Chronological
Kiniisaddii Antiyokh Ku Tiil
13 Haddaba kiniisaddii Antiyokh ku tiil waxaa joogay nebiyo iyo macallimiin, kuwaas oo ahaa Barnabas, iyo Simecoon oo la odhan jiray Niger, iyo Lukiyos oo reer Kuranaya ah, iyo Mana'een oo la koray taliye Herodos, iyo Sawlos. 2 Oo markay Rabbiga caabudayeen oo soomanaayeen ayaa Ruuxa Quduuska ahu wuxuu ku yidhi, Barnabas iyo Sawlos iigu sooca shuqulkii aan ugu yeedhay. 3 Markay soomeen oo duceeyeen oo gacmahoodii saareen dabadeed ayay direen iyagii.
Barnabas Iyo Sawlos Oo Qubrus Jooga
4 Haddaba iyagoo Ruuxa Quduuska ahu soo diray waxay tageen Selukiya; meeshaasna waxay uga dhoofeen Qubrus. 5 Oo kolkay Salamis joogeen, ereygii Ilaah bay ku wacdiyeen sunagogyada Yuhuudda; oo Yooxanaa ayay kaaliye u haysteen. 6 Oo kolkay gasiiraddii oo dhan dhex mareen ayay waxay yimaadeen Bafos, taas oo ay kala kulmeen nin saaxir ah oo ahaa nebi been ah oo Yuhuudi ah oo magiciisa la odhan jiray Barciise; 7 kaas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo. 8 Laakiin waxaa iyagii ka hor istaagay saaxirka Elumas (oo sidaas magiciisa loo fasiri jiray), oo wuxuu isku dayayay inuu taliyihii ka leexiyo iimaanka. 9 Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey, 10 oo ku yidhi, Kaaga khiyaanada iyo xumaanta oo dhammu ka buuxsantay oo ah wiilka Ibliiska iyo cadowga xaqnimada oo dhan, miyaanad ka joogsanayn qalloocinta aad ku qalloocinaysid jidadka toosan oo Rabbiga? 11 Haddaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga. 12 Kolkaasaa taliyihii, kolkuu arkay wixii dhacay, rumaystay, isagoo ka yaabsan Rabbiga waxbariddiisa.
Bawlos Yuhuudduu Ku Dhex Wacdiyey Magaalada Antiyokh
13 Haddaba Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka dhoofay Bafos, oo waxay yimaadeen Berga oo Bamfuliya ku jirta; markaasaa Yooxanaa ka tegey iyagii oo Yeruusaalem ku noqday. 14 Laakiin iyagu kolkii ay ka tageen Berga waxay yimaadeen Antiyokh oo Bisidiya ku jirta; oo maalintii sabtidana sunagogga ayay galeen oo fadhiisteen. 15 Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha. 16 Markaasaa Bawlos istaagay isagoo gacan haadinaya, oo wuxuu yidhi.
Nimanka reer binu Israa'iilow iyo kuwiinna Ilaah ka cabsadow, dhegaysta. 17 Ilaaha dadkan reer binu Israa'iil wuxuu doortay awowayaasheen, dadkana buu sarraysiiyey markay dhulka Masar degganaayeen, oo gacan taagan buuna kaga soo saaray iyagii. 18 Oo wakhti abbaaraha afartan sannadood ah ayuu dabiicaddoodii ugu dulqaatay cidlada. 19 Oo markuu toddoba quruumood ka baabbi'iyey dhulka Kancaan dabadeed ayuu dhulkoodii dhaxal u siiyey iyagii abbaaraha afar boqol iyo konton sannadood; 20 waxyaalahaas dabadeedna wuxuu siiyey xaakinno ilaa nebi Samuu'eel. 21 Dabadeed waxay weyddiisteen boqor, markaasaa Ilaah wuxuu iyagii siiyey Saa'uul ina Qiish oo ahaa nin reer Benyaamiin intii afartan sannadood ah. 22 Kolkuu isagii boqortooyadii ka wareejiyeyna, wuxuu u kiciyey iyagii Daa'uud inuu boqorkooda noqdo; kaasoo uu u markhaati furay isagoo leh, Waxaan ogaaday Daa'uud oo ina Yesay ah inuu yahay nin ah sida qalbigaygu doonayo oo samayn doona waxaan doonayo oo dhan. 23 Ninkan farcankiisii Ilaah siduu ballanqaaday ayuu Israa'iil ugaga keenay Badbaadiye kaasoo ah Ciise; 24 oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda. 25 Oo intii Yooxanaa shuqulkiisa dhammaynayay, wuxuu yidhi, Yaad u malaynaysaan inaan ahay? Anigu isagii ma ihi. Laakiin, bal eega, waxaa iga daba imanaya mid aanan istaahilin inaan kabaha cagihiisa ka furo.
26 Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan. 27 Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii. 28 Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo. 29 Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen. 30 Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay, 31 oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka. 32 Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday, 33 oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay. 34 Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh,
Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.
35 Saas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi,
Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo.
36 Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay; 37 laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin. 38 Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey; 39 nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin. 40 Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,
41 Bal eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma;
Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul,
Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.
42 Kolkay baxayeen, dadkii waxay ka baryeen inay hadalladaas sabtida dambe kula hadlaan. 43 Haddaba markii sunagogga laga tegey, kuwa badan oo Yuhuud ah iyo kuwa cibaadaysan oo Yuhuudda raacsan ayaa waxay raaceen Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo la hadlayay iyaga oo ku adkeeyey inay nimcada Ilaah ku sii wadaan.
Rasuulladii Waxay U Jeesteen Dadka Aan Yuhuudda Ahayn
44 Sabtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah. 45 Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen. 46 Haddaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn. 47 Maxaa yeelay, sidaasaa Rabbigu nagu amray isagoo leh,
Waxaan kaa dhigi doonaa iftiinka quruumaha,
Inaad badbaadinta u noqotid ilaa meeshii dunida ugu fog.
48 Haddaba markii dadkii aan Yuhuudda ahayn taas maqleen, ayay ku farxeen oo ereygii Ilaah ammaaneen; oo waxaana rumaystay kuwii nolosha weligeed ah loo dhigay.
49 Ereygii Rabbigana waxaa lagu faafiyey waddankii oo dhan. 50 Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii. 51 Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon. 52 Xertiina waxaa ka buuxsamay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah.
Bawlos Iyo Barnabas Oo Ikoniyon Jooga
14 Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay. 2 Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii. 3 Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan. 4 Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii. 5 Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan, 6 ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan; 7 meeshaasna ayay injiilka ku wacdiyeen dadka.
Bawlos Iyo Barnabas Oo Lustara Jooga
8 Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon. 9 Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay, 10 wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday. 11 Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg. 12 Barnabasna waxay u bixiyeen Yubiter; Bawlosna waxay u bixiyeen Merkuriyos, maxaa yeelay, wuxuu ahaa kii hadalka waday. 13 Markaasaa wadaadkii Yubiter oo macbudkiisu ku yiil magaalada horteeda, wuxuu irdaha keenay dibiyo, iyo ubaxyo isku taxan, wuxuuna doonayay inuu dadkii badnaa la sadqeeyo. 14 Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya 15 oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, 16 kaasoo qarniyada tegey quruumaha oo dhan u oggolaaday inay jidadkooda ku socdaan. 17 Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad. 18 Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.
19 Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay. 20 Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.
Bawlos Iyo Barnabas Waxay Ku Noqdeen Antiyokh
21 Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh, 22 iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah. 23 Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.
24 Markaasay sii dhex mareen Bisidiya oo yimaadeen Bamfuliya. 25 Oo kolkay ereyga kaga hadleen Berga ayay waxay tageen Ataliya; 26 meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis. 27 Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn. 28 Markaasay wakhti aan yarayn xertii la joogeen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya