Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 33:1-12

33 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya,
Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.
Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad,
Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
Gabay cusub isaga ugu gabya,
Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.
Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay,
Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.
Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad,
Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa,
Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.
Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale,
Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.
Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen,
Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.
Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay,
Oo wuu amray, wayna adkaatay.
10 Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa,
Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.
11 Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa,
Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
12 Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay,
Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.

Bilowgii 15:1-20

Axdigii Ilaah La Dhigtay Aabraam

15 Waxyaalahaas ka dib ereygii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin: anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa. Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla'aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq. Oo Aabraam wuxuu yidhi, Bal eeg, aniga ima aad siin farcan: oo mid gurigayga ku dhashay baa i dhaxlaya. Oo bal eeg, ereygii Rabbigaa u yimid, isagoo leh, Ninkanu kuma dhaxli doono: laakiinse waxaa ku dhaxli doona wiil aad dhali doontid. Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa. Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo. Oo wuxuu ku yidhi isaga, Anigu waxaan ahay Rabbiga kaaga soo kaxeeyey Uur tii reer Kaldayiin, inaan ku siiyo dalkan si aad u dhaxashid. Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaan ku ogaadaa inaan dhaxli doono? Oo wuxuu ku yidhi, Ii kaxee qaalin lo' ah oo saddex jir ah, iyo ceesaan saddex jir ah, iyo wan saddex jir ah, iyo qoolley, iyo xamaam yar. 10 Oo wuu u kaxeeyey kuwaas oo dhan, oo badhtankuu ka kala wada gooyay, oo badh kastaba kan kaluu hor dhigay: laakiinse shimbirrihii ma uu kala gooyn. 11 Haad baana hilibkii ku soo degtay, laakiinse Aabraam baa ka eryay. 12 Oo kolkii qorraxdu sii dhacaysay, ayaa hurdo aad u weynu Aabraam ku soo dhacday; oo bal eeg, cabsi gudcur weyn leh baa ku soo degtay. 13 Markaasuu wuxuu ku yidhi Aabraam, Ogow in hubaal farcankaagu ay dad qalaad ku ahaan doonaan dal aan kooda ahayn, oo ay u adeegi doonaan, oo afar boqol oo sannadood waa la dhibi doonaa; 14 oo weliba quruuntaas ay u adeegi doonaan, xukun baan ku ridi doonaa; oo dabadeedna way ka soo bixi doonaan iyagoo xoolo badan wata. 15 Laakiinse adigu nabad baad ugu tegi doontaa awowayaashaa, oo waxaa lagu xabaali doonaa adigoo cimri dheer gaadhay. 16 Oo iyagu qarniga afraad halkan bay ku soo noqon doonaan: waayo, dembigii reer Amor weli ma dhamma. 17 Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii. 18 Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad: 19 reer Qeyn, iyo reer Qenas, iyo reer Qadmon, 20 iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Refaa'iim,

Matayos 9:27-34

Laba Nin Oo Indha La'

27 Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala, iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa'uudow, noo naxariiso. 28 Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la'aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow. 29 Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto. 30 Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan. 31 Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.

Nin Carrab La' Oo Jinni Qaba

32 Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin Carrabla oo jinni qaba. 33 Oo goortii jinnigii la saaray, ninkii carrabka la'aa waa hadlay, dadkii badnaana way yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Sidaas oo kale Israa'iil weligeed laguma arag. 34 Laakiin Farrisiintii waxay yidhaahdeen, Wuxuu jinniyada ku eryaa madaxda jinniyada.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya