Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 69:1-3

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim.

69 Ilaahow, i badbaadi,
Waayo, biyaa naftii ii keenay.
Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago,
Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.
Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay,
Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.

Sabuurradii 69:13-16

13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow,
Ilaahow, naxariistaada badan
Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
14 Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban,
Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.
15 Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin,
Oo yaan moolku i liqin,
Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
16 Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay,
Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.

Sabuurradii 69:30-36

30 Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa,
Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.
31 Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi,
Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.
32 Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin,
Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.
33 Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan,
Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.
34 Samada, iyo dhulka, iyo badaha,
Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.
35 Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa,
Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.
36 Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa,
Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.

Bilowgii 4:17-5:5

17 Qaabiilna naagtiisuu u tegey; wayna uuraysatay, oo waxay dhashay Enoog. Wuxuuna dhisay magaalo, oo magaaladiina wuxuu ku magacaabay magicii wiilkiisii Enoog. 18 Enoogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg. 19 Lamegna wuxuu guursaday laba naagood; mid magaceedu wuxuu ahaa Caadah, tan kalena magaceedu wuxuu ahaa Sillah. 20 Caadahna waxay dhashay Yaabaal: isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa teendhooyinka deggan oo xoolaha leh. 21 Magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yuubaal; isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa kataaradda iyo biibiilaha garaaca. 22 Sillahna waxay dhashay Tuubalqayin oo ahaa mid tumi jiray alaabtii naxaasta iyo birta ahayd oo dhan; Tuubalqayin walaashiisna waxay ahayd Nacmah. 23 Lamegna wuxuu naagihiisii ku yidhi:

Caadah iyo Sillahay, codkayga maqla;
Lameg naagihiisow, hadalkayga dhegaysta;
Nin baan u dilay dhaawicid uu i dhaawacay aawadeed,
Iyo nin dhallinyar dhufashadii uu wax igu dhuftay aawadeed.
24 Haddii Qaabiil toddoba labanlaab looga aargudan lahaa,
Runtii Lameg waa in toddoba iyo toddobaatan labanlaab looga aar gutaa.

25 Aadanna naagtiisii mar kale ayuu u tegey; waxayna dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Seed, iyadoo leh, Ilaah abuur kaluu ii soo dhigay Haabiil meeshiisii; waayo, Qaabiil baa dilay isagii. 26 Seedna waxaa u dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Enoos; markaasaa dadkii waxay bilaabeen inay Rabbiga ku baryaan magiciisa.

Qarniyadii Aadan Ilaa Nuux

Kanu waa buuggii farcankii Aadan. Maalintii Ilaah ninkii abuuray, ekaanta Ilaah buu ka sameeyey isagii; wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray. Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed. Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

Rooma 3:9-22

Dadku Way Wada Dembaabeen

Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan. 10 Sida qoran,

Mid xaq ahu ma jiro, midnaba;
11 Mid wax garanayaa ma jiro;
Mid Ilaah doondoonaa ma jiro;
12 Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, waxay wada noqdeen wax aan wax tar lahayn;
Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba;
13 Hungurigoodu waa xabaal furan;
Carrabbadooda wax bay ku khiyaaneeyeen;
Bushimahooda waxaa ku hoos jira sun jilbis;
14 Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh;
15 Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan;
16 Jidadkooda waxaa yaal hoog iyo ba';
17 Jidka nabaddana ma yaqaaniin;
18 Cabsida Ilaahna indhahooda ma hor taal.

19 Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, uu ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato. 20 Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.

Xaqnimada Waxaa Lagu Helaa Rumaysadka Xagga Ciise Masiix

21 Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii, 22 waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya