Chronological
Mordekay Oo La Maamuusay
6 Habeenkaasna boqorkii wuu seexan kari waayay, kolkaasuu amray in loo keeno buuggii taariikhda wakhtigaas, oo waxaa lagu akhriyey boqorka hortiisa. 2 Oo waxaa laga dhex helay oo ku qornaa in Mordekay sheegay Bigtaan iyo Teresh oo ahaa boqorka labadiisii midiidin oo ka mid ahaa kuwii iridda dhawri jiray, kuwaas oo doonay inay Boqor Ahashwerus dilaan. 3 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Taas aawadeed maxaa maamuus iyo derejo ah oo Mordekay loo sameeyey? Kolkaasaa addoommadii boqorka u adeegi jiray waxay isagii ku yidhaahdeen, Waxba looma samayn. 4 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Yaa barxadda jooga? Haddaba Haamaan ayaa yimid guriga boqorka barxaddiisa dibadda ah inuu boqorka kala hadlo in Mordekay lagu deldelo qorigii deldelaadda oo uu isaga u diyaariyey. 5 Markaasaa boqorka addoommadiisii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, Haamaan baa taagan barxadda. Kolkaasaa boqorkii yidhi, Ha soo galo. 6 Markaasuu Haamaan soo galay, oo boqorkii wuxuu ku yidhi, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso maxaa loo yeelaa? Haddaba Haamaan wuxuu qalbigiisa iska yidhi, Bal yaa boqorku ku farxi lahaa inuu maamuuso in ka badan intuu i maamuuso? 7 Oo Haamaan wuxuu boqorkii ku yidhi, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso 8 ha loo keeno dharkii boqornimada oo boqorku xidhan jiray, iyo faraska boqorku fuulo, oo madaxana ha loo saaro taajka boqorka, 9 oo dharka iyo faraska gacanta ha loo geliyo boqorka amiirradiisa sharafta leh midkood, in loo lebbiso ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso. Oo isaga inta faras la fuushiiyo, jidka magaalada dhexdeeda ha la mariyo, oo hortiisa ha laga naadiyo, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso sidaasaa loo yeelaa. 10 Markaasaa boqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Haddaba soo dhaqso, oo waxaad soo qaaddaa dharkii iyo faraskii aad sheegtay, oo wixii aad sheegtay oo dhan u samee Mordekay oo ah Yuhuudiga fadhiya boqorka iriddiisa; oo wixii aad sheegtay oo dhan yaan waxba ka dhinnaan. 11 Kolkaasaa Haamaan wuxuu soo qaaday dharkii iyo faraskii oo wuxuu u lebbisay Mordekay, oo isagoo faraskii fuushan ayuu mariyey jidka magaalada, oo wuxuu hortiisa ka naadiyey, Sidaasaa loo yeelaa ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso.
12 Haddaba Mordekay wuxuu mar kale ku soo noqday boqorka iriddiisii. Laakiinse Haamaan isagoo murugaysan oo hagoogan ayuu gurigiisii dhaqso u tegey. 13 Markaasaa Haamaan wuxuu naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhan uga sheekeeyey wixii isaga ku dhacay oo dhan. Kolkaasaa raggiisii xigmadda lahaa iyo naagtiisii Seresh waxay ku yidhaahdeen, Mordekay oo aad bilowday inaad hortiisa ku dhacdo, hadduu yahay farcanka Yuhuudda, ka adkaan maysid, laakiinse hubaal hortiisaad ku dhici doontaa.
14 Oo weliba intay isagii la sii hadlayeen waxaa yimid boqorka midiidinnadiisii, oo u soo dhaqsaday inay haddiiba Haamaan keenaan martiqaadkii Esteer diyaarisay.
Haamaan Oo La Deldelay
7 Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u yimaadeen inay Boqorad Esteer martiqaadkeedii ka qayb galaan. 2 Oo haddana maalintii labaad intii la fadhiyey martiqaadkii khamriga ayaa boqorkii Esteer ku yidhi, Boqorad Esteeray, baryadaadu waa maxay? Waa lagu siinayaaye. Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay, waa laguu yeelayaaye. 3 Markaasaa Boqorad Esteer jawaabtay oo waxay tidhi, Boqorow, haddaad raalli iga tahay oo aad ku faraxdid, baryadayda aawadeed naftayda ha la ii bixiyo, oo weyddiisashadayda aawadeedna dadkaygu ha ii badbaado, 4 waayo, aniga iyo dadkaygiiba waxaa loo iibiyey in nala baabbi'iyo, oo nala laayo oo aan halaaganno. Laakiinse haddii naloo iibiyey inaan ahaanno rag iyo dumar addoommo ah, waan iska aamusi lahaa, in kastoo cadowgu aanu boqorka khasaaradiisa ka xaq marin karin. 5 Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer ku yidhi, Yuu yahay, xaggee buuse joogaa, kan ku dhaca oo qalbigiisa sidaas kaga fikiray inuu waxaas yeelo? 6 Markaasaa Esteer waxay tidhi, Cadow iyo col waxaa ah Haamaankan sharka leh. Markaasaa Haamaan boqorkii iyo boqoraddii hortooda ku cabsaday. 7 Kolkaasaa boqorkii isagoo cadhaysan, ka kacay martiqaadkii khamriga, oo wuxuu u baxay xagga beerta hoyga boqorka; oo Haamaan ayaa u istaagay inuu Boqorad Esteer naftiisa u baryo, waayo, wuxuu arkay in boqorku belaayo la damacsan yahay. 8 Markaasaa boqorkii beertii ka soo noqday oo galay meeshii martiqaadka khamriga lagu dhigay, Haamaanna wuxuu ku sii dhacayay sariirtay Esteer fuushanayd. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Xataa ma boqoradduu hortayda ku xoogayaa iyadoo guriga joogta? Oo isla markii eraygaasu boqorka afkiisii ka soo baxay ayaa Haamaan wejigiisii la deday. 9 Kolkaasaa Xarboona oo ahaa boqorka midiidinnadiisa midkood oo boqorka hortiisa joogay ayaa yidhi, Weliba bal eeg, waxaa Haamaan gurigiisa ag qotoma qoriga deldelaadda oo dhererkiisu yahay konton dhudhun, oo Haamaan u sameeyey inuu ku deldelo Mordekay oo boqorka wax wanaagsan kaga hadlay. Markaasaa boqorkii yidhi, Halkaas ku deldela. 10 Sidaas daraaddeed Haamaan waxaa lagu deldelay meeshii deldelaadda oo uu u diyaarshay inuu Mordekay ku deldelo, oo markaasaa boqorkii cadho baxay.
Amarkii Boqorka Ee Ku Saabsanaa Yuhuudda
8 Oo isla maalintaas ayaa Boqor Ahashwerus wuxuu gurigii Haamaan oo ahaa cadowgii Yuhuudda siiyey Boqorad Esteer. Mordekayna wuxuu yimid boqorka hortiisii, waayo, Esteer ayaa boqorka u sheegtay wuxuu iyada u ahaa. 2 Markaasaa boqorkii wuxuu iska soo bixiyey kaatunkiisii uu Haamaan ka soo qaatay, oo wuxuu siiyey Mordekay. Esteerna gurigii Haamaan ayay Mordekay madax uga dhigtay.
3 Oo Esteer boqorka hortiisii ayay haddana ka hadashay, oo intay cagihiisa ku dhacday ayay iyadoo ooyaysa ka bariday inuu baabbi'iyo belaayadii Haamaan kii reer Agag iyo xeeladdiisii uu Yuhuudda ku samaynayay. 4 Markaasaa boqorkii wuxuu Esteer u soo fidiyey ushii dahabka ahayd. Oo taas daraaddeed Esteer way kacday oo waxay istaagtay boqorka hortiisii. 5 Oo kolkaasay tidhi, Boqorow, haddaad ku faraxsan tahay, oo aad raalli iga tahay, oo haddii xaalkaasu kula wanaagsan yahay, oo aad ii bogtay, ha la qoro warqado lagu beddelo warqadihii uu xeeladda ku qoray Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, kuwaasoo uu u qoray in lagu baabbi'iyo Yuhuudda boqorka gobolladiisa deggan oo dhan. 6 Waayo, bal sidee baan ugu adkaysan karaa inaan arko belaayada dadkayga ku dhacaysa? Amase sidee baan ugu adkaysan karaa inaan arko baabbi'inta dadkayga? 7 Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer iyo Yuhuudigii Mordekay ku yidhi, Bal eega, gurigii Haamaan ayaan Esteer siiyey, isagiina waxaa lagu deldelay meesha deldelaadda, maxaa yeelay, wuxuu gacan ku fidiyey Yuhuudda. 8 Haddaba idinku sidaad doonaysaan Yuhuudda warqado ugu qora. Magaca boqorka ku qora, oo ku shaabadeeya kaatunka boqorka, waayo, qorniinkii lagu qoro boqorka magiciisa, oo haddana kaatunka boqorka lagu shaabadeeyo, ninna ma beddeli karo. 9 Oo markaasaa isla wakhtigaasba waxaa loo yeedhay boqorka karraaniyadiisii. Oo waxayna ahayd bisha Siwaan, oo ah bisha saddexaad, maalinteedii saddex iyo labaatanaad. Oo waxaa la qoray wax alla wixii Mordekay uu ku amray Yuhuuddii iyo saraakiishii iyo taliyayaashii iyo amiirradii joogay gobolladii ku yiil Hindiya iyo Itoobiya inta ka dhex leh, oo ahaa boqol iyo toddoba iyo labaatan gobol, oo waxaa gobol kasta loogu qoray fartiisii, dad kastana waxaa loogu qoray afkoodii, oo Yuhuuddiina waxaa loogu qoray fartoodii iyo afkoodiiba. 10 Oo wuxuu warqadihii ku qoray Boqor Ahashwerus magiciisii, oo ku shaabadeeyey kaatunkii boqorka, markaasuu u sii dhiibay warqaadayaal fuushan fardo iyo baqlo iyo rakuubbo. 11 Oo boqorkii wuxuu u oggolaaday Yuhuuddii magaalo kasta degganayd inay isa soo wada urursadaan oo ay daaficidda naftooda isu taagaan, oo ay baabbi'iyaan, oo laayaan, oo halaag ku ridaan kulli xooggii dadka iyo gobolkii doonayay inay weeraraan iyaga iyo dhallaankooda iyo dumarkoodaba, iyo inay maalkooda booli ahaan u dhacaan. 12 Oo amarkii wuxuu ahaa in Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan saas isku maalin laga yeelo, taas oo ah maalinta saddex iyo tobnaad oo bisha laba iyo tobnaad ee Adaar la yidhaahdo. 13 Oo warqaddii amarku ku qornaa naqilkeedii ayaa lagu faafiyey gobol kasta, oo waxaa loo sii dhiibay dadyowga oo dhan, taasoo leh, Maalintaas Yuhuuddu diyaar ha u ahaadeen inay ka aarsadaan cadaawayaashooda. 14 Oo sidaas daraaddeed warqaadayaashii fuushanaa baqlo iyo rakuubbo way ambabbexeen, iyagoo degdegsan oo ku dhaqsanaya boqorka amarkiisa; oo amarkiina waxaa lagu naadiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka.
15 Markaasaa Mordekay wuxuu ka tegey boqorka hortiisii isagoo qaba dhar boqortooyo oo ah buluug iyo caddaan, oo madaxana waxaa u saarnaa taaj weyn oo dahab ah, wuxuuna huwanaa shulug laga sameeyey maro wanaagsan oo guduudan, oo magaaladii Shuushanna waa laga qayliyey oo laga farxay. 16 Oo Yuhuuddiina waxaa u ahaaday iftiin iyo farxad iyo rayrayn iyo sharaf. 17 Oo gobol kasta iyo magaalo kasta oo boqorka amarkiisii iyo naadadiisii ay gaadheen, Yuhuuddii waxaa u ahaaday farxad iyo rayrayn, iyo iid iyo maalin wanaagsan. Oo qaar badan oo ka mid ahaa dadyowgii dalka degganaa waxay noqdeen Yuhuud, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku dhacday cabsidii ay Yuhuudda ka cabsanayeen.
Guushii Yuhuudda
9 Haddaba bishii laba iyo tobnaad, oo ahayd bisha Adaar, maalinteedii saddex iyo tobnaad, markii boqorka amarkiisii iyo naadadiisii ay soo dhowaadeen in la oofiyo, maalintaas oo ahayd maalintii Yuhuudda cadaawayaashoodii ay rajaynayeen inay Yuhuudda u taliyaan, laakiin loo beddelay oo ay noqotay maalintii ay Yuhuuddii u taliyeen kuwii iyaga nebcaa, 2 ayaa Yuhuuddii iska soo wada urursadeen magaalooyinkoodii ku yiil gobolladii Boqor Ahashwerus oo dhan inay gacan u qaadaan kuwii doonayay inay iyaga wax yeelaan; oo mana jirin nin iyaga hor istaagi karay, maxaa yeelay, cabsidoodii baa ku dhacday dadyowgii oo dhan. 3 Oo waxaa Yuhuuddii caawiyey amiirradii gobollada oo dhan, iyo saraakiishii, iyo taliyayaashii, iyo kuwii boqorka hawshiisii qaban jiray oo dhan, maxaa yeelay, iyagu waxay ka cabsanayeen Mordekay. 4 Waayo, Mordekay wuxuu ku weynaa gurigii boqorka, oo warkiisuna wuxuu wada gaadhay gobollada oo dhan, maxaa yeelay, ninkii Mordekay ahaa aad iyo aad buu u sii weynaaday. 5 Oo Yuhuuddiina cadaawayaashoodii oo dhan waxay la dhaceen seef, wayna laayeen, oo baabbi'iyeen, oo waxay iyagii ku sameeyeen wixii ay doonayeen inay kuwa iyaga neceb ku sameeyaan. 6 Oo Shuushan oo ahayd hoygii boqorka ayay Yuhuuddu shan boqol oo nin ku laayeen oo ku baabbi'iyeen. 7 Oo waxaa kuwaas ka mid ahaa Farshandaataa iyo Dalfoon iyo Asfaataa, 8 iyo Fooraataa iyo Adaliyaa iyo Ariidaataa, 9 iyo Farmashtaa iyo Ariisay iyo Ariiday iyo Waysaataa, 10 oo dhammaantood ahaa tobankii wiil oo uu dhalay Haamaan ina Hamedaata oo ahaa Yuhuudda cadowgoodii. Kuwaasay wada dileen, laakiinse maalkoodii far ma ay saarin.
11 Oo maalintaas intii lagu laayay Shuushan oo ahayd hoygii boqorka tiradoodii waxaa la keenay boqorka hortiisa. 12 Markaasaa boqorkii wuxuu Boqorad Esteer ku yidhi, Yuhuuddii waxay Shuushan oo ah hoygayga ku laayeen oo ku baabbi'iyeen shan boqol oo nin, iyo Haamaan tobankiisii wiil. Oo gobolladayda intooda kale maxay ku sameeyeen! Haddaba baryadaadu waa maxay, waa lagu siinayaaye? Amase maxaad kaloo weyddiisanaysaa? Waa laguu samaynayaaye. 13 Kolkaasaa Esteer waxay tidhi, Haddii boqorku raalli ku yahay, Yuhuudda Shuushan joogta ha la siiyo fasax ay berrito ku sameeyaan si waafaqsan amarkan maanta dhacay, oo Haamaan tobankiisa wiilba ha lagu deldelo meesha deldelaadda. 14 Markaasaa boqorkii wuxuu amray in saas la yeelo, oo amar baa Shuushan lagu naadiyey, oo Haamaan wiilashiisiina waa la deldelay. 15 Oo haddana Yuhuuddii Shuushan joogtay dhammaantood way isa soo wada urursadeen bishii Adaar, maalinteedii afar iyo tobnaad, oo waxay Shuushan ku laayeen saddex boqol oo nin, laakiinse maalkoodii far ma ay saarin.
16 Oo Yuhuuddii kale oo joogay boqorka gobolladiisa iyana dhammaantood way isa soo wada urursadeen, oo ay daaficidda naftooda isu taageen, oo way ka raysteen cadaawayaashoodii, oo waxay kuwii iyaga nebcaa ka laayeen shan iyo toddobaatan kun oo qof, laakiinse maalkoodii far ma ay saarin. 17 Oo taasuna waxay dhacday bishii Adaar, maalinteedii saddex iyo tobnaad, oo bishaas maalinteedii afar iyo tobnaadna way nasteen, oo waxay ka dhigeen maalin iid ah oo farxad badan.
Fuuriim Oo Loo Dabbaaldegay
18 Laakiinse Yuhuuddii Shuushan joogtay way isa soo wada urursadeen bishaas, maalinteedii saddex iyo tobnaad, iyo maalinteedii afar iyo tobnaad, oo isla bishaas, maalinteedii shan iyo tobnaadna way nasteen, oo waxay ka dhigeen maalin iid ah oo farxad badan. 19 Haddaba Yuhuuddii tuulooyinka joogtay oo degganayd magaalooyinka aan derbiga lahayn, bisha Adaar, maalinteeda afar iyo tobnaad, waxay ka dhigaan maalin farxadeed oo iid ah, oo maalin wanaagsan ah, iyo maalin waxyaalo wanaagsan mid ba midka kale u diro.
20 Markaasaa Mordekay waxyaalahaas oo dhan qoray, oo wuxuu warqado u diray kulli Yuhuuddii joogtay Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan, kuwii dhowaa iyo kuwii fogaaba, 21 oo wuxuu ku amray iyagii inay sannad walba bisha Adaar, afar iyo tobankeeda iyo shan iyo tobankeeda, dhawraan, 22 oo ay ka dhigaan maalmihii Yuhuuddii ay cadaawayaashoodii ka raysteen iyo bishii xaggooda ay murugtii farxad u beddelantay, baroortiina maalin wanaagsan; inay ka dhigaan maalmo iid ah oo farxad badan, oo mid ba midka kale waxyaalo wanwanaagsan u diro, oo masaakiintana hadiyado la siiyo.
23 Oo Yuhuuddiina waxay aqbaleen inay sameeyaan wixii ay bilaabeen, iyo sidii Mordekay uu iyaga u soo qoray, 24 maxaa yeelay, Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, oo Yuhuudda oo dhan cadowgooda ahaa, xeelad buu ku sameeyey Yuhuudda inuu iyaga baabbi'iyo, oo wuxuu riday saami Fuur la odhan jiray, si uu u laayo oo uu u baabbi'iyo. 25 Laakiinse markuu xaalkaasu boqorka hortiisa yimid, wuxuu amray oo warqado ku qoray in xeeladdiisii uu Yuhuudda ku sameeyey ay madaxiisa ku soo noqoto, iyo in isaga iyo wiilashiisiiba lagu deldelo meesha deldelaadda. 26 Haddaba sidaas daraaddeed maalmahaas waxay u bixiyeen FUURIIM, oo waxay ugu yeedheen saamigii magiciisii FUUR la odhan jiray. Saas aawadeed warqaddan erayadeedii oo dhan, iyo wixii xaalkan ku saabsanaa oo ay arkeen, iyo wixii iyaga u yimid, 27 Yuhuuddu waxay amreen oo dul saareen iyaga iyo farcankooda, iyo in alla intii iyaga ku darmatay, inaanay ka baaqan, inay labadaas maalmood u dhawraan sannad kasta sida waafaqsan waxa laga qoray, iyo goor waafaqsan xilligii la yidhi; 28 iyo in qarni kastaa, iyo qolo kastaa, iyo dal kastaa, iyo magaalo kastaaba ay maalmahaas xusuustaan oo dhawraan, iyo in maalmahaas FUURIIM la yidhaahdo aanay Yuhuuddu ka baaqan, oo aanay xusuustooduna xataa farcankooda dambe ka baabbi'in.
29 Markaasaa Boqorad Esteer oo ahayd ina Abiixayil, iyo Yuhuudigii Mordekay ahaa waxay amar buuxa ku qoreen, si ay u adkeeyaan warqaddan labaad oo ku saabsan FUURIIM. 30 Oo waxaa warqado loo diray kulli Yuhuuddii joogtay boqol iyo toddoba iyo labaatankii gobol oo boqortooyadii Ahashwerus, oo waxaa loogu dhawaaqay hadal nabaadiino iyo run ah, 31 si loo adkeeyo maalmahaas FUURIIM la yidhaahdo wakhtigooda, sidii ay u amreen Yuhuudigii Mordekay iyo Boqorad Esteer, iyo sidii ay iyagu nafsaddooda iyo farcankooda ugu amreen xaalkii soonka iyo qayladoodii. 32 Oo Esteer amarkeediina wuxuu sii adkeeyey xaalkan ku saabsan FUURIIM; oo buug baa lagu qoray.
Weynaantii Mordekay
10 Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu baad saaray dhulkii iyo gasiiradihii baddaba. 2 Oo falimihii uu xooggiisii iyo itaalkiisii ku sameeyey oo dhan, iyo warkii Mordekay weynaantiisii uu boqorku isaga u sara mariyey sow kuma wada qornayn buuggii taariikhda oo boqorradii Maaday iyo Faaris? 3 Haddaba Yuhuudigii Mordekay ahaa wuxuu ahaa ninkii ku xigay Boqor Ahashwerus, oo xagga Yuhuuddana wuxuu ahaa nin weyn, oo walaalihiisa badanuna way aqbaleen; oo wuxuuna ahaa nin doondoonaa wanaagga dadkiisa oo nabaadiino kula hadla farcankiisa oo dhan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya