Chronological
MUUJINTII
CIISE MASIIX EE YOOXANAA LOO MUUJIYEY
Bilowga Kitaabkan, Iyo Salaan
1 Tanu waa muujintii Ciise Masiix oo Ilaah isaga siiyey inuu tuso addoommadiisa waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan. Oo isagu wuxuu taas tusay addoonkiisii Yooxanaa isagoo malaa'igtiisa u soo diraya isaga, 2 kaasoo ka markhaati furay erayga Ilaah iyo markhaatifuridda Ciise Masiix, iyo wixii uu isagu arkay oo dhan. 3 Waxaa barakaysan ka akhriya iyo kuwa maqla erayadii wax sii sheegidda, oo xajiya waxyaalaha ku qoran, waayo, wakhtigii wuu dhow yahay.
4 Anigoo Yooxanaa ah waxaan waxyaalahan u soo qorayaa toddobada kiniisadood oo Aasiya ku yaal. Nimco iyo nabadu ha idiinka yimaadeen kan jira oo jiray oo iman doona, iyo xagga toddobada ruux oo carshigiisa hor jooga, 5 iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay, 6 oo boqortooyo inaga dhigay inaynu wadaaddo u ahaanno Ilaaha ah Aabbihiis, isaga ammaanu ha u ahaato iyo dowladnimo weligiis iyo weligiisba. Aamiin. 7 Bal eega, wuxuu la imanayaa daruuraha, oo waxaa isaga arki doona il kasta iyo kuwii isaga wareemay; oo qabiilooyinka dhulka oo dhammuna isagay u barooran doonaan. Haah, saas ha ahaato. Aamiin.
8 Rabbiga Ilaaha ahu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, oo ah kan jira oo jiray oo iman doona, iyo Qaadirka.
Riyadii Masiixa Lagu Arkay
9 Anigoo Yooxanaa ah oo walaalkiin ah iyo mid idinkala qayb galay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada ku jira Ciise, waxaan gasiiradda Batmos la yidhaahdo u joogay erayga Ilaah iyo u markhaatifuridda Ciise aawadood. 10 Maalintii Rabbiga waxaan ku jiray Ruuxa, oo waxaan meel iga dambaysa ka maqlay cod weyn oo ah sidii buun oo leh, 11 Wixii aad aragtid buug ku qor, oo waxaad u sii dirtaa toddobada kiniisadood; kuwaas oo ah tan Efesos, iyo tan Simurna, iyo tan Bergamos, iyo tan Tu'ateyra, iyo tan Sardis, iyo tan Filadelfiya, iyo tan La'odikiya.
12 Oo anna dib baan u jeestay inaan arko codkii ila hadlay, oo markii aan dib u jeestay waxaan arkay toddoba laambadood oo dahab ah. 13 Oo laambadaha badhtankooda waxaan ku arkay mid u eg bini-aadan oo qaba khamiis dheer, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suun dahab ah. 14 Oo madaxiisa iyo timihiisuna waxay u caddaayeen sida suuf cad iyo sida baraf oo kale; oo indhihiisuna waxay ahaayeen sida dab ololkiis, 15 oo cagihiisuna waxay u ekaayeen naxaas dhalaalaysa sidii iyadoo foorno lagu safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa codka biyo badan. 16 Oo gacantiisa midigtaana wuxuu ku haystay toddoba xiddigood, oo afkiisana waxaa ka soo baxay seef soofaysan oo laba af leh, jaahiisuna wuxuu u ekaa qorraxda oo xoog u dhalaalaysa. 17 Oo markii aan arkay ayaan ku hor dhacay sidii mid dhintay. Oo markaasuu gacantiisii midigta ahayd i saaray, oo wuxuu igu yidhi, Ha cabsan. Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, 18 iyo kan nool. Anigu waan dhintay, oo bal eeg, waan noolahay tan iyo weligayba, oo waxaan haystaa furayaasha dhimashada iyo [a]Haadees. 19 Haddaba waxaad qortaa waxyaalahaad aragtay iyo waxyaalaha hadda jira iyo waxyaalaha hadda ka dib dhici doona. 20 Toddobada xiddigood oo aad ku aragtay gacantayda midigtaa iyo toddobada laambadood oo dahabka ah qarsoodigooda micnihiisu waxaa weeye sidan, toddobada xiddigood waxaa weeyaan malaa'igaha toddobada kiniisadood, toddobada laambadoodna waxaa weeyaan toddobada kiniisadood.
Warqaddii Kiniisadda Efesos Loo Diray
2 Kiniisadda Efesos ku taal malaa'igteeda waxaad u qortaa: Kan toddobada xiddigood gacantiisa midigtaa ku haystaa oo toddobada laambadood oo dahabka badhtankooda ku socdaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan, 2 Waan ogahay shuqulladaada, iyo hawshaada, iyo dulqaadashadaada, iyo inaadan u adkaysan karin kuwa sharka ah, iyo inaad tijaabisay kuwa rasuullada isku sheega iyagoo aan ahayn, oo waxaad ogaatay inay been yihiin. 3 Waad dulqaadataa, oo dhib baad ugu adkaysatay magacayga aawadiis, kamana aad daalin. 4 Laakiin wax baan kuu haystaa, waayo, jacaylkaagii hore waad ka tagtay. 5 Haddaba xusuuso meeshii aad ka dhacday, oo toobadkeen, oo shuqulladaadii hore samee; haddii kalese anigu waan kuu iman doonaa oo laambaddaada waan ka qaadi doonaa meesheeda haddii aadan toobadkeenin. 6 Laakiinse tan aad leedahay, waxaad neceb tahay dadka Nikolas raaca shuqulladooda oo aan aniguna necbahay. 7 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta ayaa waxaan siin doonaa amar uu wax kaga cuno geedka nolosha oo ku dhex yaal [b]Firdooska Ilaah.
Warqaddii Kiniisadda Simurna Loo Diray
8 Kiniisadda Simurna ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;
Kan ugu horreeyey oo ugu dambeeya, oo dhintay, oo soo noolaaday, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan, 9 Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shayddaanka. 10 Ha ka cabsan waxyaalaha aad dhowaan ku xanuunsan doontid. Bal eega, in laydin tijaabiyo aawadeed, Ibliisku qaarkiin buu dhowaan xabsi ku ridi doonaa, oo idinku intii toban maalmood ah waxaad heli doontaan dhibaato. Ilaa dhimashada aamin ahow, anna waxaan ku siin doonaa taajka nolosha. 11 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta dhimashada labaad waxba yeeli mayso.
Warqaddii Kiniisadda Bergamos Loo Diray
12 Kiniisadda Bergamos ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;
Kan haysta seefta soofaysan oo labada af leh wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan, 13 Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shayddaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shayddaanku deggan yahay. 14 Laakiinse dhawr waxyaalood baan kuu haystaa, maxaa yeelay, halkaas waxaad ku haysataa kuwo xajiya waxbariddii Balcaam, kaas oo baray Baalaaq inuu reer binu Israa'iil hortooda ku tuuro dhagax lagu turunturoodo, inay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey iyo inay sinaystaan. 15 Weliba waxaad kaloo haysataa kuwo sidaas oo kale u xajiya waxbariddii dadka Nikolas raaca. 16 Haddaba sidaas daraaddeed toobadkeena, haddii kalese dhaqsaan idiinku iman, oo waxaan iyaga kula diriri doonaa seefta afkayga. 17 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta waxaan wax ka siin doonaa [c]maannada qarsoon, oo waxaan siin doonaa dhagax cad, dhagaxa dushiisana waxaa ku qoran magac cusub oo aan ninna aqoon, kan hela mooyaane.
Warqaddii Kiniisadda Tu'ateyra Loo Diray
18 Kiniisadda Tu'ateyra ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;
Wiilka Ilaah oo indhihiisu u eg yihiin dab ololkiis, cagihiisuna u eg yihiin naxaas dhalaalaysaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan; 19 Waan ogahay shuqulladaada, iyo jacaylkaaga, iyo rumaysadkaaga, iyo adeegiddaada, iyo samirkaaga, iyo inay shuqulladaadii dambe ka sii badan yihiin kuwaagii hore. 20 Laakiinse wax baan kuu haystaa, waayo, waxaad oggoshahay naagta Yesebeel la yidhaahdo oo nebiyad isku sheegta; oo waxay addoommadayda bartaa oo ku sasabtaa inay sinaystaan oo ay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey. 21 Oo waxaan iyada siiyey wakhti ay ku toobadkeento, iyaduse dooni mayso inay ka toobadkeento sinadeeda. 22 Bal eeg, haddaba iyada sariir baan ku dul tuurayaa, oo kuwii iyada la sinaystana waxaan ku dhex tuurayaa dhibaato weyn, haddii ayan ka toobadkeenin shuqulladeeda. 23 Oo waxaan carruurteeda ku dili doonaa dhimasho, kiniisadaha oo dhammuna waxay ogaan doonaan inaan ahay kan baadhbaadha kelyaha iyo qalbiyada, oo anna midkiin walbaba waxaan wax u siin doonaa sida shuqulladiinnu yihiin. 24 Laakiinse intiinna kale oo Tu'ateyra joogta, in alla intiinna aan waxbariddan haysan, oo sida ay iyagu yidhaahdaan, aan aqoon waxyaalaha moolka dheer oo Shayddaanka, idinka waxaan idinku leeyahay, Dushiinna culaab kale saari maayo. 25 Habase yeeshee waxa aad haysataan xajiya ilaa aan imaado. 26 Kii guulaysta oo shuqulladayda sii xajiya tan iyo ugu dambaysta, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo quruumaha. 27 Oo wuxuu ku xukumi doonaa ul bir ah, sida weelasha dheriyasameeyuhu ay u burburaan; sida aan aniguba Aabbahay uga helay: 28 oo weliba waxaan siin doonaa xiddigta waaberi. 29 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.
Warqaddii Kiniisadda Sardis Loo Diray
3 Kiniisadda Sardis ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;
Kan haysta toddobada Ruux oo Ilaah iyo toddobada xiddigood, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan: Waan ogahay shuqulladaada, oo magac baad leedahay sida wax nool, laakiinse meyd baad tahay. 2 Haddaba soo jeed, oo adkee waxyaalaha kuu hadhay oo dhimashada ku dhow; waayo, shuqulladaadii ma aan helin iyagoo kaamil ku ah Ilaahayga hortiisa. 3 Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobadkeen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono. 4 Laakiinse waxaad Sardis ku leedahay dhawr qof oo aan dharkooda nijaasayn; oo anigay ila socon doonaan iyagoo dhar cad qaba; maxaa yeelay, way istaahilaan. 5 Kii guulaystaa sidaasuu u xidhan doonaa dhar cad; oo anna sinaba magiciisa ugama tirtiri doono kitaabka nolosha, oo waxaan magiciisa ka qiran doonaa Aabbahay hortiisa iyo malaa'igihiisa hortooda. 6 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.
Warqaddii Kiniisadda Filadelfiya Loo Diray
7 Kiniisadda Filadelfiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;
Kan quduuska ah, oo runta ah, oo furihii Daa'uud haysta, oo wuxuu furo aanu ninna xidhi karin, wuxuu xidhana aanu ninna furi karin, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan; 8 Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay waxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin. 9 Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay. 10 Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan. 11 Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin. 12 Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub. 13 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.
Warqaddii Kiniisadda La'odikiya Loo Diray
14 Kiniisadda La'odikiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;
Aamiin, oo ah markhaatiga aaminka ah oo runta ah, oo ah madaxa uunka Ilaah, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan; 15 Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood. 16 Haddaba waad diirran tahay, oo qabow iyo kulayl midna ma ihid, sidaas daraaddeed afkaygaan kaa tufi doonaa. 17 Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan. 18 Sidaas daraaddeed waxaan kugula talinayaa inaad iga iibsatid dahab dab lagu safeeyey, si aad taajir u noqotid, iyo dhar cad si aad u xidhatid oo aanay ceebta qaawanaantaadu u muuqan, iyo indhakuul aad indhaha marsatid si aad wax u aragtid. 19 In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen. 20 Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn. 21 Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa. 22 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.
Riyadii Jannada Lagu Arkay
4 Waxyaalahaas dabadeed kor baan eegay oo waxaan arkay albaab samada ka furmay, oo codkii ugu horreeyey oo aan maqlay sidii buun ila hadlaya oo kale, wuxuu igu yidhi, Halkan soo fuul oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalaha waajibka ah inay hadda ka dib dhacaan. 2 Haddiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo bal eeg, waxaa jiray carshi samada qotoma, oo mid baa carshigii ku fadhiyey, 3 oo kii fadhiyey midabkiisu wuxuu u ekaa dhagax yasbid iyo dhagax sardiyos, oo carshigana waxaa ku wareegsanaa qaansoroobaad midabkeedu u eg yahay dhagax sumurud. 4 Oo carshigii hareerihiisana waxaa yiil afar iyo labaatan carshi oo kale; oo carshiyadii dushoodana waxaan ku arkay afar iyo labaatan oday oo ku fadhiya, oo dhar cad qaba; madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab ah. 5 Oo carshigiina waxaa ka soo baxay hillaac iyo codad iyo onkod. Oo waxaa jiray toddoba laambadood oo dab ah oo carshiga hortiisa ka ololaya, kuwaas oo ah toddobada Ruux oo Ilaah. 6 Oo carshigii hortiisana waxaa yiil wax la mid ah bad muraayad ah oo u eg madarad, oo carshiga badhtankiisa iyo carshiga hareerihiisa waxaa joogay afar xayawaan oo hor iyo dibba indho miidhan ah. 7 Xayawaankii kowaad wuxuu u ekaa libaax, xayawaankii labaadna wuxuu u ekaa weyl, xayawaankii saddexaadna wuxuu lahaa weji u eg weji nin, xayawaankii afraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya. 8 Oo afarta xayawaan mid waluba wuxuu lahaa lix baal, oo hareerahooda iyo gudahooduba waa indho miidhan; oo habeen iyo maalin midna ma nastaan, oo waxay yidhaahdaan, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ah Ilaaha Qaadirka ah, oo jiray oo jira oo iman doona.
9 Oo marka xayawaanku ay ammaanaan oo ciseeyaan oo mahad u naqaan kan carshiga ku fadhiya oo ah kan nool weligiis iyo weligiis, 10 ayaa afar iyo labaatanka oday waxay ku hor dhici doonaan kan carshiga ku fadhiya, oo waxay caabudi doonaan kan nool weligiis iyo weligiis, oo taajajkoodana waxay ku tuuri doonaan carshiga hortiisa, iyagoo leh, 11 Rabbigayagow, Ilaahayagow, adigu waad istaahishaa inaad heshid ammaanta iyo cisada iyo xoogga, waayo, wax kasta adaa abuuray, maxaa yeelay, doonistaada aawadeed ayay u ahaadeen oo u abuurmeen.
Riyadii Wanka Ilaah Lagu Arkay
5 Oo anna kii carshiga ku fadhiyey gacantiisa midigta waxaan ku arkay kitaab wax kaga qoran yihiin dul iyo hoosba, oo waxaa ku shaabadaysnaa toddoba shaabadood. 2 Oo waxaan arkay malaa'ig xoog weyn oo ku naadinaysa cod weyn, oo leh, Bal yaa istaahila inuu kitaabka kala bixiyo oo uu furo shaabadihiisa? 3 Oo samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa laguma arag mid awooda inuu kitaabka kala bixiyo ama eego. 4 Oo markaasaan aad u ooyay, maxaa yeelay, lama helin mid istaahila inuu kitaabka kala bixiyo ama eego. 5 Markaasaa odayaashii midkood wuxuu igu yidhi, Ha ooyin, bal eeg, Libaaxa qabiilka reer Yahuudah ka mid ah oo ah xididkii ka yimid Daa'uud ayaa wuxuu ku guulaystay inuu furo kitaabka iyo toddobadiisa shaabadoodba.
6 Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddobada Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan. 7 Oo isna intuu yimid ayuu kitaabkii ka qaatay kii carshigii ku fadhiyey gacantiisii midigtaa. 8 Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta. 9 Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta, 10 oo waxaad iyagii ka dhigtay inay Ilaaheenna u ahaadaan boqortooyo iyo wadaaddo; oo iyana dhulka ayay wax ku xukumi doonaan.
11 Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun; 12 oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad. 13 Oo wax kasta oo la abuuray oo ku jira samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa, iyo badda gudaheeda, iyo waxyaalaha iyaga ku jira oo dhan, ayaa waxaan maqlay iyagoo leh, Kan carshiga ku fadhiya iyo Wanka ha u ahaadeen mahad, iyo ciso, iyo ammaan, iyo xoog, weligood iyo weligood. 14 Markaasaa afartii xayawaan waxay yidhaahdeen, Aamiin. Odayaashiina way dhaceen oo sujuudeen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya