Revised Common Lectionary (Complementary)
118 Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
2 Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
14 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
15 Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
16 Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
17 Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa,
Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
18 Rabbigu aad buu ii edbiyey,
Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
19 Irdaha xaqnimada iga fura,
Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.
20 Tanu waa iriddii Rabbiga,
Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
21 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay,
Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
22 Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
23 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid,
Oo waa ku yaab indhahayaga.
24 Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey,
Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
Gabaygii Muuse Iyo Maryan
15 Markaasaa Muuse iyo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ugu gabyeen gabaygan, oo intay qaadeen, bay yidhaahdeen,
Anigu Rabbiga waan u gabyi doonaa, waayo, ammaan buu ku guulaystay;
Faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.
2 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo isagu wuxuu noqday badbaadadayda.
Kanu waa Ilaahay, oo anigu waan ammaani doonaa isaga;
Waa Ilaahii aabbahay, aniguna waan sarraysiin doonaa.
3 Rabbigu waa dagaalyahan,
Magiciisuna waa Rabbi.
4 Wuxuu Fircoon gaadhifardoodkiisii iyo ciidankiisiiba ku tuuray badda dhexdeeda,
Oo saraakiishiisii la doortayna waxay tiimbadeen Badda Cas dhexdeeda.
5 Oo waxaa iyagii qariyey moolkii,
Oo moolkay dhex tiimbadeen sidii dhagax oo kale.
6 Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay,
Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.
7 Oo mudnaantaada weynaanteeda ayaad ku jebisaa kuwa adiga kugu kaca.
Oo waxaad soo dirtaa cadhadaada, kolkaasay iyaga u gubtaa sidii jirrido yaryar oo jajab ah.
8 Oo neeftii sankaaga aawadeed ayaa biyihii isdul rasaysmeen,
Daadkiina kor buu u kacay sidii taallo;
Moolkiina wuxuu ku adkaaday badda dhexdeeda.
9 Oo cadowgii wuxuu yidhi,
Anigu waan eryan doonaa, anigu waan gaadhi doonaa, boolida waan kala qaybin doonaa.
Oo damacaygu waa ka dhergi doonaa iyaga;
Oo seeftaydaan galka kala bixi doonaa, gacantayduna way baabbi'in doontaa iyaga.
10 Adigu dabayshaadii baad ku afuuftay, oo baddii baa qarisay iyagii;
Oo sidii laxaamad oo kale ayay u dhex tiimbadeen biyihii xoogga badnaa.
11 Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda?
Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh,
Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?
12 Adigu gacantaadii midig baad soo fidisay,
Markaasaa dhulku liqay iyagii.
13 Oo raxmaddaadaad ku soo hor kacday dadkii aad soo madax furatay.
Oo waxaad iyagii ku soo hor kacday xooggaaga, waxaadna u soo wadday rugtaada quduuska ah.
14 Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen.
Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay.
15 Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen;
Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay.
Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen.
16 Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii.
Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen,
Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow,
Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.
17 Iyaga gudahaad soo gelin doontaa, oo waxaad ku beeri doontaa buurta dhaxalkaaga,
Taasoo ah meesha aad u samaysatay inaad degganaatid, Rabbiyow,
Waana meesha quduuska ah oo gacmahaagu diyaariyeen.
18 Rabbigu boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiisba.
12 Haddaba sidaas daraaddeed idinku sida kuwa Ilaah doortay oo quduuska ah oo la jecel yahay, huwada qalbi leh naxariis iyo roonaan iyo is-hoosaysiin iyo qaboobaan iyo dulqaadasho. 13 Midkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo, haddii mid ka cabanayo mid kale; xataa sida Rabbiguba idiin cafiyey, idinkuna sidaas oo kale yeela: 14 oo waxyaalahaas oo dhan waxaad ka dul huwataan jacayl, kaas oo ah xidhiidhka kaamilnimada. 15 Oo nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada. 16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta. 17 Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya