Chronological
Dhimashadii Ibraahim
25 Ibraahim wuxuu guursaday naag kale, magaceeduna wuxuu ahaa Qetuurah. 2 Oo waxay u dhashay Simraan, iyo Yoqshaan, iyo Medaan, iyo Midyaan, iyo Yishbaaq, iyo Shuu'ah. 3 Yoqshaanna wuxuu dhalay Shebaa, iyo Dedaan. Wiilashii Dedaanna waxay ahaayeen Ashuurim, iyo Letushim, iyo Le'ummiim. 4 Wiilashii Midyaanna waxay ahaayeen Ceefah, iyo Ceefer, iyo Xanoog, iyo Abiidac iyo Eldacah. Kuwanu waxay wada ahaayeen carruurtii Qetuurah. 5 Ibraahimna wax alla wuxuu lahaa wuxuu siiyey Isxaaq. 6 Laakiinse naagihii addoommada ahaa oo Ibraahim haystay wuxuu wiilashoodii siiyey hadiyado, oo intuu isagu noolaa ayuu ka diray wiilkiisii Isxaaq, bari buuna u diray xagga dhulka bari. 7 Sannadihii Ibraahim noolaa oo cimrigiisu ahaa waa boqol iyo shan iyo toddobaatan sannadood. 8 Ibraahimna waa naf baxay, cimri wanaagsan buuna ku dhintay, isagoo duq ah, oo sannado badan jiray; oo wuxuu ku darmaday dadkiisii. 9 Markaasay wiilashiisii Isxaaq iyo Ismaaciil ku aaseen godkii Makfelah, oo ku dhex yiil berrinkii Cefroon ina Sohar oo ahaa reer Xeed oo ku hor yiil Mamre; 10 berrinkaas oo ahaa kii Ibraahim ka iibsaday reer Xeed. Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo naagtiisii Saarahba. 11 Ibraahim geeridiisii ka dib ayaa Ilaah barakeeyey wiilkiisii Isxaaq; Isxaaqna wuxuu ag degganaa Bi'ir Lahayroy.
Wiilashii Ismaaciil
12 Haddaba kuwanu waa farcankii Ismaaciil ina Ibraahim, kii Haagaar tii Masriyadda ahayd oo Saarah midiidinteedii ahayd ay u dhashay Ibraahim. 13 Kuwanuna waa magacyadii wiilashii Ismaaciil, magacyadoodii sidii farcankoodii ahaa. Curadkii Ismaaciil wuxuu ahaa Nebayod; waxaana ku xigay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam, 14 iyo Mishmaac, iyo Duumah, iyo Masa; 15 Hadar, iyo Tema, iyo Yetuur, iyo Nafish, iyo Qedemah. 16 Kuwanu waa wiilashii Ismaaciil, kuwanuna waa magacyadoodii sidii ay tuulooyinkoodii iyo xeryahoodii ahaayeen; waxayna lahaayeen laba iyo toban amiir sidii ay qolooyinkoodii ahaayeen. 17 Sannadihii Ismaaciil noolaa waa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood, wuuna naf baxay, oo dhintay; wuxuuna ku darmaday dadkiisii. 18 Waxayna degganaayeen tan iyo Xawiilaah iyo Shuur tan ku hor taal Masar, haddaad u kacdo xagga Ashuur. Walaalihiis oo dhan hortooda ayuu degay.
Yacquub Iyo Ceesaw
19 Kuwanuna waa farcankii Isxaaq ina Ibraahim. Ibraahim Isxaaq buu dhalay: 20 Isxaaqna afartan sannadood buu jiray markuu guursaday Rebeqah ina Betuu'el kii dalkiisu ahaa Suuriya ee reer Fadan Araam, iyadoo ahayd Laabaan kii dalkiisu Suuriya ahaa walaashiis. 21 Isxaaqna naagtiisuu Rabbiga u baryay, maxaa yeelay, madhalays bay ahayd, Rabbiguna waa ka aqbalay, markaasay naagtiisii Rebeqah uuraysatay. 22 Carruurtiina uurkeeday isku dhex riixriixeen; markaasay tidhi, Hadday saas tahay, maxaan sidan u ahay? Kolkaasay u tagtay inay Rabbiga wax weyddiiso. 23 Rabbiguna wuxuu ku yidhi iyada,
Laba quruumood baa maxalkaaga ku jirta,
Oo laba dad oo kala duwan ayaa uurkaaga ka soo bixi doona;
Oo labada dad midkood baa ka xoog badnaan doona dadka kale;
Kan weynuna wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar.
24 Oo markii wakhtigii ay umuli lahayd dhammaaday, bal eeg, waxaa maxalkeedii ku jiray mataano. 25 Oo kii hore wuu soo baxay isagoo cas, korkiisa oo dhammuna wuxuu u ekaa dhar dhogor laga sameeyey, magiciisiina waxay u baxsheen Ceesaw. 26 Dabadeedna waxaa soo baxay walaalkiis, gacantiisuna waxay ku dhegganayd cedhibta Ceesaw; magiciisiina waxaa loo bixiyey Yacquub; Isxaaqna lixdan sannadood buu jiray markay iyaga dhashay. 27 Wiilashiina way koreen: oo Ceesaw wuxuu ahaa nin ugaadhsiga aad u yaqaan, wuxuuna ahaa nin duurgal ah; Yacquubna wuxuu ahaa nin aamusan oo teendhooyin degi jiray. 28 Isxaaqna wuu jeclaa Ceesaw, maxaa yeelay, wuxuu cuni jiray hilibkiisii ugaadha; Rebeqahna waxay jeclayd Yacquub. 29 Yacquub wuxuu karsaday fuud; markaasaa waxaa duurka ka yimid Ceesaw, wuuna daalanaa. 30 Markaasaa Ceesaw wuxuu Yacquub ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii aan cunee fuudkaas cas, waayo, waan daalanahay. Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey [a]Edom. 31 Yacquubna wuxuu yidhi, Maanta iga iibi curadnimadaada. 32 Markaasaa Ceesaw yidhi, Bal eeg, geeri baan ku dhowahay; haddaba curadnimadu maxay ii taraysaa? 33 Markaasaa Yacquub ku yidhi, Maanta ii dhaaro. Kolkaasuu u dhaartay, curadnimadiisiina wuxuu ka iibiyey Yacquub. 34 Yacquubna wuxuu Ceesaw siiyey kibis iyo fuud digir laga sameeyey, wuuna cunay oo cabbay, markaasuu intuu kacay, iska tegey. Sidaasuu Ceesaw u quudhsaday curadnimadiisii.
Isxaaq Iyo Abimeleg
26 Waxaa dhulkii ka dhacday abaar, oo aan ahayn tii hore oo waagii Ibraahim dhacday. Markaasaa Isxaaq u kacay xagga Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin xagga Geraar. 2 Rabbiguna wuu u muuqday isaga, oo wuxuu ku yidhi, Xagga Masar ha u dhaadhicin, laakiinse deg dhulka aan kuu sheegi doono. 3 Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim. 4 Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan; 5 maxaa yeelay, Ibraahim baa addeecay codkaygii, wuxuuna dhawray wixii la ii dhawri lahaa, iyo xukummadaydii, iyo amarradaydii, iyo qaynuunnadaydii. 6 Isxaaqna wuxuu degganaa Geraar: 7 oo dadkii meeshaas joogay baa naagtiisii ka warsaday, oo wuxuu yidhi, Iyadu waa walaashay: waayo, wuu ka cabsaday inuu yidhaahdo, Waa naagtaydii, oo wuxuu isyidhi, waaba intaasoo ay dadka meeshanu igu dilaan Rebeqah aawadeed, maxaa yeelay, way suurad quruxsanayd. 8 Markuu halkaas wakhti dheer joogay ayaa Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin daaqad ka fiiriyey, oo uu arkay Isxaaq oo naagtiisii Rebeqah la qooqaya. 9 Markaasuu Abimeleg Isxaaq u yeedhay, oo yidhi, Hubaal iyadu waa naagtaadii. De sidee baad ku tidhi, Waa walaashay? Isxaaqna wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, waxaan is-idhi, Waaba intaasoo aad u dhimatid iyada aawadeed. 10 Oo Abimelegna wuxuu ku yidhi, War waa maxay waxan aad nagu samaysay? Mid dadka ka mid ahu dhib yaraan buu ula jiifsan lahaa naagtaada, oo kolkaasaad eed noo soo jiidi lahayd. 11 Markaasaa Abimeleg wuxuu dadkii oo dhan ku amray, oo yidhi, Kii ninkan ama naagtiisa taabta hubaal naftaa laga qaadi doonaa. 12 Isxaaqna dhulkaasuu wax ku beertay, isla sannaddiina wuxuu helay boqol laab; Rabbiguna wuu barakeeyey isagii. 13 Ninkiina wuu weynaaday, oo hor u maray, ilaa uu noqday nin aad u weyn, 14 wuxuuna lahaa adhi iyo lo', iyo addoommo fara badan; markaasay reer Falastiin ka masayreen. 15 Ceelashii addoommada aabbihiis qodeen oo dhan waagii aabbihiis Ibraahim noolaa ayay reer Falastiin hore u awdeen oo ciid uga buuxiyeen. 16 Abimelegna wuxuu Isxaaq ku yidhi, Naga tag; waayo, aad baad nooga xoog badan tahay. 17 Markaasaa Isxaaq halkaas ka tegey, oo dooxadii Geraar degay, halkaasuuna joogay. 18 Kolkaasaa Isxaaq mar kale qoday ceelashii biyaha oo ay qodeen waagii aabbihiis Ibraahim noolaa, waayo, reer Falastiin baa awday markii Ibraahim dhintay ka dib, oo wuxuu magacyadoodii u bixiyey magacyadii aabbihiis Ibraahim u bixiyey. 19 Markaasaa addoommadii Isxaaq dooxadii qodeen, oo waxay ka heleen ceel durdur ah. 20 Markaasaa xoolojirradii reer Geraar la dirireen xoolojirradii Isxaaq, iyagoo leh, Biyaha annagaa leh. Ceelka magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceseq, maxaa yeelay, way la dirireen isagii. 21 Ceel kalena way qodeen, oo kaasna way kula dirireen, markaasuu magiciisii u bixiyey Sitnah. 22 Kolkaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu qoday ceel kale; kaasna kulama ay diririn; magiciisiina wuxuu u bixiyey Rexobod, oo wuxuu yidhi, Haatan Rabbigu meel buu noo banneeyey, oo dalka waannu ku badnaynaa. 23 Markaasuu halkaas ka tegey, oo wuxuu u kacay Bi'ir Shebac. 24 Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis. 25 Kolkaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, oo magaca Rabbiga ku baryootamay, halkaas buuna teendhadiisii ka dhisay, markaasaa addoommadii Isxaaq halkaas ceel ka qodeen. 26 Dabadeedna Abimeleg iyo saaxiibkiis Axusad, iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ayaa Geraar ka tegey oo Isxaaq u kacay. 27 Markaasaa Isxaaq ku yidhi, Maxaad iigu timaadeen, waabad i neceb tihiine, oo aad iska kay erideene? 28 Oo waxay yidhaahdeen, Caddaan baannu u aragnay in Rabbigu kula jiro; oo waxaannu nidhi, Annaga iyo adiga dhaaru ha inoo dhexayso oo aynu axdi dhiganno, 29 inaadan wax na yeelayn, sidii annana aannan kuu taaban, oo aannan waxba kuugu samayn wanaag mooyaane, oo aannu nabad kuugu dirnay. Adigu hadda waxaad tahay kan Rabbigu barakeeyey. 30 Diyaafad buuna u sameeyey, wayna cuneen oo cabbeen. 31 Kolkaasay aroor hore kaceen, oo isu dhaardhaarteen: markaasaa Isxaaq iska diray, iyana nabad bay kaga ambabbaxeen. 32 Oo isla maalintaas ayay addoommadii Isxaaq yimaadeen, oo ay uga warrameen ceelkii ay qodeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Biyaannu helnay. 33 Markaasuu u bixiyey Shebcaah; sidaas daraaddeed magaaladaas magaceeda waxaa ilaa maantadan la yidhaahdaa Bi'ir Shebac. 34 Ceesaw markuu afartan sannadood jiray ayuu guursaday Yuhuudiid ina Be'eerii kii reer Xeed, iyo Basmad ina Eeloon kii reer Xeed. 35 Kuwaasuna Isxaaq iyo Rebeqah ayay caloolxumo geliyeen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya