Read the New Testament in 24 Weeks
5 Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban [a]harqoodka addoonnimada.
2 Bal ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo. 3 Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo. 4 Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen. 5 Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada. 6 Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl. 7 Si wanaagsan baad u ordayseen, ee yaa idinka hor joogsaday inaydnaan runta addeecin? 8 Taladanu kama iman kan idiin yeedhaya. 9 In yar oo khamiir ah cajiinka oo dhan bay khamiirisaa. 10 Xagga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba. 11 Laakiin, walaalayaalow, haddii aan anigu weli gudniinta wax ku wacdiyo, maxaa weli la ii silciyaa? Haddaba xumaan-u-qaadashada iskutallaabtu waa dhammaatay. 12 Waxaan jeclaan lahaa in kuwa idin wareeriyaa ay isgooyaan.
Xorriyadda Waa In Jacaylku Xukumo
13 Waayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego. 14 Waayo, sharciga oo dhammu hadal keliya buu ku dhammaaday, waana kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay. 15 Laakiin haddaad isqaniintaan oo iscuntaan, iska dhawra yeydnan isbaabbi'in.
Midhaha Ruuxa
16 Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne. 17 Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan. 18 Laakiinse haddii Ruuxu idin hoggaamiyo, sharciga kuma hoos jirtaan. 19 Shuqullada jidhku waa muuqdaan, waana kuwan, sino, wasakhnimo, dhillanimo, 20 sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo, 21 xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah. 22 Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo, 23 qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro. 24 Kuwa Ciise Masiix waxay iskutallaabta ku qodbeen jidhka iyo kacsigiisa xaaraanta ah iyo damacyadiisa sharka ah.
25 Haddii aynu Ruuxa ku nool nahay, aynu Ruuxana ku soconno. 26 Yeynan iskibrin, oo iska xanaajin, oo isxaasidin.
Waano
6 Walaalayaalow, nin haddii xadgudub lagu qabto, kuwiinna Ruuxa raaca midka caynkaas ah ku soo celiya qabow, adigoo isdhawraya si aan adna laguu jirrabin. 2 Midba midka kale culaabta ha u qaado, oo sidaas ku oofiya sharciga Masiixa. 3 Haddii nin isu maleeyo inuu weyn yahay isagoo aan waxba ku fillayn, wuu iskhiyaaneeyaa. 4 Laakiin nin kastaa shuqulkiisa ha tijaabiyo, dabadeedna faan ayuu iska heli doonaa oo ku kale kama heli doono. 5 Waayo, nin kastaaba waa inuu culaabtiisa qaato.
6 Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara. 7 Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa. 8 Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah. 9 Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin. 10 Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.
Dhammaadka
11 Bal eega xuruufta waaweyn oo aan gacantayda idiinku soo qoray. 12 Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga. 13 Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan. 14 Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay. 15 Waayo, gudniinta iyo buuryoqabnimada midna waxba ma tarto, laakiinse waxaa wax tara abuurid cusub. 16 In alla intii qaynuunkan ku socota, iyo Israa'iilka Ilaahba, nabad iyo naxariisuba dushooda ha ahaadeen.
17 Hadda dabadeed ninna yuu i dhibin, waayo, waxaa jidhkayga ku yaal sumadihii Ciise.
18 Walaalayaalow, nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya