Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Read the New Testament in 24 Weeks

A reading plan that walks through the entire New Testament in 24 weeks of daily readings.
Duration: 168 days
Somali Bible (SOM)
Version
Muujintii 19-20

Guusha Samada Lagu Guulaystay, Iyo Arooska Wanka

19 Oo waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga; waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray. Oo haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis. Markaasaa afar iyo labaatankii oday iyo afartii xayawaan ayaa sujuuday, oo waxay caabudeen Ilaaha carshiga ku fadhiya iyagoo leh, Aamiin, Halleeluuya.

Markaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba. Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah. Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay. Oo waxaa iyadii lagu amray inay xidhato dhar wanaagsan oo dhalaalaya oo daahir ah; waayo, dharka wanaagsanu waxa weeye falimihii xaqa ahaa oo quduusiinta.

Oo wuxuu igu yidhi, Waxaad qortaa, Waxaa barakaysan kuwa loogu yeedhay arooska Wanka cashadiisa. Oo wuxuu kaloo igu yidhi, Kuwanu waa erayadii Ilaah oo run ah. 10 Inaan isaga caabudo aawadeed ayaan cagihiisa ugu hor dhacay. Oo isna markaasuu wuxuu igu yidhi, Iska jir oo saas ha yeelin. Anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo walaalahaaga haya markhaatifuridda Ciise. Ilaah u sujuud, waayo, markhaatifuridda Ciise waa ruuxa wax sii sheegidda.

Masiixa Guusha leh

11 Oo bal eeg, waxaan arkay samadii oo furantay, iyo faras cad, oo kii fuushanaana waxaa la odhan jiray Aamin iyo Run; oo isagu xaqnimuu wax ku xukumaa oo uu ku diriraa. 12 Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane. 13 Oo isna wuxuu qabay dhar dhiig lagu rusheeyey, magiciisana waxaa la odhan jiray ereyga Ilaah. 14 Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah. 15 Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa. 16 Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA.

Masiixa Cadaawayaashiisii Waa La Laayay

17 Oo markaasaan arkay malaa'ig qorraxda dhex taagan; oo intay cod weyn ku dhawaaqday ayay waxay haadda samada dhex duusha oo dhan ku tidhi, Kaalaya oo u soo urura cashada weyn oo Ilaah, 18 aad idinku cunteene hilibka boqorrada, iyo hilibka kabtannada, iyo hilibka ragga xoogga badan, iyo hilibka fardaha iyo kuwa fuushan, iyo hilibka dadka oo dhan, xor iyo addoon, iyo yar iyo weynba.

19 Oo markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii. 20 Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay; 21 oo intoodii kalena waxaa lagu laayay kii faraska fuushanaa seeftiisii afkiisa ka soo baxday; oo haaddii oo dhammu waxay ka dhergeen hilibkoodii.

Shayddaanka Waxaa La Xidhay Kun Sannadood

20 Oo markaasaan arkay malaa'ig samada ka degaysa, oo waxay gacanta ku haysatay furihii yamayska iyo silsilad weyn. Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay, oo waxay ku ridday yamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar.

Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen. Oo dadkii dhintay intoodii kalena sooma ay noolaan ilamaa ay kunkii sannadood dhammaadeen. Kanu waa sarakicidda kowaad. Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.

Furniinka Shayddaanka Iyo Dagaalka Ugu Dambeeya

Oo markii kunkii sannadood ay dhammaadaan ayaa Shayddaanka laga furi doonaa xabsigii lagu xabbisay, oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda. Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii. 10 Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba.

Sarakicidda Kuwii Dhintay Iyo Xukunka Ugu Dambeeya

11 Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin. 12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen. 13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen. 14 Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah. 15 Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya