Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
140 Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi,
Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
2 Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin,
Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.
3 Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale,
Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)
4 Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr,
Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
Kuwaasoo u qasdiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.
5 Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko,
Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)
6 Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga,
Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.
7 Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow,
Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.
8 Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan,
Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)
9 Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana
Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.
10 Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen,
Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka,
Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.
11 Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin,
Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.
12 Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono,
Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.
13 Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga,
Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.
16 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin. 17 Oo waxay had iyo goorba kuwa i quudhsada ku yidhaahdaan, Rabbigu wuxuu yidhi, Nabad baad helaysaan. Oo waxay mid kasta oo caasinimada qalbigiisa daba galana ku yidhaahdaan, Wax masiibo ahu innaba kugu dhici maayaan. 18 Waayo, bal yaa guddiga Rabbiga dhex istaagay inuu garto oo maqlo eraygiisa? Yaase eraygiisa dhegta u dhigay oo soo maqlay? 19 Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada. 20 Rabbiga xanaaqiisu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qasdiga qalbigiisa, oo ugudambaystana aad baad u garan doontaan. 21 Anigu nebiyadaas sooma aan dirin, laakiinse way ordeen oo iyaga lama aan hadlin, laakiinse wax bay sii sheegeen. 22 Haddii ay guddigayga dhex istaageen, de markaas dadkaygay erayadayda maqashiin lahaayeen, oo waxay iyaga ka soo celin lahaayeen jidkooda xun iyo sharka falimahoodaba.
Silaca(A)
16 Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo. 17 Laakiin dad iska jira, waayo, waxay idiin dhiibi doonaan shirar, oo sunagogyadooda ayay idinku karbaashi doonaan. 18 Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn. 19 Laakiin goortay idin gacangeliyaan, ha ka welwelina sidaad u hadli doontaan ama waxaad ku hadli doontaan, waayo, waxaad ku hadli doontaan ayaa saacaddaas laydin siin doonaa. 20 Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa. 21 Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan. 22 Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona. 23 Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.
24 Qof xer ahu macallinkiisa kama sarreeyo, addoonkuna sayidkiisa kama sarreeyo. 25 Waa ku filan tahay qof xer ah inuu noqdo sida macallinkiisa, addoonkuna sida sayidkiisa. Hadday odayga reerka Be'elsebul ugu yeedhaan, intee ka badan ayay ugu yeedhi doonaan kuwa gurigiisa jooga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya