Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda oo Sulaymaan tiriyey.
127 Haddaan Rabbigu guriga dhisin,
Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan,
Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin,
Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa.
2 Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan,
Oo aad kibista dhibka cuntaan,
Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.
3 Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo.
Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.
4 Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis,
Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.
5 Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga,
Iyagu ma ay ceeboobi doonaan
Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.
12 Haddaba wakhtiga dhallinyaranimadaada Abuurahaaga xusuuso intaan maalmaha xumu kuu iman, ama ayan kuu soo dhowaan sannadaha aad odhan doonto, Sannadahan kuma istareexo, 2 iyo intaan qorraxda, iyo iftiinka, iyo dayaxa, iyo xiddiguhuba ay wada madoobaan, ama intaan daruuruhu roobka ka daba noqon, 3 iyo inta kuwa guriga dhawraa ay gariiraan, oo nimanka xoogga badanuna ay soo gotaan, oo kuwa wax shiidaana ay tiradooda yar aawadeed shuqulka u joojiyaan, oo kuwa daaqadaha wax ka fiiriyaana ay madoobaadaan, 4 iyo inta albaabbada jidadka lagu xidho, iyo inta sanqadha shiididdu ay gaaban tahay, oo shimbirta cideeda lagu tooso, oo gabdhaha muusikaduna ay wada taag darnaadaan. 5 Waxa sarreeya ayay ka baqi doonaan, oo jidadka dhexdoodana waxyaalo cabsi ah ayaa jiri doona, oo geedka yicibtu waa ubxin doonaa, oo koronkorraduna way isculaysin doonaan, oo damacuna wuu baabbi'i doonaa, maxaa yeelay, binu-aadmigu wuxuu tagaa hoygiisa daa'imka ah, oo kuwa baroortaana jidadkay warwareegaan. 6 Abuurahaaga xusuuso intaan xadhigga lacagta ahu kala go'in, ama aan maddiibadda dahabka ahu kala jabin, ama aan jalxaddu isha biyeed agteeda ku burburin, ama aan giraangirta ceelku jabin, 7 iyo intaan ciiddu dhulka ku noqon siday horeba ahayd, oo ruuxuna ku noqon Ilaahii horeba siiyey. 8 Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.
13 Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wada maqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo, taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon. 14 Waayo, Ilaah wuu xukumi doonaa shuqul kasta, iyo wax kasta oo qarsoon, ha fiicnaadeen ama ha xumaadeene.
Welwelka, Iyo Aamminaadda Ilaah La Aamino(A)
22 Markaasuu xertiisii ku yidhi, Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, jidhkiinnana waxaad huwin doontaan. 23 Waayo, naftu waa ka roon tahay cuntada, jidhkuna waa ka roon yahay dharka. 24 Tukayaasha fiiriya, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, mana haystaan maqsin ama meel ay wax ku urursadaan, oo Ilaah baa cunto siiya. Intee baad ka roon tihiin shimbirraha! 25 Midkiinee intuu welwelo, dhererkiisa dhudhun ku dari kara? 26 Haddaba haddii aanad samayn karin xataa waxa u yar, maxaad ugu welweshaan intii kale? 27 Fiiriya ubaxyada, siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtiga ammaantiisii oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood. 28 Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysad yarayaalow? 29 Ha doondoonina waxaad cuntaan iyo waxaad cabtaan, oo ha shakiyina, 30 waayo, quruumaha dunidu waxaas oo dhan ayay doondoonaan; laakiin Aabbihiin waa og yahay inaad waxaas u baahan tihiin. 31 Laakiin doondoona boqortooyadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydiinku dari doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya