Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 89:1-4

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo uu Eetaan kii reer Cesraax tiriyey.

89 Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh,
Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.
Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa,
Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda.
Axdi baan la dhigtay kii aan doortay,
Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi,
Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa,
Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab. (Selaah)

Sabuurradii 89:15-18

15 Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh,
Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,
16 Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga,
Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada.
17 Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda,
Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.
18 Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga,
Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

Yeremyaah 25:1-7

Toddobaatan Sannadood Oo Maxbuusnimo Ah

25 Kanu waa eraygii Yeremyaah u yimid oo ku saabsanaa dadka Yahuudah oo dhan, waxayna ahayd Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii afraad, taasoo ahayd sannaddii kowaad oo Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon. Eraygaas Nebi Yeremyaah ayaa kula hadlay dadkii Yahuudah oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem degganaa oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Tan iyo sannaddii saddex iyo tobnaad oo Yoosiyaah ina Aamoon uu boqor ka ahaa dalka Yahuudah iyo ilaa maantadan la joogo, taasoo ah saddex iyo labaatan sannadood, waxaa ii imanayay Eraygii Rabbiga, oo aniguna waan idinla hadlay, anoo goor wanaagsan idinla hadlaya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan. Oo Rabbiguna wuxuu idiin soo diray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan, isagoo goor wanaagsan diraya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan, oo marnaba dheg uma aydaan dhigin inaad maqashaan. Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey. Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo. Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.

Galatiya 5:2-6

Bal ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo. Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo. Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen. Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada. Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya