Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 96

96 Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.
Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana,
Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega,
Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano.
Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo,
Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin,
Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.
Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana,
Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay,
Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.
Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,
Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.
10 Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya,
Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin,
Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.
11 Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo,
Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,
12 Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,
Oo markaasay dhirta duurka oo dhammu Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed,
13 Waayo, isagu waa imanayaa,
Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo.
Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo,
Dadyowgana runtiisa.

Sefanyaah 3:14-20

14 Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree. 15 Rabbigu wuxuu qaaday xukummadaadii, oo cadowgaagiina wuu tuuray. Boqorkii reer binu Israa'iil oo Rabbiga ah ayaa dhexdaada jooga, oo mar dambe shar ka baqi maysid. 16 Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu odhan doonaa, Ha cabsan, Siyoonay, yaan gacmahaagu debcin. 17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa. 18 Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd. 19 Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac. 20 Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.

Rooma 13:11-14

Maalintii Masiixu Waa Soo Dhowaanaysaa

11 Oo weliba waad garanaysaan wakhtiga inay haatan tahay saacaddii aad hurdada ka toosi lahaydeen, waayo, haatan ay badbaadintu inooga dhow dahay markii horoo aan rumaysannay. 12 Habeenkii hore buu u batay, maalintiina waa soo dhowaatay, sidaas daraaddeed aan iska dhigno shuqullada gudcurka oo aan qaadanno hubka iftiinka. 13 Sida iyadoo maalin ah aynu si qumman u soconno, yeynan ku socon rabshad iyo sakhraannimo, yeynan ku socon galmo iyo dhillanimo, yeynan ku socon ilaaq iyo hinaaso. 14 Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya