Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Tirintii 7-8

Bixintii Qurbaanka Taambuugga

Maalintii Muuse dhammeeyey dhisiddii taambuugga, oo uu subkay oo quduus ka dhigay isagii iyo alaabtiisii oo dhan iyo meeshii allabariga iyo weelasheedii oo dhan, oo uu subkay oo quduus ka dhigay iyagii, ayay amiirradii reer binu Israa'iil oo madaxda u ahaa reerahood wax bixiyeen. Kuwanu waxay ahaayeen amiirradii qabiilooyinka, oo iyagu waa kuwii ka sarreeyey kuwii la tiriyey. Oo waxay Rabbiga hortiisa keeneen qurbaankoodii oo ah lix gaadhi oo dedan, iyo laba iyo toban dibi. Labadii amiirba waxay keeneen gaadhi, amiir kastaana dibi, oo waxay geeyeen taambuugga hortiisii. Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi, Ka qaad iyaga inay u ahaadaan wax hawsha teendhada shirka lagu sameeyo, oo waxaad siisaa reer Laawi, nin walba sidii hawshiisu tahay. Markaasaa Muuse gaadhiyaashii iyo dibidii qaaday oo reer Laawi siiyey. Laba gaadhi iyo afar dibi wuxuu siiyey reer Gershoon, sidii hawshoodu ahayd. Oo afar gaadhi iyo siddeed dibina wuxuu siiyey reer Meraarii, sidii hawshoodu ahayd, oo wuxuu ugu dhiibay gacantii wadaadkii Haaruun ahaa wiilkiisii Iitaamaar. Laakiinse reer Qohaad waxba kama uu siin, maxaa yeelay, iyagaa lahaa hawshii meesha quduuska ah, oo waxay ku qaadi jireen garbahooda. 10 Oo maalintii meesha allabariga la subkay ayay amiirradii bixiyeen qurbaankii daahirinta, oo waxay qurbaankoodii ku bixiyeen meesha allabariga horteeda. 11 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Iyagu qurbaankooda waa inay u bixiyaan meesha allabariga daahirinteeda, oo amiir kastaaba maalintiisa ha bixiyo.

12 Oo kii maalintii kowaad qurbaankiisii bixiyey wuxuu ahaa Naxshoon oo ahaa ina Cammiinaadaab oo reer Yahuudah ah. 13 Oo qurbaankiisuna wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 14 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 15 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 16 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 17 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Naxshoon ina Cammiinaadaab.

18 Oo maalintii labaadna waxaa bixiyey Netaneel ina Suucaar oo amiir u ahaa reer Isaakaar. 19 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 20 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 21 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 22 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 23 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Netaneel ina Suucaar.

24 Oo maalintii saddexaadna waxaa bixiyey Elii'aab ina Xeelon, oo amiir u ahaa reer Sebulun. 25 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 26 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 27 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 28 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 29 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Elii'aab ina Xeelon.

30 Oo maalintii afraadna waxaa bixiyey Eliisuur ina Shedeeyuur oo amiir u ahaa reer Ruubeen. 31 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 32 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel oo foox ka buuxo. 33 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 34 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 35 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliisuur ina Shedeeyuur.

36 Oo maalintii shanaad waxaa bixiyey Shelumii'eel ina Suuriishadday, oo amiir u ahaa reer Simecoon. 37 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 38 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 39 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 40 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 41 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Shelumii'eel ina Suuriishadday.

42 Oo maalintii lixaadna waxaa bixiyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel, oo amiir u ahaa reer Gaad. 43 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaankii hadhuudhka aawadiis, 44 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 45 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 46 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 47 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliyaasaaf ina Decuu'eel.

48 Oo maalintii toddobaadna waxaa bixiyey Eliishaamaac ina Cammiihuud oo amiir u ahaa reer Efrayim. 49 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 50 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 51 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 52 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 53 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliishaamaac ina Cammiihuud.

54 Oo maalintii siddeedaadna waxaa bixiyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur oo amiir u ahaa reer Manaseh. 55 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 56 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 57 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 58 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 59 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Gamalii'eel ina Fedaahsuur.

60 Oo maalintii sagaalaadna waxaa bixiyey Abiidaan ina Gidconii, oo amiir u ahaa reer Benyaamiin. 61 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 62 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 63 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 64 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 65 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Abiidaan ina Gidconii.

66 Oo maalintii tobnaadna waxaa bixiyey Axiiceser ina Cammiishadday oo amiir u ahaa reer Daan. 67 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 68 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 69 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 70 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 71 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiiceser ina Cammiishadday.

72 Oo maalintii kow iyo tobnaadna waxaa bixiyey Fagcii'eel ina Cokraan oo amiir u ahaa reer Aasheer. 73 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 74 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 75 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 76 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 77 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Fagcii'eel ina Cokraan.

78 Oo maalintii laba iyo tobnaadna waxaa bixiyey Axiirac ina Ceynaan oo amiir u ahaa reer Naftaali. 79 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 80 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 81 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 82 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 83 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiirac ina Ceynaan.

84 Intaasu waxay ahayd wixii amiirradii reer binu Israa'iil ay maalintii meesha allabariga la subkay daahirinteeda u bixiyeen, waxayna ahaayeen laba iyo toban saxan oo waaweyn oo lacag ah, iyo laba iyo toban maddiibadood oo lacag ah, iyo laba iyo toban malqacadood oo dahab ah. 85 Oo miisaanka saxan kastaa oo lacag ah wuxuu ahaa boqol iyo soddon sheqel, oo kan maddiibad kastaana wuxuu ahaa toddobaatan sheqel, oo weelasha oo dhan lacagtoodu waxay ahayd laba kun iyo afar boqol oo sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. 86 Oo laba iyo tobanka malqacadood oo dahabka ahna waxaa ka wada buuxay foox, oo mid kastaaba waxay ahayd toban sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo malqacadaha oo dhan dahabkoodu wuxuu ahaa boqol iyo labaatan sheqel. 87 Oo dibidii qurbaanka la gubo loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen laba iyo toban dibi, wanankuna waxay ahaayeen laba iyo toban wan oo waaweyn, iyo laba iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, waxaana la keenay qurbaankoodii hadhuudhka ahaa. Oo qurbaankii dembigana orgidii loo bixiyey waxay ahaayeen laba iyo toban, 88 oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinada dibidii loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen afar iyo labaatan, wananka waaweynuna waxay ahaayeen lixdan, orgiduna waxay ahaayeen lixdan, wananka yaryar oo wada gu jirka ahuna waxay ahaayeen lixdan. Intaasu waa wixii daahirinta meesha allabariga loo bixiyey markii la subkay dabadeed. 89 Oo markii Muuse u galay teendhadii shirka inuu Rabbiga la hadlo, wuxuu maqlay Codka isaga la hadlaya oo ka yeedhaya daboolkii saarnaa sanduuqii maragga iyo labadii keruub dhexdooda, oo isaguna wuu la hadlay isagii.

Habkii Shididda Laambadaha

Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi, Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad laambadaha shiddid, toddobada laambadood oo yaryar waa inay ka iftiimaan laambadda horteeda. Oo Haaruunna sidaasuu yeelay, oo wuxuu wada shiday laambadaheedii si ay uga iftiimaan laambadda horteeda, sidii Rabbigu Muuse ku amray. Oo shuqulkii laambaddu wuxuu ahaa dahab la tumay. Tan iyo salkeeda ilaa ubaxeeda waxay wada ahayd dahab la tumay. Sidii Rabbigu Muuse u tusay ayuu laambaddii u sameeyey.

Ka Soociddii Reer Laawi

Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa'iil oo iyaga daahiri. Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen. Oo markaas iyagu ha kaxaysteen dibi yar iyo qurbaankiisii hadhuudhka oo ah bur saliid lagu daray, oo dibi kale oo yarna waxaad u kaxaysaa qurbaan dembi. Oo reer Laawi waa inaad hor taagtaa teendhada shirka, oo waa inaad soo shirisaa dadka reer binu Israa'iil oo dhan. 10 Oo reer Laawi waa inaad keentaa Rabbiga hortiisa, oo reer binu Israa'iilna waa inay gacmaha saaraan reer Laawi. 11 Haaruunna waa inuu reer Laawi Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa qurbaan la ruxruxo ahaan reer binu Israa'iil daraaddood, si ay u sameeyaan Rabbiga hawshiisa. 12 Oo reer Laawina waa inay gacmaha saaraan madaxa dibida, oo mid waxaad u bixisaa qurbaan dembi, kan kalena waxaad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la gubo, si aad reer Laawi ugu kafaaro guddid. 13 Oo reer Laawi waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa soo hor taagtaa, oo aad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la ruxruxo ahaan. 14 Oo waa inaad reer Laawi sidaas uga soocdaa reer binu Israa'iil, oo reer Laawina kuwaygay ahaan doonaan. 15 Oo markaas dabadeedna reer Laawi ha u galeen inay ka adeegaan teendhada shirka, oo waa inaad iyaga daahirisaa oo qurbaan la ruxruxo ahaan u bixisaa. 16 Waayo, iyaga dhammaantood ayaa la iiga soocay reer binu Israa'iil. Intii lay siin lahaa intii maxal furta oo dhan, kuwaasoo ah curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, ayaan iyaga qaatay. 17 Waayo, dad iyo duunyaba curadyada reer binu Israa'iil oo dhan anigaa iska leh. Waxaan iyaga quduus ka dhigtay maalintii aan wada laayay curadyadii dalka Masar oo dhan. 18 Oo waxaan qaatay reer Laawi intii aan qaadan lahaa curadyada reer binu Israa'iil oo dhan. 19 Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa'iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa'iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa'iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa'iil markii reer binu Israa'iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah. 20 Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen. 21 Oo reer Laawina dembi way iska daahiriyeen, oo dharkoodiina way maydheen, markaasaa Haaruun qurbaan la ruxruxo ahaan Rabbiga hortiisa iyaga ugu bixiyey, oo inuu iyaga daahiriyo aawadeed ayaa Haaruun u kafaaro guday. 22 Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen.

23 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 24 Tanu waa waxa reer Laawi intii shan iyo labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn ay leeyihiin inay sameeyaan. Iyagu ha galeen oo ha ka adeegeen hawsha teendhada shirka. 25 Oo markii ay konton jir gaadhaan waa inay ka joogsadaan hawsha ka-adeegiddeeda oo aanay mar dambe adeegin, 26 laakiinse walaalahood teendhada shirka ha kala adeegeen si ay amarka u hayaan laakiinse yaanay hawl dambe qaban. Sidaas waa inaad ka yeeshaa amarrada ku saabsan reer Laawi hawshooda.

Markos 4:21-41

Waxa Laga Barto Laambadda Iyo Abuurka(A)

21 Wuxuuna iyaga ku yidhi, Ilays ma waxaa loo keenaa in la hoos geliyo weel ama sariir? Sow lama saaro meeshii ilayska? 22 Wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, oo wax daboolanna ma jiro oo aan bannaan soo bixi doonin. 23 Haddii nin leeyahay dhego uu wax ku maqlo ha maqlo. 24 Kolkaasuu ku yidhi, U fiirsada waxaad maqlaysaan; qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doona oo ayaa laydiin kordhin doonaa. 25 Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

26 Wuxuuna yidhi, Sidaa weeye boqortooyadii Ilaah, sida nin abuur dhulka ku daadsha. 27 Isagu waa hurdaa, waana kacaa maalin iyo habeenba, oo abuurku waa baxaa oo weynaadaa, laakiin si ay tahay isagu garan maayo. 28 Dhulka keligiis ayaa midhaha bixiya, horta jirridda, dabadeed sabuulka, dabadeedna sabuulka midho ka buuxsama. 29 Laakiin goortii midhuhu soo bislaadaan, kolkiiba ayuu mindi la galaa, waayo, wakhtigii beergooyska ayaa yimid.

30 Wuxuuna yidhi, Maxaynu boqortooyadii Ilaah la masaysiinnaa, oo masaalkee baynu u ekaysiinnaa? 31 Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan. 32 Laakiin goortii la beero way baxdaa oo ka weynaataa dhalatada oo dhan, oo ay laamo waaweyn bixisaa si ay shimbirraha cirku hooskeeda ugu degaan.

33 Masaallo badan oo tan oo kale ah ayuu ereyga kula hadlay intii ay maqli karayeen. 34 Laakiin masaalla'aan kulama uu hadlin, oo markay keligood ahaayeen ayuu wax walba xertiisii u fasiray.

Ciisaa Duufaantii Dejiyey(B)

35 Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee. 36 Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen. 37 Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay. 38 Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno? 39 Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday. 40 Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn? 41 Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya