Read the New Testament in 24 Weeks
Kadigidda Saaxiibnimada Dunida
4 Dagaallada iyo dirirta idinku dhex jira xaggee bay ka yimaadaan? Miyaanay ka imanin damacyadiinna ku dhex dagaallamaya xubnihiinna? 2 Waad damacdaan, mana lihidin; waad dishaan, waadna xaasiddaan, mana heli kartaan; waad dirirtaan, waadna dagaallantaan, mana lihidin, waayo, ma aad weyddiisataan. 3 Waad weyddiisataan, mana heshaan, waayo, si xun baad u weyddiisataan inaad ku bixisaan damacyadiinna aawadood. 4 Dhillayo iyo dhillooyin yahow, miyeydnaan garanayn inay saaxiibnimada dunidu Ilaah la col tahay? Sidaas daraaddeed kii kasta oo doonaya inuu saaxiib la ahaado dunida, Ilaah buu la col noqdaa. 5 Mise waxaad u malaynaysaan in Qorniinku micnela'aan ku hadlo, Ruuxa uu ka dhigay inuu ina dhex joogo ayaa aad iyo aad inoo jecel isagoo inoo masayra? 6 Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa. 7 Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska hor joogsada, wuu idinka carari doonaaye. 8 U soo dhowaada Ilaah, isaguna wuu idiin soo dhowaan doonaa. Dembilayaashow, gacmihiinna nadiifiya. Labaqalbiilayaashow, qalbiyadiinna daahiriya. 9 Dhibtooda oo baroorta oo ooya. Qosolkiinnu baroor ha u rogmado, farxaddiinnuna caloolxumo. 10 Is-hoosaysiiya Rabbiga hortiisa, isna wuu idin sarraysiin doonaa.
11 Xumaan ha iskaga hadlina, walaalayaalow. Kii xumaan walaalkiis kaga hadlaa ama walaalkiis xukumaa, sharciga ayuu xumaan kaga hadlaa, sharcigana wuu xukumaa. Haddaad sharciga xukuntid, adigu ma ihid mid sharciga yeela, laakiin waxaad tahay mid isaga xukuma. 12 Waa mid keliya kan sharciga bixiyaa oo wax xukumaa, oo waa kan kara inuu wax badbaadiyo oo uu wax dumiyo. Laakiin adigu yaad tahay, kan deriskiisa xukumow?
Kadigidda Faanka Taajiriinta
13 Bal kaalaya hadda, kuwiinnan yidhaahda, Maanta ama berri waxaannu tegi doonaa magaalo, oo halkaasaannu sannad joogi doonnaa, waannu baayacmushtari doonnaa oo faa'iidaysan doonnaa, 14 kuwiinnan aan garanaynin waxa berri dhici doona. Noloshiinnu waa maxay? Waayo, idinku waxaad tihiin ceeryaamo, tan wakhti yar muuqata dabadeedna libidha. 15 Waa inaad tidhaahdaan, Haddii Rabbigu doonayo, waannu noolaan doonnaa oo waxaannu samayn doonnaa tan ama taas. 16 Laakiin idinku haatan waxaad ku faanaysaan isla weynaantiinna. Faanka caynkaas ah oo dhammu waa shar. 17 Haddaba kii garanaya inuu wax wanaagsan sameeyo laakiin aan samayn, dembi bay u tahay isaga.
Ka-digidda Dulmiga Taajiriinta
5 Bal kaalaya hadda, kuwiinnan taajiriinta ahow, ooya oo ka baroorta dhibaatooyinka idinku soo degaya. 2 Duunyadiinnii way qudhuntay, dharkiinniina aboor baa cunay. 3 Dahabkiinnii iyo lacagtiinniiba way mirdheen, miridhkooduna markhaati buu idinku noqon doonaa, wuxuuna jidhkiinna u cuni doonaa sida dabka oo kale. Maal baad u urursateen maalmaha ugu dambeeya. 4 Shaqaalayaashii beerihiinnii idiin gooyay mushahaaradoodii aad dulmiga uga reebateen way dhawaaqaysaa, qaylooyinkii kuwii beerihii gooyayna waxay galeen dhegaha Rabbiga Saba'ood. 5 Dhulkaad ku barwaaqaysateen, waadna ku raaxaysateen, oo qalbiyadiinnii waxaad u naaxiseen maalinta gowracidda. 6 Waad xukunteen, waadna disheen kan xaqa ah. Isaguna isma kiin hor taago.
Waano Ku Saabsan Dulqaadashada
7 Haddaba, walaalayaalow, dulqaata ilaa imaatinka Rabbiga. Bal ogaada, ninka beerrey ahu wuxuu sugaa midhaha qiimaha leh ee dhulka, isagoo u dulqaata ilaa uu helo roobka hore iyo kan dambe. 8 Idinkuna dulqaata, qalbiyadiinnana xoogeeya, waayo, imaatinka Rabbigu wuu dhow yahay. 9 Ha iska cabanina, walaalayaalow, yaan laydin xukumine. Bal ogaada, xaakinku albaabbada hortooduu taagan yahaye. 10 Walaalayaalow, u qaata tilmaan dhibaato iyo dulqaadasho ah nebiyadii ku hadlay magaca Rabbiga. 11 Bal ogaada! Waxaynu ugu yeedhnaa kuwo barakaysan kuwii adkaystay. Waad maqasheen adkaysashadii Ayuub, waadna aragteen dhammaadkii qasdiga Rabbiga, waayo, Rabbigu waa raxmad badan yahay, naxariisna wuu leeyahay.
12 Laakiin wax walba hortood, walaalahayow, ha dhaaranina; ha ku dhaaranina jannada, ama dhulka, ama dhaar kale; haahdiinnu haah ha ahaato, mayadiinnuna maya ha ahaato, yeydnan ku dhicin xukun hoostiis.
Xoogga Ducada
13 Mid dhibaataysanu ma idinku dhex jiraa? Ha ducaysto. Mid faraxsanu ma jiraa? Ha gabyo. 14 Mid bukaa ma idinku dhex jiraa? Ha u yeedho waayeellada kiniisadda, oo iyagu ha u duceeyeen, oo saliid ha ku mariyeen magaca Rabbiga. 15 Ducadii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembidhaafi doonaa. 16 Midkiinba midka kale dembiyadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan. Nin xaq ah baryadiisa shaqaysa wax badan bay kartaa. 17 Eliyaas wuxuu ahaa nin dabiicaddeenna oo kale leh. Aad buu Ilaah u baryay inaan roob di'in, roobna saddex sannadood iyo lix bilood dhulka kuma uu di'in. 18 Oo kol kale ayuu Ilaah baryay, oo cirku roob buu soo daayay, dhulkuna midhihiisii buu soo saaray.
19 Walaalahayow, haddii midkiin ka leexdo runta, oo mid soo celiyo isaga, 20 ogaada in kii dembilaha qaladka jidkiisa ka soo celiyaa uu dembilihii naftiisa dhimasho ka badbaadin doono oo uu dembiyo badan qarin doono.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya