Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
40 Anigu Rabbiga samir baan ku sugay,
Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,
2 Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah,
Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.
3 Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna.
Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan,
Rabbigayna isku hallayn doonaan.
4 Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya,
Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.
5 Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin,
Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin,
Oo iyaga lama xisaabi karo,
Haddii aan sheego oo ka hadlo,
Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.
6 Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid,
Oo anna dhegahaygii waad ii furtay,
Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.
7 Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid,
Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
8 Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada,
Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.
9 Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey,
Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin,
Waad og tahay, Rabbiyow.
10 Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin,
Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay,
Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
11 Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan,
Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.
30 Markii Isxaaq dhammeeyey ducadii uu Yacquub u ducaynayay, Yacquubna ka tegey aabbihiis, ayaa walaalkiis Ceesaw ka yimid ugaadhsigii. 31 Oo isna hilib macaan buu sameeyey, oo u keenay aabbihiis; oo wuxuu ku yidhi aabbihiis, Aabbow kac, oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso. 32 Markaasaa aabbihiis Isxaaq ku yidhi, Kumaad tahay? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay wiilkaaga ah curadkaaga Ceesaw. 33 Markaasuu Isxaaq aad iyo aad u gariiray, oo yidhi, De yuu ahaa haddaba kii intuu hilib ugaadheed soo qaaday, ii keenay, oo aan kulli cunay intaadan iman ka hor, oo aan u duceeyey? Kaasu wuu ducaysnaan doonaa. 34 Ceesawna markuu maqlay hadalkii aabbihiis ayuu ku dhawaaqay dhawaaq aad iyo aad u weyn oo daran, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, anigana ii ducee. 35 Isna wuxuu yidhi, Walaalkaa baa khiyaano iila yimid oo ducadaadii qaatay. 36 Oo wuxuu yidhi, Miyaanay ku habboonayn in magiciisa loo bixiyo Yacquub? Waayo, labadan goor buu i khiyaaneeyey. Curadnimadaydii buu qaatay; haatanna wuxuu qaatay ducadaydii. Oo wuxuu yidhi, Miyaadan duco ii reebin? 37 Isxaaqna wuu jawaabay oo wuxuu Ceesaw ku yidhi, Bal eeg, waxaan isaga ka dhigay sayidkaagii, walaalihiis oo dhanna waxaan u siiyey isaga inay addoommo u noqdaan, hadhuudh iyo khamrina waan u ballanqaaday, ee maxaan haddaba adiga kuu sameeyaa, wiilkaygiiyow? 38 Ceesawna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, ducadaadu ma mid keliya baa? Ii ducee anigana sidoo kale, Aabbow. Markaasuu Ceesaw aad u qayliyey oo ooyay.
FALIMAHA RASUULLADA
Bilowga Kitaabkan
1 Te'ofilosow, hadalkii hore waxaan ka qoray wax kasta oo Ciise bilaabay inuu sameeyo oo baro 2 ilaa maalintii sare loo qaaday isaga oo ka dambaysay wakhtiguu Ruuxa Quduuskaa ku amray rasuulladii uu doortay. 3 Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah. 4 Oo intuu iyagii la shiray, ayuu wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi, Yeruusaalem ha ka tegina, laakiinse suga ballankii Aabbaha oo aad iga maqasheen, 5 waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya