Book of Common Prayer
QOF.
145 Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab,
Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.
146 Waan kuu qayshaday ee i badbaadi,
Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.
147 Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey,
Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.
148 Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo,
Si aan eraygaaga uga fikiro.
149 Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan,
Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
150 Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan,
Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.
151 Rabbiyow, adigu waad dhow dahay,
Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.
152 Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin
Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.
RESH.
153 Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi,
Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.
154 Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo,
Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
155 Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay,
Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.
156 Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay,
Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
157 Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin,
Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
158 Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday,
Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
159 Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay,
Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
160 Eraygaaga dhammaantiisu waa run,
Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.
SHIN.
161 Amiirraa sababla'aan ii silciyey,
Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.
162 Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa
Sidii mid booli badan helay.
163 Beenta waan necbahay oo waan karahsaday,
Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
164 Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa,
Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
165 Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn,
Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.
166 Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday,
Oo amarradaadiina waan oofiyey.
167 Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga,
Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
168 Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga,
Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.
TAW.
169 Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada,
Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.
170 Baryootankaygu hortaada ha yimaado,
Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.
171 Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen,
Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
172 Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga,
Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
173 Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso,
Waayo, amarradaadaan doortay.
174 Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday,
Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
175 Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa,
Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
176 Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon,
Waayo, amarradaada ma aan illoobo.
Gabayga meelokoridda.
128 Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada,
Oo jidadkiisa ku socda.
2 Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen,
Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.
3 Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala.
Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
4 Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa
Ninka Rabbiga ka cabsadaa.
5 Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa,
Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.
6 Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
Gabayga meelokoridda.
129 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,
2 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Laakiinse igama ay adkaan.
3 Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay,
Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
4 Rabbigu waa xaq,
Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.
5 Inta Siyoon neceb oo dhammu,
Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
6 Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa
Oo engega intaanu korin,
7 Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin,
Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.
8 Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan,
Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato.
Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.
Gabayga meelokoridda.
130 Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.
2 Sayidow, codkayga maqal,
Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon
Codka baryootankayga.
3 Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid,
Bal yaa istaagi doona, Sayidow?
4 Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid,
In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
5 Waxaan sugaa Rabbiga,
Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.
6 Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa
In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa,
Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
7 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis
Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
8 Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa
Dembiyadooda oo dhan.
14 Markaasaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa, iyo Axiiqaam, iyo Cakhboor, iyo Shaafaan, iyo Casaayaah waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tiqwaah oo ahaa ina Xarxas, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii la hadleen, 15 oo waxay ku tidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad ninkii ii soo kiin diray ku tidhaahdaan, 16 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan, 17 maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kululaanaysaa meeshan, mana qaboobi doonto. 18 Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay: 19 Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Rabbiga hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay wixii aan kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, iyo inay iyagu noqon doonaan cidla iyo inkaar, oo waad igu hor ooyday, dharkaagiina waad jeexjeexday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay. 20 Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan meeshan ku soo dejin doono. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.
Yoosiyaah Oo Cusboonaysiiyey Axdigii
23 Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan. 2 Oo boqorkiina wuxuu u kacay gurigii Rabbiga, oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba; oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo gurigii Rabbiga laga dhex helay. 3 Markaasaa boqorkii istaagay tiirka agtiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdigan oo kitaabkan ku qornaa, oo dadkii oo dhammuna axdigii bay aqbaleen oo u istaageen.
Cashadii Rabbiga Oo Xusuusta Ahayd(A)
23 Waayo, Rabbigaan ka helay wixii aan idiin dhiibay, taasoo ah, in Rabbi Ciise habeenkii la gacangeliyey uu kibis qaaday, 24 oo markuu ku mahadnaqay ayuu jejebiyey oo yidhi, Tanu waa jidhkaygii laydiin jejebiyey, tan u sameeya inaad igu xusuusataan. 25 Sidaas oo kalena cashada dabadeed ayuu qaaday koobkii, isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub ee dhiiggayga. Tan u sameeya inaad igu xusuusataan mar alla markaad cabtaan. 26 Waayo, mar alla markaad kibistan cuntaan oo aad koobkan cabtaan, waxaad muujinaysaan dhimashada Rabbiga ilaa uu yimaado.
Waa Inaan Cashada Si Aan Istaahilin Loo Qaadan
27 Taas aawadeed ku alla kii kibista u cuna ama koobka Rabbiga u cabba si aan istaahilin, jidhka iyo dhiigga Rabbigu dushiisay noqon doonaan. 28 Nin kastaa ha is-imtixaamo, oo sidaas kibista wax ha uga cuno, oo koobka ha uga cabbo. 29 Waayo, kii cuna oo cabba, xukun ayuu naftiisa u cunaa oo u cabbaa isagoo aan jidhka garanaynin. 30 Sababtaas aawadeed ayay badidiinnu u itaal daranyihiin, oo u bukaan, oo qaar aan yaraynu u dhinteen. 31 Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen. 32 Markii layna xukumo, Rabbiga ayaa ina edbiya, inaan laynala xukumin dunida. 33 Taa aawadeed, walaalahayow, markaad isugu timaadaan inaad wax cuntaan, isa suga. 34 Nin uun hadduu gaajoodo, gurigiisa wax ha ka soo cuno, inaydnaan xukun isugu iman. Intii kale waxaan hagaajin doonaa markaan imaado.
U Yeedhidda Laawi(A)
9 Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay.
10 Waxaa dhacay, goortii Ciise guriga cunto u fadhiistay, in cashuurqaadayaal iyo dembilayaal badanu yimaadeen, oo ay la fadhiisteen Ciise iyo xertiisa. 11 Goortii Farrisiintu arkeen ayay xertiisii ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu muxuu cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha ula cunaa? 12 Laakiin goortuu maqlay, wuxuu yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan. 13 Laakiin taga oo barta hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, waayo uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaasha u yeedho ayaan u imid.
Wax Soonka Ku Saabsan(B)
14 Markaas waxaa u timid xertii Yooxanaa iyagoo leh, Annaga iyo Farrisiintu maxaannu dhaaxa u soonnaa, laakiin xertaadu ay u soomi weydaa? 15 Markaasaa Ciise ku yidhi, Dadka aroosku ma barooran karaan intuu aroosku la joogo? Laakiin waxaa iman doona maalmaha arooska laga qaadi doono, markaasay soomi doonaan. 16 Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah, waayo, tan lagu buuxin lahaa ayaa dharka ka go'da, oo jeexdintu waa ka sii xumaataa. 17 Khamri cusubna laguma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale qarbeddada ayaa qarxaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamri cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub, labaduba waa sii raagayaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya