Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey maalinta Sabtida.
92 Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo,
Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
2 Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo,
Habeen kastana aaminnimadaada,
3 Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda,
Iyo dhawaaqa kataaradda.
4 Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii,
Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
12 Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed,
Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
13 Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray
Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
14 Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay,
Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
15 Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay,
Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.
13 Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis,
Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.
2 Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa,
Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.
3 Kii afkiisa dhawraa wuxuu dhawraa naftiisa,
Laakiinse kii bushimihiisa aad u kala qaadaa wuu baabbi'i doonaa.
4 Kii caajis ah naftiisu wax bay damacdaa, mana hesho,
Laakiinse nafta kii dadaala waa la barwaaqaysiin doonaa.
5 Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay,
Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.
6 Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa,
Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.
7 Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan,
Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.
8 Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa,
Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.
9 Iftiinka kuwa xaqa ahu weligii wuu reyreeyaa,
Laakiinse laambadda kuwa sharka leh waa la bakhtiin doonaa.
10 Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada,
Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.
11 Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa,
Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.
12 Rajadii raagtaa qalbigay bukaysiisaa,
Laakiinse markii wixii la doonayay la helo waa geed nololeed.
Dhimashada Waa Laga Helay Aadan, Noloshana Ciise Masiix
12 Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay; 13 waayo, dembigu duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin. 14 Habase ahaatee waagii Aadan ilaa Muuse dhimashadu waxay u talisay xataa kuwii aan u dembaabin sidii xadgudubkii Aadan kan ah masaalka kan iman lahaa. 15 Hadiyaddu ma aha sida dembiga, waayo, haddii nin keliya dembigiis kuwa badanu u dhinteen, de in ka sii badan waxaa kuwa badan u badatay nimcada Ilaah iyo hadiyadda nin nimcadiis ku timid, kan ah Ciise Masiix. 16 Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan. 17 Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix. 18 Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan. 19 Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa. 20 Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad; 21 in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.
Masiix Lammidnimadiisu Ma Raaci Karto Dembiga
6 Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Miyaynu ku sii soconnaa dembiga inay nimcadu badato? 2 Yaanay noqon! Innagoo dembiga kala dhimannay, sidee baynu mar dambe ugu dhex noolaannaa?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya