Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 63:1-8

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu joogay cidlada reer Yahuudah.

63 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa,
Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa,
Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed,
Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol,
Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay,
Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo,
Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto
Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad,
Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
Naftaydu adigay ku raacdaa,
Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)

Daanyeel 3:19-30

19 Markaasaa Nebukadnesar aad ugu cadhooday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, wejigiisiina waa beddelmay; kolkaasuu hadlay oo wuxuu ku amray in foornada laga sii kululeeyo toddoba jeer intii hore loo kululayn jiray. 20 Oo wuxuu ku amray niman xoog badan oo ciidankiisa ku jiray inay xidhxidhaan Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo ay ku dhex tuuraan foornada dabka ah oo ololaysa. 21 Markaasaa nimankii la xidhxidhay iyagoo qaba sirwaalladoodii, iyo khamiisyadoodii, iyo go'yaashoodii, iyo dharkoodii kaleba, oo waxaa lagu dhex tuuray foornadii dabka ahayd oo ololaysay. 22 Boqorka amarkiisu wuxuu ahaa degdeg, foornaduna aad iyo aad bay u kululayd, sidaas daraaddeed ololkii dabku wuxuu dilay nimankii waday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. 23 Saddexdii nin ee ahaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoona waxay iyagoo xidhxidhan ku dhex dheceen foornadii dabka ahayd oo ololaysay. 24 Markaasaa Boqor Nebukadnesar yaabay, oo haddiiba kacay; oo intuu hadlay ayuu ku yidhi waaniyayaashiisii, Miyaynan saddex nin oo xidhxidhan dabka ku dhex ridin? Markaasay u jawaabeen oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Taasu waa run, Boqorow. 25 Kolkaasuu jawaabay oo yidhi, Bal eega, waxaan arkaa afar nin oo furan, oo dabka ku dhex socda, ee aan waxyeello gaadhin; oo midka afraad soojeedkiisu wuxuu u eg yahay mid ka mid ah wiilasha ilaahyada. 26 Markaasaa Nebukadnesar wuxuu ag yimid foornadii dabka ahayd oo ololaysay afkeedii, oo intuu hadlay buu yidhi, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ilaaha ugu Sarreeya addoommadiisow, soo baxa, oo halkan kaalaya. Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo dabkii ka soo dhex bexeen. 27 Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo boqorka waaniyayaashiisii, iyagoo isku urursan, waxay arkeen inaanu dabku ka adkaan nimankaas jidhkooda, ama aanu timahoodiina halow marin, ama aan sirwaalladoodii beddelmin, ama aan dadka urtiisii gaadhin. 28 Markaasaa Nebukadnesar hadlay oo wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo u soo diray malaa'igtiisa, oo badbaadiyey addoommadiisa isaga isku halleeyey, oo beddelay hadalkii boqorka, oo jidhkooda bixiyey, inayan u adeegin, ama u sujuudin ilaah kale Ilaahooda mooyaane. 29 Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixinayaa in dad kasta, iyo quruun kasta, iyo kuwa kasta oo kala af ah, oo wax xun kaga hadla Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, la googooyn doono, guryahoodana laga dhigi doono meel digo lagu tuulo, maxaa yeelay, ma jiro ilaah kale oo sidaas wax u badbaadin karaa. 30 Markaasaa boqorkii Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo derejo sare ku siiyey gobolkii Baabuloon.

Muujintii 2:8-11

Warqaddii Kiniisadda Simurna Loo Diray

Kiniisadda Simurna ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;

Kan ugu horreeyey oo ugu dambeeya, oo dhintay, oo soo noolaaday, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan, Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shayddaanka. 10 Ha ka cabsan waxyaalaha aad dhowaan ku xanuunsan doontid. Bal eega, in laydin tijaabiyo aawadeed, Ibliisku qaarkiin buu dhowaan xabsi ku ridi doonaa, oo idinku intii toban maalmood ah waxaad heli doontaan dhibaato. Ilaa dhimashada aamin ahow, anna waxaan ku siin doonaa taajka nolosha. 11 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta dhimashada labaad waxba yeeli mayso.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya