Read the New Testament in 24 Weeks
Riyooyin Iyo Itaaldarro
12 Waa inaan faano in kastoo aanay waxtar lahayn, laakiin waxaan gaadhi doonaa riyooyin iyo waxa Rabbigu muujiyo. 2 Waxaan garanayaa nin Masiix ku jira oo afar iyo toban sannadood ka hor kor loo qaaday ilaa samada saddexaad. Inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. 3 Oo waxaan garanayaa ninkaas, laakiin inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. 4 Isaga kor baa loogu qaaday Firdooska, oo wuxuu maqlay erayo aan lagu hadlin oo aan nin loo idmin inuu ku hadlo. 5 Kaasoo kale xaggiisa waan ku faani doonaa, laakiin xaggayga kuma faani doono, itaaldarradayda mooyaane. 6 Waayo, haddaan dooni lahaa inaan faano, doqon ma ahaan doono, waayo, runtaan ku hadli doonaa; laakiin waan iska celiyaa inaanu qofna ii malayn mid ka weyn wuxuu igu arko ama iga maqlo.
7 Inaanan isu sarraysiin waxyaalaha lay muujiyey weynaantooda dheer aawadeed, waxaa lay siiyey wax jidhkayga muda oo ah mid Shayddaan uu soo diray inuu i kadeedo, si aanan isu sarraysiin. 8 Waxaas aawadiis saddex goor ayaan Rabbiga ka baryay in waxaasi iga fogaado. 9 Oo isagu wuxuu igu yidhi, Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku faanayaa itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego. 10 Sidaa aawadeed waxaan ku farxaa itaaldarrooyin iyo hadallo cay ah iyo baahiyo iyo silecyo iyo dhibaatooyin Masiix aawadiis, waayo, markaan itaal daranahay, ayaan xoog badnahay.
Bawlos Faankiisii
11 Doqon baan noqday; idinkaase igu qasbay. Waxay ahayd inaad i ammaantaan, waayo, sinaba ugama aan liidan rasuulladii ugu wada waaweynaa, in kastoo aanan waxba ahayn. 12 Hubaal rasuul calaamooyinkiis ayaa si dulqaad leh laydiinka dhex sameeyey xagga calaamooyin iyo yaabab iyo shuqullo xoog leh. 13 Maxaa idinka dhiman oo aad uga liidataan kiniisadaha kale, anigoo aan idin culaysin mooyaane? Xumaantan aawadeed iga raalli ahaada.
14 Markan waa markii saddexaad oo aan diyaar u ahay inaan idiin imaado; oo idinma culaysin doono, maxaa yeelay, idinkaan idin doonayaa ee ma doonayo wixiinna; waayo, ma aha inay carruurtu waalidkood wax u kaydiso, laakiin waa inuu waalidku carruurta wax u kaydiyo. 15 Anna si farxad leh ayaan isu bixin, naftiinnaanan isu bixin. Haddii aan aad idiin jeclahay, ma si ka yar baa lay jecel yahay? 16 Hase ahaatee, anigu idinma aan culaysin, laakiin khaa'in baan noqday oo sir baan idinku qabtay. 17 Miyaan faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay kuwii aan idiin soo diray midkoodna? 18 Tiitos waan waaniyey, walaalkeenna waan la diray isagii. Tiitos miyuu faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay? Miyaannan isku ruux ku socon? Miyaannan isku tallaabooyin ku socon?
19 Haatan waxaad u malaynaysaan inaannu iska kiin daafacayno. Ilaah hortiisa waxaannu u hadlaynaa sida kuwo Masiix, oo gacaliyayaalow, wax kastaba waxaannu u samaynaa si aad u dhisantaan. 20 Waayo, waxaan ka cabsanayaa in, kolkaan imaado, aan idinka waayo sidaan doonayo inaad ahaataan, idinna aad iga weydaan sidaad doonaysaan inaan ahaado, waaba intaasoo ay jiraan dirir, iyo masayr, iyo xanaaq, iyo iskala qaybqaybin, iyo cay, iyo xan, iyo qabweynaan, iyo rabshooyin; 21 waaba intaasoo kolkaan mar kale imaado uu Ilaahay hortiinna igu hoosaysiiyaa, oo aan u baroortaa kuwo badan oo hadda ka hor dembaabay, oo aan ka toobadkeenin wasakhnimadii iyo sinadii iyo nejisnimadii ay faleen.
Digidda
13 Socodkan aan idiin imanayo waa kaygii saddexaad. Laba ama saddex markhaati afkooda ayaa eray walba lagu xaqiiqayn doonaa. 2 Markii horaan idhi, haddana waan leeyahay; sidaan idinku idhi markii labaad oo aan idinla joogay, ayaan haatanna anoo idinka maqan ku leeyahay kuwii hadda ka hor dembaabay iyo inta kale oo dhanba in haddaan mar kale imaado, aanan u tudhayn iyaga, 3 waayo, waxaad doondoonaysaan wax caddeeya in Masiixu iga dhex hadlayo, kan aan xaggiinna ku itaalka yarayn, laakiinse dhexdiinna ku xoogga badan. 4 Waayo, isagoo itaaldaran ayaa iskutallaabta lagu qodbay, laakiin wuxuu ku nool yahay xoogga Ilaah. Annaguba isaga waannu la itaal yar nahay, laakiin isagaannu xaggiinna kula noolaan doonnaa xoogga Ilaah. 5 Isjirraba inaad iimaanka ku jirtaan iyo in kale, oo bal istijaabiya. Oo miyeydnaan is-ogayn in Ciise Masiix idinku jiro haddaydnan ahayn kuwo aan loo bogin? 6 Laakiin waxaan rajaynayaa inaad ogaan doontaan inaannan ahayn kuwo aan loo bogin. 7 Hadda waxaannu Ilaah ka baryaynaa inaydnaan wax shar ah samayn, mana aha inaannu annagu u muuqanno sidii kuwo loo bogay, laakiinse waa inaad idinku samaysaan waxa wanaagsan, in kastoo aannu nahay sidii kuwo aan loo bogin. 8 Waayo, annagu ma samayn karno wax runta ka gees ah, laakiinse waxaannu samayn karnaa wax runta la jira. 9 Waayo, waannu ku faraxnaa markaannu itaal yar nahay, idinkuna aad itaal weyn tihiin. Wax kalena Ilaah baannu ka baryayna oo waa kaamilnimadiinna. 10 Sababtan aawadeed ayaan waxyaalahan u qoray intaan maqnaa, si aanan markaan joogo si adag idiinkula macaamiloon sida amarkii Rabbigu ii siiyey inaan idinku dhiso oo aanan idinku dumin.
Dhammaadka
11 Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Nabadgelyo. Qummanaada, dhiirranaada, isku fikir ahaada, nabad ku jooga, oo Ilaaha jacaylka iyo nabaddu wuu idinla joogi doonaa.
12 Dhunkasho quduus ah midkiinba midka kale ha ku salaamo. 13 Quduusiinta oo dhammi way idin soo salaamayaan.
14 Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelnimada Ruuxa Quduuska ahu kulligiin ha idinla jireen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya