Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
131 Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana,
Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn,
Ama waxyaalihii igu yaab badan.
2 Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey,
Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga,
Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
3 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.
10 Kolkaasaa Nebi Xananyaah harqoodkii qoortii Nebi Yeremyaah ka qaaday oo uu kala jebiyey. 11 Markaasaa Xananyaah dadkii oo dhan hortiisa ku hadlay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale intaanay laba sannadood dhammaan ayaan quruumaha oo dhan uga jebin doonaa harqoodka Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon. Kolkaasaa Nebi Yeremyaah iska tegey.
12 Oo markii Nebi Xananyaah uu harqoodkii ka jebiyey qoortii Nebi Yeremyaah dabadeed ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Yeremyaah, isagoo leh, 13 Tag, oo waxaad Xananyaah ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Adigu waxaad jebisay harqoodkii qoriga ahaa, laakiinse waxaad meeshiisa ka yeelan doontaa harqood bir ah. 14 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Quruumahan oo dhan waxaan qoortooda kor saaray harqood bir ah, si ay ugu adeegaan boqorka Baabuloon oo ah Nebukadnesar, oo iyana way u adeegi doonaan, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey. 15 Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu Nebi Xananyaah ku yidhi, Xananyaahow, bal haatan i maqal. Rabbigu kuma soo dirin, laakiinse waxaad dadkan ka dhigaysaa inay been isku halleeyaan. 16 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu waan kaa fogayn doonaa dhulka korkiisa, oo isla sannaddan ayaad dhiman doontaa, maxaa yeelay, waxaad ku hadashay caasinimo Rabbiga ka gees ah. 17 Sidaas daraaddeed Nebi Xananyaah isla sannaddaas bisheedii toddobaad ayuu dhintay.
Murammadii Laga Jawaabay
3 Haddaba maxay Yuhuuddu dadka kale dhaantaa? Ama gudniinta waxtarkeedu waa maxay? 2 Si walba wuu u badan yahay; marka hore waxaa Yuhuudda lagu ammaaneeyey hadallada Ilaah. 3 Haddaba, maxaa jira, haddii qaar aanay rumaysad lahayn? Rumaysaddarradoodu miyey Ilaah aaminnimadiisa burin doontaa? 4 Ma suurtowdo! Ilaah runlow ha ahaado in kastoo nin waluba beenlow yahay, sida qoran,
In xaq lagaaga dhigo hadalladaada,
Oo aad libaantid markii lagu xukumo.
5 Laakiin haddii xaqnimola'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daranyahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.) 6 Ma suurtowdo! Hadduu xaq daranyahay, sidee baa Ilaah dunida u xukumi doonaa? 7 Runta Ilaah hadday beentayda ugu badatay ammaantiisa, de maxaa aniga haddana weli la iigu xukumaa sida mid dembi leh? 8 Maxaannu u odhan weynaa, Shar aan samayno in wanaag yimaado? sida lanoo hafro oo ay qaar naga sheegaan sidii annagoo nidhaahna. Xukunka ay kuwaasu helaan waa xaq.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya