Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 17

Baryootankii Daa'uud.

17 Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso,
Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.
Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada,
Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.
Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay,
Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin,
Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.
Shuqulladii dadkana waan ka hadhay,
Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.
Si aanay cagahaygu u simbiriirixan,
Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.
Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa,
Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.
Bal muuji raxmaddaada yaabka leh,
Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya
Kuwa ku kaca iyaga.
Ii dhawr sida isha inankeeda,
Oo igu qari hooska baalashaada.
Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba,
Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.
10 Qalbigooday xidheen,
Oo afkooduna wuxuu ku hadlaa waxyaalo kibir miidhan ah.
11 Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii,
Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.
12 Isagu waa sida aar libaax ugaadhsi damacsan,
Iyo sida aaran libaax oo meelo qarsoon ku dhuunta.
13 Rabbiyow, kac,
Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur,
Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,
14 Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada,
Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan,
Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada,
Iyagu waxay ka dhergeen carruur,
Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.
15 Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa,
Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.

Sabuurradii 35

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

35 Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira,
Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
Gaashaan iyo gabbaad qaado.
Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.
Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo,
Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.
Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto,
Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda,
Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.
Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh,
Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.
Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen,
Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.
Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto,
Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado,
Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa,
Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.
10 Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah?
Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan,
Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.
11 Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah,
Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.
12 Wanaag xumaan bay iigaga abaalgudaan
Oo naftayda way gacal tiraan.
13 Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado,
Oo naftaydana soon baan ku dhibay,
Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.
14 Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay,
Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta.
15 Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen,
Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba,
Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.
16 Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan
Ayay igu ilko jirriqsadeen.
17 Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa?
Naftayda halligaaddooda ka badbaadi,
Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.
18 Waxaan kaaga mahadnaqi doonaa shirka weyn dhexdiisa,
Oo dad fara badan dhexdooda ayaan kugu ammaani doonaa.
19 Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn,
Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.
20 Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan,
Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.
21 Afkoodii aad bay iigu fureen,
Oo waxay yidhaahdeen, Ahaa, ahaa, annagaa indhahayaga ku aragnay.
22 Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin,
Sayidow, ha iga fogaan.
23 Sara joogso, oo garsooriddayda u toos,
Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.
24 Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay,
Oo yaanay igu rayrayn.
25 Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa,
Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.
26 Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood,
Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.
27 Kuwa xaqnimadayda jecelu farxad ha ku dhawaaqeen, oo ha farxeen,
Oo had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo,
Waayo, isagu wuxuu ku farxaa barwaaqada addoonkiisa.
28 Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa
Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.

Sabuurradii 54

Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii ay reer Sif Saa'uul u yimaadeen oo ay ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu dhuumasho noo dhex joogin? Waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

54 Ilaahow, magacaaga igu badbaadi,
Oo xooggaaga iigu garsoor.
Ilaahow, baryadayda maqal,
Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay,
Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan,
Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)
Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga,
Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda,
Iyaga runtaada ku baabbi'i.
Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah,
Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.
Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan,
Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.

Sabuurradii 63

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu joogay cidlada reer Yahuudah.

63 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa,
Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa,
Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed,
Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol,
Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay,
Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo,
Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto
Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad,
Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
Naftaydu adigay ku raacdaa,
Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)
Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed,
Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.
10 Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta,
Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.
11 Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah,
Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa,
Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya