Print Page Options Listen to Reading
Previous Prev Day Next DayNext

The Daily Audio Bible

This reading plan is provided by Brian Hardin from Daily Audio Bible.
Duration: 731 days

Today's audio is from the CSB. Switch to the CSB to read along with the audio.

Somali Bible (SOM)
Version
Samuu'eel Labaad 18:1-19:10

Dhimashadii Absaaloom

18 Markaasaa Daa'uud wuxuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo wuxuu u yeelay saraakiil kun kun u taliya iyo saraakiil boqol boqol u taliya. Markaasaa Daa'uud dadkii diray, oo wuxuu u qaybiyey saddex meelood, kolkaasuu meel wuxuu u dhiibay Yoo'aab, meelna wuxuu u dhiibay Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay ee ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo meeshii kalena wuxuu u dhiibay Itay kii reer Gad. Markaasaa boqorkii wuxuu dadkii ku yidhi, Sida xaqiiqada ah aniga qudhayduna waan idin raacayaa. Laakiinse dadkii waxay yidhaahdeen, Waa inaanad bixin, waayo, annagu haddaannu cararno dan nagama ay lahaan doonaan; oo xataa haddii nuskayo dhintona dan nagama ay lahaan doonaan; laakiinse adigu waad ka qiimo weyn tahay toban kun oo naga mid ah; sidaas daraaddeed haatan waxaa wanaagsan inaad adoo diyaar ah iska joogtid oo aad xagga magaalada naga caawidid. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Wax alla wixii idinla wanaagsan ayaan samaynayaa. Kolkaasaa boqorkii wuxuu istaagay iridda dhinaceeda, oo dadkii oo dhammuna dibadday u baxeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun. Markaasaa boqorkii wuxuu amray Yoo'aab iyo Abiishay iyo Itay, oo ku yidhi, Ninka dhallinyarada oo ah Absaaloom aniga aawaday ugu naxariista. Oo dadka oo dhammuna way maqleen markii boqorku saraakiisha oo dhan ku amray wax Absaaloom ku saabsan. Saas daraaddeed dadkii dibadday u baxeen oo waxay reer binu Israa'iil kaga hor tageen duurka, oo dagaalkiina wuxuu ka dhacay kayntii reer Efrayim. Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin. Oo dagaalkiina wuxuu ku faafay waddankii oo dhan, oo maalintaas waxaa kayntii cuntay dad ka sii badan intii seeftu cuntay. Absaaloomna si kedis ah ayuu uga hor yimid addoommadii Daa'uud. Absaaloomna baqashiisii ayuu fuushanaa, oo baqashiisii waxay hoos martay geed weyn laamihiis, kolkaasaa geedkii madaxiisii qabsaday, oo wuxuu ka lalmaday meel cirka iyo dhulka u dhaxaysa; oo baqashii ku hoos jirtayna way iska socotay. 10 Markaasaa nin arkay, oo Yoo'aab u soo sheegay, oo wuxuu ku yidhi, War, waxaan soo arkay Absaaloom oo geed ka lalmada. 11 Yoo'aabna wuxuu ninkii u soo warramay ku yidhi, Oo haddaad aragtay maxaad isaga halkaas ugu dili weyday? Oo anna waxaan ku siin lahaa toban gogo' oo lacag ah iyo dhex-xidh. 12 Markaasaa ninkii Yoo'aab ku yidhi, In kastoo aan heli lahaa kun gogo' oo lacag ah, weliba ma aanan yeeleen inaan gacantayda wiilka boqorka u qaado, waayo, annagoo maqlayna ayaa boqorku idinku amray, adiga iyo Abiishay iyo Itay, oo idinku yidhi, Iska jira oo yaan ninna taaban ninka dhallinyarada ah ee Absaaloom ah. 13 Ama haddaan saas samayn lahaa naftaydaan been kula macaamiloon lahaa, waayo, boqorka waxba kama qarsoona, adiga qudhaaduna waad igu kici lahayd. 14 Yoo'aabna wuxuu yidhi, Anigu saas kugula sii joogi maayo. Markaasuu qaatay saddex gantaal, oo Absaaloom wadnaha juq ka siiyey, isagoo weli nool oo geedkii ku dhex jira. 15 Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen. 16 Markaasaa Yoo'aab buunkii afuufay, oo dadkiina waxay ka soo noqdeen eryadkii ay reer binu Israa'iil eryanayeen, waayo, Yoo'aab baa u diiday. 17 Oo Absaaloom bay qaadeen oo ku tuureen yamays dheer oo kaynta ku dhex yiil, oo waxay dusha kaga tuuleen dhagaxyo faro badan, oo reer binu Israa'iilna dhammaantood mid waluba teendhadiisii buu ku cararay. 18 Oo Absaaloomna intuu noolaa ayuu yidhi, Wiil magacayga lagu soo xusuusto ma aan lihi. Sidaas daraaddeed wuxuu qaaday tiir oo dhex qotomiyey dooxadii boqorka; oo tiirkiina wuxuu ku magacaabay magiciisii, oo ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa taalladii Absaaloom.

Daa'uud Oo Baroortay

19 Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq yidhi, Haddaba i daaya aan ordee, oo aan boqorkii u soo warramee, sida Rabbigu uga aarguday cadaawayaashiisii. 20 Kolkaasaa Yoo'aab wuxuu ku yidhi, Adigu maanta ahaan maysid kan warka qaadaya, laakiinse maalin kalaad qaadi doontaa, illowse adigu maanta waxba war qaadi maysid, maxaa yeelay, boqorka wiilkiisii baa dhintay. 21 Markaasaa Yoo'aab wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Tag oo boqorkii u sheeg wixii aad aragtay. Oo kii reer Kuushna intuu Yoo'aab u sujuuday ayuu orday. 22 Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq ayaa mar kale Yoo'aab ku yidhi, Wax kastaba ha dhaceene, waan ku baryayaaye, i daa aan kii reer Kuush ka daba ordee. Oo Yoo'aabna wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, adigoon waxba ku helayn warkan, bal maxaad u ordaysaa? 23 Wuxuuse yidhi, Wax kastaa ha dhacee, waan ordayaa. Kolkaasuu ku yidhi, Orod. Markaasaa Axiimacas wuxuu qaaday waddadii Bannaanka, oo kii reer Kuushna wuu ka dheereeyey.

24 Oo Daa'uudna wuxuu fadhiyey labada irdood dhexdooda, waardiyihiina wuxuu fuulay iridda saqafkeeda ilaa derbigii, markaasuu wax fiiriyey, oo arkay nin keligiis soo ordaya. 25 Kolkaasaa waardiyihii dhawaaqay, oo boqorkii buu u sheegay. Boqorkiina wuxuu yidhi, Hadduu keligiis yahay, war buu sidaa. Oo isna wuu soo orday, wuuna soo dhowaaday. 26 Markaasaa waardiyihii arkay nin kale oo soo ordaya; kolkaasaa waardiyihii u dhawaaqay iridjoogihii oo ku yidhi, Bal eeg, nin kalaa keligiis soo ordaya. Oo boqorkiina wuxuu yidhi, Isna war buu sidaa. 27 Markaasaa waardiyihii wuxuu yidhi, Waxaan u malaynayaa inuu ninka hore orodkiisu u eg yahay orodkii Axiimacas ina Saadooq. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Isagu waa nin wanaagsan, wuxuu soo wadaa war wanaagsan. 28 Markaasaa Axiimacas dhawaaqay, oo boqorkii ku yidhi, Wax waluba waa hagaagsan yihiin. Oo intuu boqorka hortiisii ku sujuuday ayuu wejiga dhulka saaray, oo yidhi, Waxaa ammaan leh Rabbiga Ilaahaaga ah, oo inoo soo gacangeliyey raggii gacanta kuu qaaday, boqorow, sayidkaygiiyow. 29 Boqorkiina wuxuu yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Axiimacasna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, markii Yoo'aab i soo diray, anigoo addoonkaaga ah, waxaan arkay buuq weyn laakiinse wax alla wuxuu ahaa ma aqaan. 30 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal gees u leexo, oo halkan istaag. Markaasuu gees u leexday oo istaagay. 31 Markaasaa kii reer Kuush yimid, oo yidhi, War baan kuu wadaa, boqorow, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu maantuu kaaga soo aarguday kuwii kugu kacay oo dhan. 32 Markaasaa boqorkii wuxuu kii reer Kuush ku yidhi, Ninkii dhallintayaraa ee Absaaloom ahaa ma nabdoon yahay? Oo kii reer Kuushna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, cadaawayaashaada iyo intii inay wax ku yeelaan kuugu kacda oo dhanba, Ilaah ha ka yeelo sida ninkaas dhallinyarada ahu yahay. 33 Oo boqorkiina aad buu u naxay, oo wuxuu kor ugu baxay qolkii iridda ka koreeyey, wuuna ooyay; oo intuu sii socdayna, wuxuu lahaa, Wiilkaygii Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygii Absaaloomow! Hooggaygee, waan ku dhiman lahaa, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

19 Markaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom. Oo maalintaas guushii waxay dadkii oo dhan ugu rogmatay baroor, waayo, maalintaas waxaa dadku maqlay in la yidhi, Boqorkii wiilkiisii buu u murugoonayaa. Oo dadkiina maalintaas qarsoodi bay ku soo galeen magaaladii, sidii dad ceebaysanu ay u dhuuntaan markii ay dagaalka ka cararaan. Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow! Markaasaa Yoo'aab boqorkii ugu yimid gurigiisii, oo ku yidhi, Maanta waxaad ceebaysay wejiyadii addoommadaada oo dhan, kuwaasoo maanta naftaada badbaadshay, iyo nafta wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo nafta naagahaaga, iyo nafta naagahaaga addoommaha ah; oo weliba waxaad jeceshahay kuwa ku neceb, kuwa ku jecelna waad neceb tahay. Waayo, maanta waxaad caddaysay inaanay amiirro iyo addoommoba waxba kula ahayn, maxaa yeelay, maanta waxaan ogaaday, haddii Absaaloom noolaan lahaa, oo aan annagu kulligayo dhiman lahayn, inaad taas aad ugu farxi lahayd. Haddaba saas daraaddeed kac, oo dibadda u bax, oo addoommadaada intaad la hadashid dhiiro geli; waayo, Rabbigaan ku dhaartaye, haddaadan dibadda u bixin, inaan ninna caawa kula joogayn; oo taasuna way kaaga sii xumaanaysaa kulli sharkii kugu dhacay tan iyo yaraantaadii. Markaasaa boqorkii sara joogsaday, oo iriddii buu fadhiistay. Oo taasaa loo sheegay dadkii oo dhan, oo lagu yidhi, Bal eega, boqorkii iridduu fadhiyaaye, markaasaa dadkii oo dhammu boqorkii hor yimaadeen.

Markii hore reer binu Israa'iil nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

Daa'uud Oo Ku Laabtay Yeruusaalem

Oo dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis. 10 Oo Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?

Yooxanaa 20

Ciise Waa Ka Soo Sara Kacay Kuwii Dhintay(A)

20 Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka Maryan tii reer Magdala ayaa aroortii hore xabaashii timid, intay weli gudcur ahayd, oo waxay aragtay dhagaxii oo xabaashii laga qaaday. Sidaa daraaddeed way orodday oo u tagtay Simoon Butros iyo kii kale oo xerta ahaa oo Ciise jeclaa, waxayna ku tidhi, Sayidkii ayay xabaashii kala baxeen, oo garan mayno meeshay dhigeen. Saas aawadeed Butros iyo kii kale oo xerta ahaa ayaa baxay, oo waxay tageen xabaashii. Way wada ordeen labadoodiiba, oo kii kale oo xerta ahaa ayaa Butros ka dheereeyey, oo uga hor maray xabaashii. Markaasuu foororsaday, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal, laakiinse ma uu gelin. Haddana Simoon Butros oo daba socday baa yimid, markaasuu xabaashii galay, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal iyo maradii madaxiisa saarnayd oo aan la oollin maryihii, laakiin meel keligeed ku duudduubnayd. Markaas haddaba waxaa galay kii kale oo xerta ahaa oo hore u yimid xabaashii, wuuna arkay oo rumaystay. Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco. 10 Haddaba xertii ayaa mar kale guryahoodii ku noqotay.

Ciise Wuxuu U Muuqday Maryan Tii Reer Magdala(B)

11 Laakiin Maryan ayaa xabaashii dibaddeeda taagnayd iyadoo ooyaysa. Haddaba intay ooyaysay bay xabaashii ku foororsatay. 12 Waxayna aragtay laba malaa'igood oo dhar cadcad xidhan oo fadhiya meesha meydka Ciise oolli jiray, mid madaxa, midna cagaha. 13 Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen. 14 Markay sidaa ku tidhi ayay dib u jeesatay oo ay aragtay Ciise oo taagan, mana ay garanaynin inuu Ciise yahay. 15 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaaye. 16 Ciise wuxuu ku yidhi, Maryamay. Markaasay jeesatay oo afka Cibraaniga ku tidhi, Rabbooni, ee ah Macallimow. 17 Ciise ayaa ku yidhi, Ha i taaban, waayo, weli kor uguma aan tegin Aabbaha, laakiin u tag walaalahay oo ku dheh, Wuxuu yidhi, Waxaan kor ugu tegayaa Aabbahay oo ah Aabbihiin, Ilaahay oo ah Ilaahiin. 18 Maryan tii reer Magdala ayaa timid oo xertii ku tidhi, Waxaan arkay Sayidkii, oo waxay u sheegtay inuu waxyaalahaas iyada ku yidhi.

Ciise Wuxuu Muuqday Rasuulladii(C)

19 Haddaba maalintaas markay makhribkii ahayd, ayaantii u horraysay ee toddobaadka, oo ay albaabbadu xidhnaayeen meeshay xertu joogtay cabsida ay Yuhuudda ka cabsadeen aawadeed, ayaa Ciise yimid oo isdhex taagay, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 20 Oo markuu waxaas yidhi, wuxuu iyagii tusay gacmihiisii iyo dhinaciisii. Sidaa daraaddeed xertii waa ku farxeen markay Sayidkii arkeen. 21 Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. Sida Aabbuhu ii soo diray ayaan anna idiin dirayaa. 22 Oo markuu waxaas yidhi ayuu ku neefsaday oo ku yidhi, Aqbala Ruuxa Quduuskaa. 23 Nin alla ninkaad dembiyadiisa cafidaan way cafiyan yihiin, nin alla ninkaad dembiyadiisa ku celisaan way ceshan yihiin.

Ciise Wuxuu U Muuqday Toomas

24 Laakiin Toomas mid laba iyo tobanka ka mid ah oo Didumos la odhan jiray lama joogin markuu Ciise yimid. 25 Haddaba xertii kale ayaa ku tidhi, Waxaannu aragnay Sayidkii. Laakiin wuxuu ku yidhi, Haddaanan gacmihiisa ku arkin calaamadii musmaarrada, oo aanan fartayda gelin nabarkii musmaarrada, oo aanan gacantayda gelin dhinaciisa, rumaysanba maayo.

26 Oo siddeed maalmood dabadeed xertiisii gudaha ayay mar labaad wada joogeen, oo Toomasna waa la joogay. Markaasaa Ciise yimid, albaabbadii oo xidhan, oo intuu isdhex taagay ayuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 27 Markaasuu Toomas ku yidhi, Fartaada keen oo arag gacmahayga, oo gacantaadana keen oo geli dhinacayga, oo ha rumaysad la'aanin laakiin rumayso. 28 Toomas ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigay iyo Ilaahayow. 29 Markaasaa Ciise ku yidhi, Waad i aragtay, taas aawadeed ayaad rumaysatay. Waxaa barakaysan kuwa aan i arag ee rumaystay.

Sababtii Loo Qoray Injiilkan

30 Haddaba waxaa Ciise ku sameeyey xertii hortooda calaamooyin kale oo badan oo aan ku qorrayn kitaabkan. 31 Laakiin waxyaalahan waxaa loo qoray inaad rumaysataan inuu Ciise yahay Masiixa, Wiilka Ilaah, iyo inaad nolosha ku lahaataan magiciisa idinkoo rumaysanaya.

Sabuurradii 119:153-176

RESH.

153 Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi,
Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.
154 Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo,
Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
155 Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay,
Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.
156 Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay,
Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
157 Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin,
Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
158 Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday,
Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
159 Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay,
Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
160 Eraygaaga dhammaantiisu waa run,
Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.

SHIN.

161 Amiirraa sababla'aan ii silciyey,
Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.
162 Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa
Sidii mid booli badan helay.
163 Beenta waan necbahay oo waan karahsaday,
Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
164 Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa,
Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
165 Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn,
Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.
166 Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday,
Oo amarradaadiina waan oofiyey.
167 Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga,
Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
168 Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga,
Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.

TAW.

169 Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada,
Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.
170 Baryootankaygu hortaada ha yimaado,
Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.
171 Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen,
Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
172 Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga,
Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
173 Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso,
Waayo, amarradaadaan doortay.
174 Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday,
Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
175 Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa,
Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
176 Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon,
Waayo, amarradaada ma aan illoobo.

Maahmaahyadii 16:14-15

14 Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed,
Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.
15 Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta,
Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya