan ina Caqboor. 50 Markaasaa Bacal Xaanaan dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Hadad, oo isna magaaladiisu waxay ahayd Faacuu, oo naagtiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Meheetabeel oo ay dhashay Matreed, iyana waxay ahayd ina Meesaahaab. 51 Hadadna wuu dhintay. Oo ugaasyadii reer Edomna waxay ahaayeen ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed, 52 iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon, 53 iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar, 54 iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Intaasu waa ugaasyadii reer Edom.

Wiilashii Israa'iil

Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun, iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

Farcankii Yahuudah

Ilaa Reer Xesroon

Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, oo saddexdaas waxaa isaga u dhashay Batshuuca oo reer Kancaan ahayd. Oo Ceer oo ahaa curadkii Yahuudah wuxuu ahaa mid Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo isna Rabbigu wuu dilay. Oo Taamaar oo uu soddog u ahaa ayaa isaga u dhashay Feres iyo Serax. Wiilashii Yahuudah oo dhammuna waxay ahaayeen shan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon, iyo Xaamuul. Wiilashii Seraxna waxay ahaayeen Simrii, iyo Eetaan, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Daarac, oo dhammaantoodna waxay ahaayeen shan. Ina Karmiina wuxuu ahaa Caakaar oo ahaa kii reer binu Israa'iil dhibay, oo ku xadgudbay alaabtii la xaaraameeyey. Ina Eetaanna wuxuu ahaa Casaryaah. Oo weliba Xesroon wiilashiisii u dhashay waxay ahaayeen Yeraxme'eel, iyo Raam, iyo Keluubay.

Farcankii Raam

10 Oo Raam wuxuu dhalay Cammiinaadaab, Cammiinaadaabna wuxuu dhalay Naxshoon, oo reer Yahuudah amiir u ahaan jiray. 11 Oo Naxshoon wuxuu dhalay Salmaa, Salmaana wuxuu dhalay Bocas, 12 Bocasna wuxuu dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay, 13 Yesayna wuxuu dhalay curadkiisii oo ahaa Elii'aab, iyo Abiinaadaab oo ahaa wiilkiisii labaad, iyo Shimcaa oo ahaa wiilkiisii saddexaad, 14 iyo Netaneel oo ahaa kii afraad, iyo Radday oo ahaa kii shanaad, 15 iyo Osem oo ahaa kii lixaad, iyo Daa'uud oo ahaa kii toddobaad, 16 oo walaalahoodii gabdhaha ahaana waxay ahaayeen Seruuyaah iyo Abiigayil, oo Seruuyaah wiilasheediina waxay ahaayeen saddex, Abishay iyo Yoo'aab iyo Casaaheel. 17 Abiigayilna waxay dhashay Camaasaa, oo Camaasaa aabbihiisna wuxuu ahaa Yeter oo reer Ismaaciil ahaa.

Falimaha Rasuullada 23:11-35

11 Haddaba habeenkii dambe Rabbiga ayaa is-ag taagay isagii oo ku yidhi, Kalsoonow, maxaa yeelay, sidaad Yeruusaalem iigu markhaati furtay waa inaad Roomana iigu markhaati furtid.

Yuhuuddu Shirqool Bay U Dhigeen Bawlos

12 Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane. 13 Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan. 14 Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno. 15 Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.

16 Laakiin Bawlos wiilkuu abtiga u ahaa wuxuu maqlay gaadmadoodii, markaasuu yimid oo qalcaddii galay oo Bawlos u warramay. 17 Markaasaa Bawlos wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyayaashii midkood oo ku yidhi, Wiilkan u gee sirkaalka sare, maxaa yeelay, war buu qabaa inuu u sheego. 18 Sidaas daraaddeed ayuu kaxeeyey oo u geeyey sirkaalkii sare oo ku yidhi, Bawlos oo maxbuuska ah ayaa ii yeedhay, oo wuxuu i weyddiistay inaan kuu keeno wiilka oo war qaba inuu kuu sheego. 19 Markaasaa sirkaalkii sare gacanta ku qabtay isagii oo gees ula leexday oo gooni ahaan u weyddiiyey isagoo leh, Waa maxay warkaad qabtaa inaad ii sheegtid? 20 Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii. 21 Haddaba yaanay ku oggolaysiin; maxaa yeelay, waxaa isagii gaadaya kuwa ka badan afartan nin oo iyaga ka mid ah, kuwaasoo nidar galay inayan wax cunin, waxna cabbin ilaa ay isaga dilaan; haddana diyaar bay yihiin, iyagoo ballanqaad kaa filanaya. 22 Haddaba sirkaalkii sare wiilkii buu iska diray isagoo ku amraya oo leh, Ninna ha u sheegin inaad waxyaalahan ii muujisay.

Bawlos Waxaa Loo Diray Kaysariya

23 Markaasuu wuxuu u yeedhay laba ka mid ah boqol-u-taliyayaashii oo ku yidhi, Waxaad diyaarisaan inay saddexda saacadood oo habeennimo tagaan ilaa Kaysariya laba boqol oo askar ah iyo toddobaatan fardooley ah iyo laba boqol oo warmooley ah. 24 Wuxuu kaloo ku yidhi, Keena neefaf ay Bawlos fuuliyaan oo nabad isaga ugu geeya taliye Feelikos. 25 Markaasuu qoray warqad sidan ah:

26 Kalawdiyos Lusiyas wuxuu salaamayaa taliyaha sharafka weyn leh oo Feelikos ah. 27 Markii Yuhuuddu qabatay ninkan oo ay u dhowaayeen inay dilaan, ayaan askar la imid oo bixiyey, markaan ogaaday inuu reer Rooma yahay. 28 Anigoo doonaya inaan ogaado sababtii ay ku dacwaynayeen, ayaan isagii shirkoodii hor keenay; 29 kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho. 30 Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.

31 Sidaas daraaddeed ayaa askartii, sidii lagu amray, Bawlos kaxeeyeen, oo habeennimo keeneen Antibatris. 32 Laakiin maalintii dambe ayay fardooleydii daayeen inay isaga sii raacaan, iyaguna waxay ku noqdeen qalcaddii; 33 kuwaasu markay Kaysariya yimaadeen oo ay warqaddii u dhiibeen taliyaha, ayay Bawlos hor taageen isagii. 34 Markuu akhriyeyna, wuxuu weyddiiyey gobolkii uu ka yimid; oo kolkuu ogaaday inuu Kilikiya ka yimid, 35 ayuu wuxuu ku yidhi, Waan maqli doonaa dacwadaada markii kuwii ku dacwaynayay yimaadaan; markaasuu ku amray in lagu hayo gurigii taliyaha.

Sabuurradii 3

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu wiilkiisa Absaaloom ka cararay.

Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa!
Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.
Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh,
Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)
Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan,
Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.
Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa,
Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)
Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday,
Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa,
Oo gees kasta iga hareereeyey.
Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow,
Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka,
Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.
Badbaado waxaa leh Rabbiga,
Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)

Maahmaahyadii 18:14-15

14 Nin qalbigiisu waa u adkaysan karaa cudurkiisa,
Laakiinse qalbi jaban bal yaa u dulqaadan kara?
15 Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon,
Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya