Revised Common Lectionary (Complementary)
8 Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad,
Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
9 Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay,
Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
10 Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
11 Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada,
Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
12 Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn,
Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
13 Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah,
Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
14 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan,
Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
Laambadda Dahabka Ah Iyo Labada Geed Ee Saytuunka Ah
4 Oo haddana malaggii ila hadlay ayaa i toosiyey, sidii nin hurdo laga soo toosiyey. 2 Oo wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa oo u jeedaa laambad wada dahab ah, oo maddiibaddeedana iyaday kor sarantahay, oo toddobadeeda laambadood ee yaryarna way kor yaalliin, oo waxaa jira toddobada tuubbo oo ku socota laambad yar oo kasta oo ku kor taal. 3 Oo agteedana waxaa ku yaal laba geed oo saytuun ah, oo mid wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda midig, oo kan kalena wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda bidix. 4 Oo anna waan jawaabay oo la hadlay malaggii ila hadlay oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu? 5 Markaasaa malaggii ila hadlay jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow. 6 Markaasuu jawaabay oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu u soo diray Serubaabel, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Itaal kuma aha, xoogna kuma aha, laakiinse waxay ku tahay ruuxayga. 7 Buurtan weynay, kumaad tahay? Serubaabel hortiisa waxaad ku noqon doontaa bannaan. Oo isna wuxuu soo bixin doonaa dhagaxa madaxa ah isagoo dhawaaqaya oo leh, Ammaan ha u ahaato, ammaan ha u ahaato.
Ciise Waa Mahadnaqay(A)
21 Saacaddaas qudheeda ayuu Ruuxa Quduuska ah ku reyreeyey oo yidhi, Waan kugu mahadnaqayaa, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilmo yaryar. Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay. 22 Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo cid uu yahay Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo cid uu yahay, Wiilka maahee, iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo. 23 Wuxuuna u jeestay xertiisa oo keli ahaan ugu yidhi, Waxaa barakaysan indhaha arka waxaad aragtaan; 24 waayo, waxaan idinku leeyahay, Nebiyo iyo boqorro badan ayaa doonay inay arkaan waxaad aragtaan, mana arkin, iyo inay maqlaan waxaad maqashaan, mana ay maqlin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya