Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 45:1-2

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, waana gabay jacayl ku saabsan oo lagu luuqeeyo Shoshanniim.

45 Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan,
Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey,
Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga,
Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco,
Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.

Sabuurradii 45:6-9

Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis,
Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd,
Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay
Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica.
Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada,
Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.

Gabaygii Sulaymaan 1

GABAYGII SULAYMAAN

Kanu waa gabaygii gabayada ee Sulaymaan.

Gacalisada Hadlaysaa

Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa;
Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.
Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay,
Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay,
Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.
I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye.
Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.

Saaxiibadaha Hadlayaa

Annagu waannu kugu farxi doonnaa, oo waannu kugu rayrayn doonnaa,
Oo jacaylkaagana waxaannu u sii xusuusan doonnaa in khamri ka sii badan.

Gacalisada Hadlaysaa

Si qumman ayay kuu jecel yihiin.
Gabdhaha reer Yeruusaalemow,
Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay
Sida teendhooyinkii reer Qedaar
Iyo sida daahyadii Sulaymaan.
Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis.
Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday,
Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah,
Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn.
Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg
Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid;
Waayo, bal maxaan u ahaanayaa
Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?

Saxiibadaha Hadlayaa

Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon,
Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa,
Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada.

Gacaliyaha Hadlayaa

Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay
Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.
10 Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan,
Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.
11 Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ah
Oo lacag laga taagay.

Gacalisada Hadlaysaa

12 Inta boqorku miiskiisii fadhiyey,
Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday.
13 Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah
Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.
14 Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah
Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.

Gacaliyaha Hadlayaa

15 Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay,
Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale.

Gacalisada Hadlaysaa

16 Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay,
Oo weliba sariirteennuna waa cagaar.

Gacaliyaha Hadlayaa

17 Alwaaxda gurigeennu waa qoryo kedar ah,
Oo saqafkeennuna waa qoryo beroosh ah.

Yacquub 1:1-8

WARQADDII
YACQUUB

Rumaysadka Iyo Is-hoosaysiinta

Yacquub, oo ah addoonkii Ilaah iyo Rabbi Ciise Masiix, wuxuu salaan gaadhsiinayaa laba iyo tobanka qolo oo kala firidhsan.

Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada, idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento. Oo dulqaadashadu ha dhammayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.

Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye. Laakiin rumaysad ha ku baryo, isagoo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto. Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono. Labaqalbiiluhu wuu ka rogrogmadaa socodkiisa oo dhan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya