Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 99

99 Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen,
Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.
Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay,
Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.
Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado,
Isagu waa quduus.
Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid,
Caddaalad baad adkaysaa,
Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,
Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda,
Isagu waa quduus.
Muuse iyo Haaruun waxay ka mid ahaayeen wadaaddadiisa,
Samuu'eelna wuxuu ka mid ahaa kuwa magiciisa u yeedha,
Iyagu waxay baryeen Rabbiga, oo isna wuu u jawaabay.
Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa,
Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.
Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay,
Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey,
In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay.
Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,
Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah,
Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.

Sharciga Kunoqoshadiisa 9:6-14

Haddaba ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan wanaagsan idiin siinayn inaad hantidaan xaqnimadiinna aawadeed, waayo, waxaad tihiin dad madax adag.

Weyshii Dahabka Ahayd

Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen. Oo weliba markaad Xoreeb joogteenna Rabbiga waad ka xanaajiseen, markaasaa Rabbigu idiin cadhooday oo wuxuu damcay inuu idin baabbi'iyo. Oo markaan buurta fuulay inaan soo helo looxyadii dhagaxa ahaa, kuwaasoo ahaa looxyadii uu ku qornaa axdigii Rabbigu idinla dhigtay, markaasaan buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo intaasna baadna ma cunin biyana ma cabbin. 10 Markaasaa Rabbigu wuxuu ii soo dhiibay labadii loox oo dhagaxa ahayd oo lagu qoray fartii Ilaah, oo waxaa ku qornaa kulli erayadii uu Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga. 11 Afartan maalmood iyo afartan habeen ka dib ayaa Rabbigu i soo siiyey labadii loox oo dhagaxa ahayd, kuwaasoo ahaa looxyadii axdiga. 12 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Kac oo halkan dhaqso uga deg, waayo, dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisay way iskharribeen, oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen sanam la shubay. 13 Oo weliba waxaa kaloo Rabbigu igula hadlay oo igu yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo bal eeg waa dad madax adag, 14 haddaba iska kay daa, aan baabbi'iyee, oo aan magacooda samada hoosteeda ka tiree, oo waxaan adiga kaa dhigi doonaa quruun iyaga ka xoog badan oo ka sii weyn.

Falimaha Rasuullada 10:1-8

Butros Iyo Korneeliyos

10 Haddaba waxaa Kaysariya joogay nin la odhan jiray Korneeliyos, oo taliye u ahaa boqol askari oo la odhan jiray Ciidankii Talyaaniga. Ninkaasu nin cibaadaysan buu ahaa, oo Ilaah buuna ka cabsan jiray, isaga iyo gurigiisuba, dadkana sadaqooyin badan buu siin jiray, oo had iyo goorna Ilaah buu baryi jiray. Abbaaraha sagaalka saacadood oo maalmeed wuxuu riyo bayaan ugu arkay malaa'igtii Ilaah oo u soo gelaysa oo ku leh isaga, Korneeliyosow. Markaasuu aad u fiiriyey isagoo cabsanaya oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay, Rabbiyow? Markaasay ku tidhi, Baryooyinkaaga iyo sadaqooyinkaaga waxay Ilaah hortiisa u baxeen xusuus. Haddaba waxaad niman u dirtaa Yaafaa inay u soo yeedhaan Simoon kan la yidhaahdo Butros. Wuxuu marti u yahay nin Simoon la yidhaahdo oo megdeeye ah oo gurigiisu ku yaal badda dhinaceeda. Oo kolkii malaa'igtii isaga la hadashay ka tagtay, wuxuu u yeedhay laba midiidin iyo askari cibaadaysan oo ka mid ah kuwa had iyo goorba u adeegi jiray; oo markuu wax walba u sheegay, ayuu wuxuu u diray Yaafaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya