New Testament in a Year
Wax Sabti Dhawridda Ku Saabsan(A)
12 Wakhtigaas Ciise wuxuu sabtidii dhex maray beeraha, xertiisuna waa gaajaysnayd, oo waxay bilaabeen inay sabuulladii jartaan oo cunaan. 2 Laakiin Farrisiintii goortay arkeen, waxay isaga ku yidhaahdeen, Eeg, xertaadu waxay samaynayaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo. 3 Laakiin wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray, 4 siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u cunay [a]kibistii tusniinta, tan aan xalaal u ahayn inuu cuno ama in kuwii la jiray cunaan, wadaaddada keliya maahee? 5 Ama miyaydnaan sharciga ka akhriyin in wadaaddadii macbudka ku jira sabtida, ay sabtida ka dhigaan wax aan quduus ahayn oo ay ka eed la' yihiin? 6 Waxaan idinku leeyahay, Mid macbudka ka sarreeya ayaa halkan jooga. 7 Haddaad aqoon lahaydeen hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, kuwa aan eed lahayn ma aad xukunteen. 8 Waayo, Wiilka Aadanahu waa sayidkii sabtida.
Ninkii Gacanta Engegnaa Waa La Bogsiiyey(B)
9 Markaasuu halkaas ka tegey oo wuxuu galay sunagoggooda. 10 Oo waxaa joogay nin gacan engegan. Goortaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo? si ay ugu ashtakeeyaan. 11 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkiinnee baa lax leh oo hadday sabtida god ku dhacdo, aan soo qabanaynin oo aan soo bixinaynin? 12 Haddaba nin intee buu ka qiima badan yahay lax! Sidaa darteed waa xalaal in sabtida wanaag la sameeyo. 13 Markaasuu ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Wuuna soo taagay, oo way bogsatay sida tan kale. 14 Laakiin Farrisiintu waa baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay u dilaan.
Midiidinkii La Doortay
15 Ciise goortuu ogaaday ayuu halkaas ka tegey, oo waxaa raacay dad badan, dhammaantoodna wuu wada bogsiiyey. 16 Wuxuuna ku amray inaanay cidna u sheegin, 17 si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh,
18 Eeg midiidinkaygii aan doortay,
Kan aan jeclahay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay.
Ruuxayga ayaan dul saari doonaa,
Wuxuuna quruumaha u sheegi doonaa xukunka.
19 Ma uu ilaaqtami doono, mana qaylin doono,
Ninnana codkiisa jidadka kama maqli doono.
20 Cawsduur nabar leh ma jebin doono,
Dubaalad qiiqaysana ma demin doono,
Ilaa uu xukunka u soo bixiyo libta.
21 Oo quruumuhu waxay ku rajayn doonaan magiciisa.
Ciise Iyo Be'elsebul(C)
22 Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay. 23 Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya