Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 137

137 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon,
Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay,
Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen,
Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa
Dal qalaad dhexdiis?
Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo,
Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga,
Haddaanan ku xusuusan,
Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan
Farxaddayda ugu weyn.
Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom,
Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi,
Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa,
Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya
Sidii aad nagu samaysay.
Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada
Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.

Sabuurradii 144

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

144 Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah,
Oo gacmahayga dagaalka bara,
Farahaygana dirirta bara,
Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda,
Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga,
Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo,
Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.
Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?
Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn,
Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac,
Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan.
Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi,
Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.
Gacantaada kor ka soo fidi,
Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan,
Iyo gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa,
Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
11 I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
12 Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray,
Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
13 Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah,
Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
14 Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan,
Markaan la arag weerarid iyo qaxid,
Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
15 Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay,
Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.

Sabuurradii 104

104 Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay,
Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
Waxaad sida maro u huwataa nuur,
Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda,
Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras,
Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada,
Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
Adigaa dhigay aasaaska dhulka,
Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale,
Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
Canaantaadii ayay ku carareen,
Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka,
Ilaa meeshii aad u samaysay.
Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin,
Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
10 Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo,
Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
11 Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan,
Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
12 Haadda samadu iyagay ag degganaadaan,
Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.
13 Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa,
Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
14 Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo,
Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo,
Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
15 Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa,
Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado,
Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
16 Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay,
Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
17 Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan,
Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.
18 Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda,
Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.
19 Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo,
Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
20 Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada,
Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.
21 Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda,
Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.
22 Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan,
Oo waxay iska seexdaan godadkooda.
23 Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa
Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
24 Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa!
Kulligoodna xigmad baad ku samaysay,
Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
25 Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan,
Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin,
Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
26 Halkaas waxaa ku socda doonniyo,
Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
27 Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan,
Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
28 Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan,
Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
29 Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan,
Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan,
Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
30 Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan,
Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
31 Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba,
Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
32 Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa,
Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
33 Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa,
Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
34 Fikirkaygu isaga ha u macaanaado,
Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
35 Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een,
Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiga ammaana.

Yeremyaah 35

Reerkii Reekaab

35 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad u tagtaa reer Reekaab, oo la hadal, oo guriga Rabbiga qolladihiisa middood geli, waxaanad siisaa khamri ay cabbaan. Markaasaan soo kaxaystay Ya'asanyaah ina Yeremyaah oo ahaa ina Habasinyaah, iyo walaalihiis, iyo wiilashiisii oo dhan, iyo qoyskii reer Reekaab oo dhan, oo gurigii Rabbigana waan keenay, oo waxaan soo geliyey qolladdii ilma Xaanaan kaasoo ahaa ina Yigdalyaah oo ahaa nin Ilaah u go'ay, taasoo ku dhinac tiil qolladdii amiirrada, oo ka sii korraysay qolladdii Macaseeyaah ina Shalluum ee iridjooge ahaa. Markaasaan wiilashii reer Reekaab soo hor dhigay weelal khamri ka buuxo iyo koobab, oo waxaan ku idhi, Khamrigan cabba. Laakiinse waxay yidhaahdeen, Innaba khamri cabbi mayno, waayo, awowgayo Yoonaadaab oo ahaa ina Reekaab ayaa nagu amray oo nagu yidhi, Weligiin idinka iyo wiilashiinnuba waa inaydaan khamri cabbin. Oo innaba guri ha dhisanina, abuurna ha daadinina, oo beercanabna ha beeranina, hana yeelanina, laakiinse cimrigiinna oo dhan waxaad degganaataan teendhooyin si aad wakhti dheer u sii joogtaan dalka aad deggan tihiin. Oo annagu waannu addeecnay codkii awowgayo Yoonaadaab ina Reekaab oo nagu amray inaannan innaba khamri cabbin cimrigayaga oo dhan, annaga, iyo naagahayaga, iyo wiilashayada, iyo gabdhahayaguba, iyo inaannan guryo aan ku degnona innaba dhisan, oo weliba annagu ma aannu lihin beercanab, ama beer kale, amase abuurba, 10 laakiinse teendhooyin baannu ku degganayn, oo waannu addeecnay, waanan wada samaynay sidii awowgayo Yoonaadaab uu nagu amray oo dhan. 11 Laakiinse markii Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu dalka yimid ayaannu isnidhi, Ina keena aynu Yeruusaalem u guurnee, waana cabsida aannu ciidanka reer Kaldayiin, iyo ciidanka reer Suuriya ka cabsannay aawadeed, oo sidaas daraaddeed ayaannu Yeruusaalem ku deggan nahay.

12 Markaasaa eraygii Rabbigu Yeremyaah u yimid, isagoo leh, 13 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag, oo dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, War, tacliin miyeydaan qaadanayn inaad erayadayda maqashaan? 14 Yoonaadaab ina Reekaab erayadiisii uu wiilashiisa ku amray inayan innaba khamri cabbin waa la wada oofiyey, oo ilaa maantadan la joogo iyagu khamrina ma cabbaan, waayo, waxay addeecaan amarkii awowgood, aniguse waan idinla hadlay, anigoo goor wanaagsan idinla hadlaya, laakiinse innaba ima aydaan dhegaysan. 15 Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan. 16 Yoonaadaab ina Reekaab wiilashiisii way wada oofiyeen amarkii awowgood uu iyaga ku amray, laakiinse dadkanu aniga ima ay dhegaysan, 17 sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin. 18 Markaas Yeremyaah wuxuu reer Reekaab ku yidhi, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinku waxaad addeecdeen amarkii awowgiin Yoonaadaab, oo qaynuunnadiisii oo dhanna waad dhawrteen, oo waxaad wada samayseen wixii uu idinku amray oo dhan, 19 haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Yoonaadaab ina Reekaab marnaba weligiis ma waayi doono nin hortayda istaaga.

1 Korintos 12:27-13:3

27 Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah. 28 Ilaah markii hore kiniisadda qaar wuxuu uga dhigay rasuullo, markii labaadna qaar kale nebiyo, markii saddexaadna qaar kale macallimiin, dabadeedna qaar cajaa'ibyo sameeya, qaarna kuwo leh hadiyado wax lagu bogsiiyo, qaarna kaalmeeyayaal, qaarna taliyayaal, iyo qaar afaf kala cayn ah ku hadla. 29 Dhammaan ma wada rasuullo baa? Dhammaan ma wada nebiyo baa? Dhammaan ma wada macallimiin baa? Dhammaan ma wada cajaa'ibyo sameeyayaal baa? 30 Dhammaan ma wada leeyihiin hadiyado wax lagu bogsiiyo? Dhammaan ma ku hadlaan afaf kala cayn ah? Dhammaan wax ma fasiraan? 31 Laakiin aad u doona hadiyadaha u waaweyn.

Oo weliba waxaan idin tusayaa jid kan ka sii wanaagsan.

Jacaylku Waa Hadiyadda U Weyn

13 Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale. Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi. Oo wax kastaan leeyahay haddaan bixiyo oo masaakiinta ku quudiyo, iyo haddaan jidhkayga bixiyo in la gubo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ii tari maayo.

Matayos 9:35-10:4

35 Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:

Masiixu Dadkuu U Naxariistay

36 Laakiin goortuu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo, way dhibaataysnaayeen oo kala firidhsanaayeen sidii ido aan adhijir lahayn. 37 Markaasuu xertiisii ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin. 38 Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.

Ciise Laba Iyo Tobankiisii Rasuul(A)

10 Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.

Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Toomas, iyo Matayos oo cashuurqaadaha ahaa, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo [a]Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya