Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Read the New Testament in 24 Weeks

A reading plan that walks through the entire New Testament in 24 weeks of daily readings.
Duration: 168 days
Somali Bible (SOM)
Version
Muujintii 5-6

Riyadii Wanka Ilaah Lagu Arkay

Oo anna kii carshiga ku fadhiyey gacantiisa midigta waxaan ku arkay kitaab wax kaga qoran yihiin dul iyo hoosba, oo waxaa ku shaabadaysnaa toddoba shaabadood. Oo waxaan arkay malaa'ig xoog weyn oo ku naadinaysa cod weyn, oo leh, Bal yaa istaahila inuu kitaabka kala bixiyo oo uu furo shaabadihiisa? Oo samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa laguma arag mid awooda inuu kitaabka kala bixiyo ama eego. Oo markaasaan aad u ooyay, maxaa yeelay, lama helin mid istaahila inuu kitaabka kala bixiyo ama eego. Markaasaa odayaashii midkood wuxuu igu yidhi, Ha ooyin, bal eeg, Libaaxa qabiilka reer Yahuudah ka mid ah oo ah xididkii ka yimid Daa'uud ayaa wuxuu ku guulaystay inuu furo kitaabka iyo toddobadiisa shaabadoodba.

Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddobada Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan. Oo isna intuu yimid ayuu kitaabkii ka qaatay kii carshigii ku fadhiyey gacantiisii midigtaa. Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta. Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta, 10 oo waxaad iyagii ka dhigtay inay Ilaaheenna u ahaadaan boqortooyo iyo wadaaddo; oo iyana dhulka ayay wax ku xukumi doonaan.

11 Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun; 12 oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad. 13 Oo wax kasta oo la abuuray oo ku jira samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa, iyo badda gudaheeda, iyo waxyaalaha iyaga ku jira oo dhan, ayaa waxaan maqlay iyagoo leh, Kan carshiga ku fadhiya iyo Wanka ha u ahaadeen mahad, iyo ciso, iyo ammaan, iyo xoog, weligood iyo weligood. 14 Markaasaa afartii xayawaan waxay yidhaahdeen, Aamiin. Odayaashiina way dhaceen oo sujuudeen.

Shaabadihii Waa La Furay

Oo waan arkayay markii Wankii furay toddobadii shaabadood middood, oo waxaan maqlay afartii xayawaan midkood oo codkiisa la moodo onkod leh, Kaalay oo arag. Oo bal eeg, waxaan arkay faras cad oo kii fuushanaana wuxuu haystay qaanso, oo waxaa isaga la siiyey taaj; oo wuxuu soo baxay isagoo guulaysanaya, wuxuuna u soo baxay inuu guulaysto.

Oo haddana markii uu furay shaabaddii labaad ayaa waxaan maqlay xayawaankii labaad oo leh, Kaalay oo arag. Markaasaa waxaa soo baxay faras kale oo xamar ah; oo kii fuushanaana waxaa la siiyey amar inuu dunida nabadda ka qaado iyo in dadka midba midka kale dilo; oo waxaa la siiyey seef weyn.

Oo haddana markuu shaabadda saddexaad furay ayaa waxaan maqlay xayawaankii saddexaad oo leh, Kaalay oo arag. Oo bal eeg, waxaan arkay faras madow; oo kii fuushanaana wuxuu gacanta ku haystay miisaan. Oo waxaan afartii xayawaan badhtankooda ka maqlay wax cod la moodo oo leh, Koombo sarreen ah qiimaheedu waa dinaar, saddex koombo oo shaciir ahna qiimahoodu waa dinaar, saliidda iyo khamrigana wax ha yeelin.

Oo haddana markuu furay shaabaddii afraad ayaa waxaan maqlay xayawaankii afraad codkiisii oo leh, Kaalay oo arag. Oo bal eeg, waxaan arkay faras cirro leh; oo kii fuushanaana magiciisu wuxuu ahaa Dhimasho; oo waxaa la socday Haadees. Oo waxaa iyaga la siiyey amar ay ku xukumaan dunida waaxdeed oo ay ku laayaan seef, iyo abaar, iyo dhimasho, iyo dugaagga dhulka.

Oo haddana markuu furay shaabaddii shanaad waxaan meeshii allabariga hoosteeda ku arkay nafihii kuwii loo dilay eraygii Ilaah aawadiis, iyo markhaatigii ay fureen aawadiis, 10 oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga? 11 Oo midkood kastaba waxaa la siiyey khamiis cad; oo waxaa loo sheegay inay wakhti yar sii nastaan ilamaa kuwa iyaga addoommada la ah iyo walaalahooda dhowaan sidoodii oo kale loo dili doono ay soo dhammaadaan.

12 Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale; 13 oo xiddigihii samaduna waxay ku soo daateen dhulka sida geed berde ahi u tuuro midhihiisa aan bislaan markii dabayl weyni ruxdo. 14 Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey. 15 Oo boqorradii dunida, iyo amiirrada, iyo saraakiisha sare, iyo taajiriinta, iyo kuwa xoogga weyn ah, iyo addoon kasta iyo mid kasta oo xor ahuba, waxay ku dhuunteen godadka iyo dhagaxyada buuraha; 16 oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka, 17 waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya