Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Bilowgii 16-17

Haagaar Iyo Ismaaciil

16 Saaray oo ahayd Aabraam naagtiisii carruur uma ay dhalin isagii: waxayna lahayd gabadh midiidin ah, oo Masriyad ah, magaceedana waxaa la odhan jiray Haagaar. Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay. Saaray oo ahayd naagtii Aabraam waxay kaxaysay Haagaar tii Masriyadda ahayd, oo midiidinteeda ahayd, markii Aabraam toban sannadood joogay dalkii Kancaan ka dib, oo waxay iyadii siisay ninkeedii Aabraam inay naagtiisii u noqoto. Oo Haagaar buu u tegey, wayna uuraysatay; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay murwadeedii aad u quudhsatay. Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Dulmigii laygu sameeyey dushaada ha ahaado: midiidintaydii waxaan geliyey laabtaada; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay i quudhsatay; Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo. Laakiinse Aabraam wuxuu ku yidhi Saaray, Bal eeg, midiidintaadii gacantaaday ku jirtaaye; waxaad doonto ku samee. Saarayna si adag bay ula macaamilootay, kolkaasay midiidintii ka carartay horteeda. Oo malaa'igtii Rabbigaa heshay iyadoo ag joogta il biyo ah oo cidlada ku taal, oo ishuna waxay ku tiil jidka Shuur. Oo malaa'igtii waxay ku tidhi, Haagaar, midiidintii Saaray, xaggee baad ka timid? Xaggee baadse ku socotaa? Oo waxay ku tidhi, Murwadayda Saaray baan ka cararayaa. Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Ku noqo murwadaadii, oo gacmaheeda is-hoos dhig. 10 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Farcankaaga aad baan u tarmin doonaa si aan loo tirin karin farabadnaantiisa aawadeed. 11 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Bal eeg, uur baad leedahaye, oo wiil baad dhali doontaa; magiciisana waxaad u bixin doontaa Ismaaciil, maxaa yeelay, Rabbigu waa maqlay dhibaatadaadii. 12 Oo dadka dhexdiisa wuxuu ku noqon doonaa sida dameer banjoog ah; gacantiisu nin walba gees bay ka noqon doontaa, oo nin walba gacantiisuna gees bay ka noqon doontaa isaga; wuxuuna degganaan doonaa walaalihiis oo dhan hortooda. 13 Oo waxay magicii Rabbigii la hadlay iyada u bixisay, Waxaad tahay Ilaaha wax arka, waayo, waxay tidhi, Weliba miyaan halkan ka arkay kan i arka? 14 Sidaas daraaddeed ceelkii waxaa loo bixiyey[a]Bi'ir Lahayroy; bal eeg, wuxuu u dhexeeyaa Qaadeesh iyo Bered. 15 Oo Haagaar waxay Aabraam u dhashay wiil; oo Aabraamna wuxuu wiilkiisii Haagaar dhashay u bixiyey Ismaaciil. 16 Aabraamna wuxuu jiray lix iyo siddeetan sannadood, markii ay Haagaar Ismaaciil u dhashay Aabraam.

Axdigii Gudniinka

17 Oo markuu Aabraam jiray sagaal iyo sagaashan sannadood ayaa Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah; hortayda ku soco, oo mid eed la' ahow. Oo axdigaygaan kula dhigan doonaa, oo anigu aad baan kuu tarmin doonaa. Markaasuu Aabraam wejiga u dhacay; oo Ilaah baa la hadlay isagoo ku leh, Bal eeg, axdigaygii waa kula jiraaye, oo adigu quruumo badan baad aabbe u noqon doontaa. Magacaagana mar dambe lama odhan doono Aabraam, laakiinse magacaagu wuxuu noqon doonaa Ibraahim; waayo, waxaan kaa dhigay quruumo badan aabbahood. Aad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan. Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya. Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood. Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan. 10 Kanu waa axdigayga aad xajin doontaan, oo inoo dhexeeya aniga iyo adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba; mid kasta oo lab oo idinku jira waa in la gudaa. 11 Oo waxaad iska gudi doontaan buuryadiinna; waxayna calaamo u noqon doontaa axdiga ina dhex yaal aniga iyo idinka. 12 Kii siddeed maalmood jira oo idinku dhex jira waa in la gudaa, mid kasta oo lab tan iyo qarniyadiinna oo dhan, ha ahaado kii gurigaaga ku dhasha ama kii lacag lagaga soo iibsado shisheeyaha oo aan farcankaaga ahayn. 13 Kii gurigaaga ku dhasha, iyo kii lacagtaada lagu iibsadoba, waa in la gudaa: axdigayguna wuxuu jidhkiinna ku noqon doonaa axdi weligiis waara. 14 Oo buuryoqabka lab oo aan buuryadiisa laga gooynin, midkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa; waayo, axdigaygii buu jebiyey. 15 Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah. 16 Oo iyadaan barakayn doonaa, oo weliba wiil baan kaa siin doonaa; iyadaan barakayn doonaa, oo waxay noqon doontaa quruumo hooyadood; boqorrada dadyowguna iyaday ka iman doonaan. 17 Markaasuu Ibraahim wejiga u dhacay, oo qoslay, oo qalbigiisa wuxuu iska yidhi, Ma ilmaa u dhalan doona nin boqol jir ah? Oo Saarah oo sagaashan jir ihi miyey dhali doontaa? 18 Oo Ibraahim wuxuu Ilaah ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in Ismaaciil hortaada ku noolaado! 19 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara. 20 Xagga Ismaaciilna waan ku maqlay; oo bal eeg, isaga waan barakeeyey, waanan badin doonaa, oo aad baan u tarmin doonaa isaga; laba iyo toban amiir buu dhali doonaa, oo quruun weyn baan ka dhigi doonaa. 21 Laakiin axdigayga waxaan ku adkayn doonaa Isxaaq kan Saarah kuu dhali doonto sannadda soo socota xilligan oo kale. 22 Oo kolkuu hadalkii u dhammeeyey, Ilaah waa ka tegey Ibraahim. 23 Markaasaa Ibraahim wuxuu kaxaystay wiilkiisii Ismaaciil, iyo intii gurigiisa ku dhalatay oo dhan, iyo kuwii lacagtiisa lagu iibsaday oo dhan, kulli intii labayd oo ka midka ahayd dadkii guriga Ibraahim joogay, oo isla maalintaas ayuu ka guday buuryadoodii sidii Ilaah ku yidhi isaga. 24 Oo Ibraahim wuxuu jiray sagaal iyo sagaashan sannadood markii laga guday buuryadiisii. 25 Wiilkiisii Ismaaciilna wuxuu jiray saddex iyo toban sannadood markii buuryadiisii laga guday. 26 Oo isla maalintaas baa la guday Ibraahim iyo wiilkiisii Ismaaciil. 27 Oo raggii gurigiisa joogay oo dhan, kuwii gurigiisa ku dhashay, iyo kuwii lacagtiisii shisheeyaha lagaga iibsadayba waa lala guday isaga.

Matayos 5:27-48

Daahirla'aanta(A)

27 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan. 28 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay. 29 Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa. 30 Gacantaada midig hadday ku xumayso, iska jar oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada geli lahaa. 31 Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo. 32 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.

Dhaaraha Iyo Runsheegidda

33 Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada. 34 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Ha dhaaraninaba; jannada ha ku dhaaranina, waayo, waa carshigii Ilaah. 35 Dhulkana ha ku dhaaranina, waayo, waa meeshuu cagihiisa dhigo; Yeruusaalemna ha ku dhaaranina, waayo, waa magaaladii Boqorkii weynaa. 36 Madaxaagana ha ku dhaaran, waayo, tin keliya kama dhigi kartid caddaan ama madow. 37 Laakiin hadalkiinnu ha ahaado, Haah, haah, maya, maya; wixii intaas ka badan sharkuu ka yimaadaa.

Aargudashada(B)

38 Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido. 39 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi, 40 oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa, 41 oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco. 42 Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.

Jacaylka Iyo Dabeecadda Daahirka Ah(C)

43 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 44 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya, 45 si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba. 46 Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn? 47 Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn? 48 Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya