Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Readings for Lent and Easter

Short readings from throughout the Bible that focus on the meaning and events of Easter.
Duration: 47 days
Somali Bible (SOM)
Version
Markos 15:1-14

Ciise Oo Hor Taagan Bilaatos Oo Ahaa Taliyaha Reer Rooma(A)

15 Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos. Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi. Markaasaa wadaaddadii sare wax badan ku ashtakeeyeen. Bilaatos baa kol dambe wax weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Bal eeg intii ay kugu ashtakaynayaan. Laakiin Ciise weli waxba ugama jawaabin, sidaa darteed Bilaatos waa la yaabay.

Iiddaas wuxuu iyaga u sii dayn jiray maxbuuskay doonayeen. Markaasaa waxaa jiray nin Baraabbas la odhan jiray oo ahaa mid lala xidhay kuwii kula kacay oo wax dilay markii fidmaddu dhacday. Dadkii badnaa ayaa Bilaatos u kacay oo bilaabay inay doonaan inuu u sameeyo siduu u samayn jiray. Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorka Yuhuudda? 10 Waayo, wuxuu ogaa wadaaddadii sare inay hinaaso ugu soo dhiibeen. 11 Laakiin wadaaddadii sare ayaa dadka kiciyey, oo waxay yidhaahdeen inay u roon tahay inuu Baraabbas u sii daayo iyaga. 12 Bilaatos baa mar kale u jawaabay oo ku yidhi, Haddaba maxaad doonaysaan inaan ku sameeyo kan aad ugu yeedhaan Boqorka Yuhuudda? 13 Iyaguna mar kale ayay ku qayliyeen, Iskutallaabta ku qodob. 14 Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ku qodob.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya