Revised Common Lectionary (Complementary)
7 Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa,
Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan,
Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
9 Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa,
Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
10 Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah,
Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
11 Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay,
Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
12 Bal yaa qaladdadiisa garan kara?
Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
13 Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro,
Oo yaanay ii talin,
Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa,
Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
14 Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow,
Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.
Meeshii Allabariga Ee Buur Ceebaal
27 Markaasaa Muuse iyo odayaashii reer binu Israa'iil waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan wada xajiya. 2 Oo maalintii aad Webi Urdun uga gudubtaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaad dhagaxyo waaweyn qotomisaan oo aad nuurad ku malaastaan, 3 oo waxaad ku qortaan erayada sharcigan oo dhan markaad gudubtaan inaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sidii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin uu idiin ballanqaaday. 4 Oo markaad Webi Urdun ka gudubtaan, waa inaad Buur Ceebaal ku qotomisaan dhagaxyada aan maanta idinkaga amrayo, oo iyaga waa inaad nuurad ku malaastaan. 5 Oo halkaas waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah meel allabari uga dhistaan, ha ahaato meel allabari oo dhagax ah, oo dhagaxyadeeda waa inaydaan alaab bir ah u qaadan. 6 Oo Rabbiga Ilaahiinna ah meeshiisa allabariga waa inaad ku dhistaan dhagaxyo aan la qorin, oo meeshaas dusheeda waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu bixisaan qurbaanno la gubo. 7 Oo waa inaad qurbaanno nabaadiino sadqaysaan, oo aad halkaas ku cuntaan, oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku faraxdaan. 8 Oo waa inaad dhagaxyada si bayaan ah ugu qortaan sharcigan erayadiisa oo dhan.
Inkaarihii Buur Ceebaal
9 Markaasaa Muuse iyo wadaaddadii reer Laawi waxay la hadleen reer binu Israa'iil, oo waxay ku yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, aamusa oo dhegaysta. Maanta waxaad noqoteen dadkii Rabbiga Ilaahiinna ah. 10 Haddaba waa inaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo.
Wixii Laga Bartay Cusbo Iyo Laambad(A)
13 Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee. 14 Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto. 15 Ilays looma shido in la hoos geliyo weel, laakiin waxaa la saaraa meeshii ilayska, oo wuu u iftiimaa kuwa guriga ku jira oo dhan. 16 Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.
Sharcigii Hore Iyo Sharciga Ciise
17 Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi'iyo; uma aan iman inaan baabbi'iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo 18 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan. 19 Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada. 20 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya