Old/New Testament
Ka Eryintii Quruumaha
7 Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo uu hortiinna ka eryo quruumo badan oo ah reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, kuwaasoo ah toddoba quruumood oo idinka weyn oo idinka xoog badan, 2 oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba. 3 Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina. 4 Waayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa. 5 Laakiinse iyaga waa inaad sidan kula macaamilootaan, meelahooda allabariga waa inaad dumisaan, oo aad tiirarkoodana burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gooysaan, oo aad sanamyadooda xardhanna gubtaan. 6 Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan. 7 Badnaan aad dadadka kale ka badan tihiin Rabbigu idiinma jeclaan oo idiinma dooran saas aawadeed, waayo, idinku dadyowga oo dhan waad ugu wada yaraydeen, 8 laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii. 9 Haddaba bal ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu Ilaah yahay, oo isagu yahay Ilaaha aaminka ah oo axdiga dhawra, oo tan iyo kun qarni u naxariista kuwa isaga jecel oo amarkiisa xajiya. 10 Oo kuwa isaga necebna si uu u baabbi'iyo ayuu abaalgudkooda toos u mariyaa; ka raajin maayo kii isaga neceb ee abaalgudkiisa haddiiba toos buu u marinayaa. 11 Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.
12 Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay, 13 wuuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo. 14 Oo dadyowga oo dhan waad ka barako badnaan doontaan, oo idinka iyo xoolihiinna toona lab iyo dhaddigba laguma arki doono madhalays. 15 Oo Rabbigu wuxuu idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa idin neceb oo dhan. 16 Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa. 17 Oo haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa? 18 waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan. 19 Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan. 20 Oo weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan. 21 Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa, oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad. 22 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan. 23 Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn. 24 Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan. 25 Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo. 26 Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.
Ha Illoobina Rabbiga
8 Oo amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan waa inaad wada samaysaan si aad u noolaataan oo u tarantaan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin. 2 Oo waa inaad xusuusataan jidkii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu afartankan sannadood idinku soo dhex mariyey cidladii, si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo si uu u ogaado wixii qalbigiinna ku jiray, bal inaad amarradiisa xajinaysaan iyo in kale. 3 Wuu idin hoosaysiiyey, oo gaajuu idinku riday, oo wuxuu idinku quudiyey maanna aydaan aqoon oo awowayaashiinna ayan aqoon, inuu idin ogeysiiyo inaan dadku kibis oo keliya ku noolaan, laakiinse uu dadku eray walba oo afka Rabbiga ka soo baxa ku noolaado. 4 Oo afartankan sannadood dharkiinnii aad qabteen idinkama duugoobin oo cagihiinnuna marna ma bararin. 5 Oo waa inaad qalbigiinna kaga fikirtaan in Rabbigu idin edbiyo sida nin wiilkiisa u edbiyo. 6 Oo waa inaad xajisaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah inaad jidadkiisa ku socotaan oo aad isaga ka cabsataan. 7 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro. 8 Waa dal ay ka buuxaan sarreen iyo shaciir, iyo geedo canab ah iyo geedo berde ah, iyo rummaan, oo waa dal ay ka buuxaan saliidsaytuun iyo malab, 9 oo waa dal aad waayitaanla'aan kibis kaga cunaysaan oo aydaan waxba uga baahnayn, waa dal dhagaxyadiisu ay bir yihiin, oo aad buurihiisana naxaas ka qodan doontaan. 10 Oo intaad wax cuntaan ayaad dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey. 11 Digtoonaada, waaba intaasoo aad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan markaad xajin weydaan amarradiisa iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa, oo aan maanta idinku amrayo, 12 oo markaad wax cuntaan oo aad dheregtaan, oo aad guryo wanaagsan dhisataan oo aad degtaan, 13 oo lo'diinna iyo idihiinnu ay tarmaan, oo lacagtiinna iyo dahabkiinnuna ay bataan, oo waxaad haysataan oo dhammuna ay tarmaan, 14 uu qalbigiinnu kor u kacaa oo aad illowdaan Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga. 15 Isagaa idin soo dhex mariyey cidladii weynayd oo cabsida badnayd oo ay ka buuxeen abeesooyin qaniinyo kulul iyo hangarallayaal, oo ahaa dhul oommane ah oo aan biyo lahayn, oo dhagaxmadowgii ayuu biyo idiinka soo bixiyey. 16 Oo intaad cidladii joogtay ayuu idinku quudiyey maanna aan awowayaashiinna aqoon. Waxaas oo dhan wuxuu u sameeyey si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo, si uu ugu dambaystiinna wanaag idiinku sameeyo, 17 waaba intaasoo aad qalbiga iska tidhaahdaan, Xooggayaga iyo itaalka gacantayada ayaannu maalkan ku helnay. 18 Laakiinse waa inaad xusuusataan Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, kan xoogga aad maalka ku heshaan idin siiyaa waa isaga, inuu adkeeyo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay, siday maanta tahay. 19 Oo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan oo aad ilaahyo kale raacdaan oo u adeegtaan oo caabuddaan, hubaal waxaan maanta idiin markhaati furayaa inaad baabba'aysaan. 20 Sidii quruumihii Rabbigu hortiinna ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.
Ma Ahaan Xaqnimadii Reer Binu Israa'iil Aawadeed
9 Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waa inaad Webi Urdun ka gudubtaan inaad gashaan oo hantidaan quruumo idinka waaweyn oo idinka sii xoog badan iyo magaalooyin waaweyn oo deyrkoodu samada ku tolan yahay, 2 oo dadkoodu yihiin dad waaweyn oo dhaadheer oo ah reer Canaaq, oo aad taqaanaan oo aad maqasheen in la yidhi, Bal yaa reer Canaaq hor istaagi kara? 3 Haddaba bal maanta ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu yahay kan hortiin gudbaya isagoo ah sida dab wax baabbi'iya. Iyaga wuu baabbi'in doonaa oo hortiinnuu ku soo ridi doonaa, oo sidaasaad u eryi doontaan oo aad haddiiba baabbi'in doontaan, siduu Rabbigu idiin sheegay. 4 Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga idinka hor eryo ka dib, qalbiga ha iska odhanina, Xaqnimadayada aawadeed ayaa Rabbigu dalkan noo keenay inaannu hantinno, waayo, Rabbigu wuxuu quruumahaas idiinka hor erya waa sharkoodii aawadiis. 5 Oo xaqnimadiinna iyo qummanaanta qalbigiinna midna kuma aydaan hantiyin dalkooda, laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas sharkoodii aawadiis ayuu idinka hor eryayaa, iyo in Rabbigu sii adkeeyo eraygii uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub. 6 Haddaba ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan wanaagsan idiin siinayn inaad hantidaan xaqnimadiinna aawadeed, waayo, waxaad tihiin dad madax adag.
Weyshii Dahabka Ahayd
7 Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen. 8 Oo weliba markaad Xoreeb joogteenna Rabbiga waad ka xanaajiseen, markaasaa Rabbigu idiin cadhooday oo wuxuu damcay inuu idin baabbi'iyo. 9 Oo markaan buurta fuulay inaan soo helo looxyadii dhagaxa ahaa, kuwaasoo ahaa looxyadii uu ku qornaa axdigii Rabbigu idinla dhigtay, markaasaan buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo intaasna baadna ma cunin biyana ma cabbin. 10 Markaasaa Rabbigu wuxuu ii soo dhiibay labadii loox oo dhagaxa ahayd oo lagu qoray fartii Ilaah, oo waxaa ku qornaa kulli erayadii uu Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga. 11 Afartan maalmood iyo afartan habeen ka dib ayaa Rabbigu i soo siiyey labadii loox oo dhagaxa ahayd, kuwaasoo ahaa looxyadii axdiga. 12 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Kac oo halkan dhaqso uga deg, waayo, dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisay way iskharribeen, oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen sanam la shubay. 13 Oo weliba waxaa kaloo Rabbigu igula hadlay oo igu yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo bal eeg waa dad madax adag, 14 haddaba iska kay daa, aan baabbi'iyee, oo aan magacooda samada hoosteeda ka tiree, oo waxaan adiga kaa dhigi doonaa quruun iyaga ka xoog badan oo ka sii weyn. 15 Markaasaan jeestay oo buurtii hoos uga degay, oo buurtiina dab baa ka qaxmayay, oo labadii loox oo axdiguna waxay ku jireen labadayda gacmood. 16 Oo anna wax baan fiiriyey oo waxaan arkay inaad ku dembaabteen Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad samaysateen weyl dahab la shubay ah, oo haddiiba gees baad uga leexateen jidkii Rabbigu idinku amray. 17 Markaasaan qaaday labadii loox, oo labadaydii gacmood ayaan ka tuuray oo indhihiinna hortooda ku jejebiyey. 18 Markaasaan Rabbiga hortiisa ku dhacay oo joogay afartan maalmood iyo afartan habeen sidii markii hore, oo anigu baadna ma cunin, biyana ma cabbin, maxaa yeelay, sababtu waa dembigiinnii aad dembaabteen oo dhan, markaad samayseen wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo aad isaga kaga xanaajiseen. 19 Maxaa yeelay, waan ka cabsaday cadhadii iyo xanaaqii kululaa oo Rabbigu dhirfay oo uu damcay inuu idinku baabbi'iyo. Laakiinse Rabbigu markaasna wuu i maqlay. 20 Oo Rabbigu Haaruunna aad buu ugu cadhooday, oo wuxuu damcay inuu isaga baabbi'iyo, laakiinse anigu Haaruunna isla markaasaan Rabbiga u baryay. 21 Markaasaan qaaday dembigiinnii ahaa weyshii aad samaysateen, waanan gubay oo ku dul joogjoogsaday oo daqiijiyey, ilaa ay sida boodhka oo kale noqotay, oo boodhkeediina waxaan ku shubay durdurka buurta ka soo dega. 22 Oo waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah joogteen. 23 Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan. 24 Tan iyo maalintii aan idin bartay caasiyiin baad Rabbiga ku ahaydeen. 25 Oo sidaas daraaddeed ayaan Rabbiga hortiisa ku dhacay, oo afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan hortiisa joogay, maxaa yeelay, Rabbigaa yidhi, Iyagaan baabbi'inayaa. 26 Markaasaan Rabbiga baryay oo waxaan ku idhi, Sayidow, Ilaahow, ha baabbi'in dadka dhaxalkaaga ah oo aad weynaantaada ku soo furatay, oo aad gacantaada xoogga badan dalkii Masar kaga soo bixisay. 27 Bal xusuuso addoommadaadii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo ha fiirin dadkan madax adkaantooda ama xumaantooda amase dembigooda, 28 waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo. 29 Laakiin iyagu waa dadkaagii iyo dhaxalkaagii aad xooggaaga weyn iyo cududdaada fidsan ku soo bixisay.
19 Mar alla markii qorraxdu dhacday ayay magaalada ka baxeen.
Xoogga Rumaysadka(A)
20 Subaxdii goortay ag marayeen, waxay arkeen geedkii berdaha ahaa oo xididdada ka engegay. 21 Markaasaa Butros soo xusuustay, oo wuxuu ku yidhi, Macallinkaygiiyow, eeg, geedkii berdaha ahaa oo aad habaartay waa engegay. 22 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Ilaah rumaysta. 23 Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii buurtan ku yidhaahda, Ruq, baddana isku tuur, oo aan qalbigiisana ka shakiyin laakiin rumaysta in wuxuu yidhi ay noqonayso, waa u ahaan doontaa. 24 Sidaa darteed, waxaan idinku leeyahay, wax kasta oo aad tukasho ku baridaan, rumaysta inaad hesheen oo way idiin ahaan doontaa. 25 Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiinna jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo. 26 Haddii aanad cafiyin, Aabbihiinna jannada ku jira xumaantiinna idiin cafiyi maayo.
Ciise Amarkiisii Baa Wax Laga Weyddiiyey(B)
27 Mar kale ayay Yeruusaalem yimaadeen. Oo goortuu macbudkii dhex marayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo culimmadii iyo waayeelladii. 28 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso? 29 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, ii jawaaba, waanan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo. 30 Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba. 31 Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Maxaynu nidhaahnaa? Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 32 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka ayuu ka yimid, dadkay ka baqeen. Waayo, kulli waxay u haysteen Yooxanaa inuu nebi yahay. 33 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya