Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
65 Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa,
Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo.
2 Kaaga baryootanka maqlow,
Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.
3 Waxaa iga adkaada xumaatooyin,
Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.
4 Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado,
Inuu degganaado barxadahaaga.
Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga,
Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
5 Ilaaha badbaadadayadow,
Waxyaalo cabsi badan ayaad xaqnimo noogu jawaabi doontaa,
Waxaad tahay kalsoonida kuwa dunida darfaheeda oo dhan,
Iyo kuwa badda fogba,
6 Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya,
Isagoo dhexda xoog ku xidhay.
7 Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda,
Iyo dadyowga buuqooda.
8 Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga,
Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.
9 Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa,
Oo aad baad u barwaaqaysaa,
Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa,
Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
10 Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa,
Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda,
Oo tiixtiix baad ku jilcisaa,
Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.
11 Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga,
Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.
12 Waxay ku tifqaan daaqa cidlada,
Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.
13 Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah,
Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh,
Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan.
YOO'EEL
1 Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Yoo'eel ina Fetuu'eel.
Weerarkii Ayaxa
2 Odayaashow, kan maqla, oo dadka dalka degganow, dhammaantiin dhegta u dhiga. War tanu ma waxay dhacday wakhtigiinnii mase wakhtigii awowayaashiin? 3 Haddaba idinku carruurtiinna u sheega, oo carruurtiinnuna carruurtooda ha u sii sheegeen, oo carruurtooduna qarni kale ha u sii sheegeen. 4 Wixii koronkorrada ka hadhay ayax baa cunay, oo wixii ayaxa ka hadhayna laddaa baa cunay, oo wixii laddaaga ka hadhayna diir baa cuntay. 5 Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay. 6 Waayo, dalkaygii waxaa ku soo kacay quruun xoog badan oo aan tiro lahayn, oo ilkahoodu waa sida ilko libaax oo kale, oo waxay leeyihiin miciyo gool libaax oo kale. 7 Geedahaygii canabka ahaa way baabbi'iyeen, oo dhirtaydii berdaha ahaydna way diirteen, wayna mudhxiyeen oo kala tuurtuureen, oo laamahoodiina waa qayax cad. 8 Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay. 9 Qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinku waa ka go'een gurigii Rabbiga, oo wadaaddada ah Rabbiga midiidinnadiisa way barooranayaan. 10 Beertii way ba'day oo dhulkii wuu barooranayaa, waayo, hadhuudhkii wuu baabba'ay, oo khamrigii cusbaana waa engegay, oo saliiddiina way cidlaanaysaa. 11 Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een. 12 Canabkii wuu engegay, oo berdihiina wuu dhaday, oo geedkii rummaanka, iyo geedkii timirta, iyo geedkii tufaaxa, iyo xataa dhirtii berrinka ku tiil oo dhammu way wada engegeen, oo farxaddiina way ka dhammaatay binu-aadmiga.
Toobadkeenid Ayaa Loogu Yeeray
13 Kuwiinna wadaaddada ahow, joonyado guntada oo ooya, oo kuwiinna meesha allabariga ka adeegow, baroorta. Ilaahayga midiidinnadiisow, kaalaya oo habeenka oo dhan joonyado ku jiifa, waayo, qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinkaba waa laga joojiyey gurigii Ilaahiinna. 14 Haddaba soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa, oo soo wada ururiya odayaasha iyo dadka dalka deggan oo dhan, oo waxaad isugu keentaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah, oo markaas Rabbiga u qayshada. 15 Waxaa hoogtay maalintaas! Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay, oo waxay u imanaysaa sida halligaad ka timid xagga Ilaaha Qaadirka ah. 16 War cuntadii sow kama go'in indhahayaga hortooda, farxaddii iyo rayrayntiina sow kama baabbi'in gurigii Ilaahayaga? 17 Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay. 18 Xayawaanku aad iyo aad bay u cabaadaan, oo sofyada lo'da ahu waxay la welwelsan yihiin daaqla'aan, oo xataa xeryaha idaha ahu waa dhibaataysan yihiin. 19 Rabbiyow, adigaan kuu qayshanayaa, waayo, dab baa laastay daaqii cidlada, oo dhirtii duurka ku tiilna olol baa wada gubay. 20 Haddaba xayawaankii duurku biyahay kaa doonayaan, waayo, durdurradii biyuhu way engegeen, oo daaqii cidladana dab baa laastay.
Maalmaha Ugu Dambeeya
3 Bal tan ogow, maalmaha ugu dambeeya waxaa iman doona wakhtiyo dhib badan. 2 Maxaa yeelay, dadku waxay ahaan doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo caytan badan, iyo kuwo waalidkood caasi ku ah, iyo kuwo aan mahadnaqin, iyo kuwo aan quduus ahayn, 3 iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn, 4 iyo kuwo gacangeliyayaal ah, iyo kuwo haad ah, iyo kuwo isla weyn, iyo kuwa raaxaysi jecel intii ay Ilaah jeclaan lahaayeen. 5 Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo. 6 Waayo, kuwaas waxaa ka mid ah kuwa guryaha gala, oo ambiya naagaha caqliga la' oo dembiyadu ku raran yihiin, oo damacyada kala duduwanu ay la tageen, 7 oo weligood wax baranaya, laakiinse aan marnaba awoodin inay runta gartaan. 8 Siday Yannees iyo Yambarees isu hor taageen Muuse, saas oo kalay kuwanuna runta isu hor taagaan; waana niman maankoodu kharribmay oo xagga iimaankana laga nacay. 9 Laakiinse hore uma socon doonaan, waayo, nacasnimadoodu bayaan bay dadka oo dhan u noqon doontaa sidii ay kuwaas toodiiba u noqotay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya