Readings for Celebrating Advent
Kanu waa sabuur mahadnaqid ah.
100 Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.
2 Rabbiga farxad ugu adeega,
Oo hortiisa gabay la kaalaya.
3 Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay,
Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii,
Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.
4 Irdihiisa mahadnaqid la gala,
Barxadihiisana ammaan.
Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.
5 Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa,
Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.
20 Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn. 21 Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa. 22 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya